Maxamed Cali Ameeriko oo beeniyay inuu lacago lunsaday intii uu ahaa Safiirka Soomaaliya ee dalka Kenya

0
Saturday October 24, 2015 - 10:07:37 in Wararka by
  • Visits: 636
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Maxamed Cali Ameeriko oo beeniyay inuu lacago lunsaday intii uu ahaa Safiirka Soomaaliya ee dalka Kenya

    Maxamed Cali Ameeriko oo ah danjirihii hore ee Soomaaliya u fadhin jirey Kenya ayaa durba ka jawaabay eedeyn kaga timid Guddiga QM ee Kormeerka Xayiraadda saaran dalalka Somalia iyo Eritrea (The Monitoring Group on Somalia) taasoo ahayd inuu lacago l

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Maxamed Cali Ameeriko oo ah danjirihii hore ee Soomaaliya u fadhin jirey Kenya ayaa durba ka jawaabay eedeyn kaga timid Guddiga QM ee Kormeerka Xayiraadda saaran dalalka Somalia iyo Eritrea (The Monitoring Group on Somalia) taasoo ahayd inuu lacago lunsaday intuu xilka hayay.
Danjire Ameeriko wuxuu sheegay ineysan waxba ka jirin eedeynta loo jeediyay wuxuuna tilmaamay in wixii dhaqaale soo galay safaarada ku taageeri jirey Soomaalida ku dhibaateysan gudaha Kenya.
Gudiga war ay soo saareen waxay ku sheegeen inay danjire ameeriko la xiriiren bishii September 7-dii ilaa 12-keedii ee sannadkan, xilli uu ku sugnaa magaalladda London iyagoo wax ka weydiinayay arimahaan.
Gudiga waxay intaasi ku dareen in Maxamed Cali Ameeriko markaas isku difaacay inuu dhaqaalaha ka soo xerooday Baasabooradda uu u adeegsaday cawinta qaxootiga Soomaalida ee ku jira xagar dheer,dhadhaabiyo ifo.
Mas’uulkaan wuxuu hore qoraal ugu direy Guddiga QM ee Kormeerka Xayiraadda saaran dalalka Somalia iyo Eritrea isagoo ugu faahfaahiyay halka uu ku bixiyo qarashaadkii soo galay.






Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip