Hillary Clinton oo qaadatay mas'uuliyadda weerar lagu dilay wakiilkii Maraykanka ee Libya.

0
Saturday October 24, 2015 - 09:10:51 in Wararka by
  • Visits: 689
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Hillary Clinton oo qaadatay mas'uuliyadda weerar lagu dilay wakiilkii Maraykanka ee Libya.

    Xog'hayihii hore ee arrimaha dibbadda Maraykanka haddana ah musharax u taagan xilka madaxtinimada dalkaas Hillary Clinton ayaa sheegtay mar kale inay qaadanayso mas'uuliyada weerar lagu dilay 4 ruux oo Maraykan ah oo uu ku jiray qunsulkii M

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Xog'hayihii hore ee arrimaha dibbadda Maraykanka haddana ah musharax u taagan xilka madaxtinimada dalkaas Hillary Clinton ayaa sheegtay mar kale inay qaadanayso mas'uuliyada weerar lagu dilay 4 ruux oo Maraykan ah oo uu ku jiray qunsulkii Maraykanka u fadhiyay magaalada Banghazi ee dalka Libya.

Hillary Clinton waxay u sheegtay guddiga congresska dalkeeda oo su’aalo weydiinayay muddo 10 saacadood ka badan inay qirsan tahay inaysan qaban shaqadii lagu bad baadin lahaa qunsulka iyo shaqaalihiisii waxaana ay intaa ku dartay inay naxdiintii ay ka qaaday ay hurdo la’aani ku dhacday.

Wakiilkii Maraykanka ee magaalada Banghazi Chris Stevens iyo 3 ruux oo kale oo illaaladiisa ay ku jiraan ayaa lagu dilay weerar 11 bishii September sanadkii 2012 lagu qaaday dhismaha qunsuliyada Maraykanka ee magaaladaas.



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip