Jiil cusub oo Nolol ku Badbaadinaaya Soomaaliya

0
Saturday October 24, 2015 - 09:07:52 in Wararka by
  • Visits: 723
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Jiil cusub oo Nolol ku Badbaadinaaya Soomaaliya

    Dr. Axmed Taajir, dhakhtarka sare ee qalliinka Isbitaalka Keysaney wuxuu isbitaalka ku tababaraya kalkaaliyaal caafimaad. Yaxye (fadhiya dhexda safka hore) wuxuu qaatay tababar kalkaaliye caafimaad dhanka qalliinka.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Dr. Axmed Taajir, dhakhtarka sare ee qalliinka Isbitaalka Keysaney wuxuu isbitaalka ku tababaraya kalkaaliyaal caafimaad. Yaxye (fadhiya dhexda safka hore) wuxuu qaatay tababar kalkaaliye caafimaad dhanka qalliinka.

Hadda wuxuu awood u leeyahay in dhakhaatiirta qalliinka ku caawiyo wax ka qabashada xaaladaha khaaska ah.

YZD6719-625x410

Maalintii ugu horraysay ee Kalkaaliye Yaxya iska xaadiriyey waaxda qalliinka Isbitaalka Keysaney oo ku yaalo Muqdisho ayaa waxaa la keenay bukaaan qabaa dhawacyo xabad oo halis ah. Yaxye ayaa caawimmada geystay halka dhakhaatiirta sare qalliinka ka badbaadiyey khatar, fursadan caawinta ahna loogu magac daray "riyo rumowday.”

"Tani waxay gebi ahaanba i dareensiisay farxad,” Yaxye ayaaa sidaa yiri maalintiisi ugu horreysay ee qalliin sameeyo bishii Abriil.

Asago ku koray caasimadda Soomaaliya oo tabankii sano la soo dhaafay la kulantay dagaal ba’an iyo weeraro bambaano, Yaxye ayaa goor hore noloshiisa yiri in uu xiiso u hayo caawinta dhibanayaasha rabshadaha. "Arday ahaan ma sugi karo in aan sii dhammeysto waxbarashadeyda,” 21 jirka ayaa sidaa yiri.

YZD6523-265x300

Isbitaalka Keysaney door muhim ah ayuu ka cayaaray in gagaar caafimaad oo deg deg ah u fidiyo dadka waxyeelada ka soo gaartay dagaalada. Yaxye wuxuu u riyaaqi lahaa in isbitaalka fursad siiyo kalkaaliyaasha caafimaad oo niyadda u haya in ay waxbartaan hadana ku lug yeeshaan..

"Waxaan jeclaan lahaa in aan arko ardayda baraneysa caafimmadka in ay ka qeyb qaataan tababarkan sharafta leh ujeedkiisuna yahay hagaajinta nolosha bulshooyinka. Waxaan rumeysanahay in anaga keeni karno isbedelka,’ Yaxye ayaa yiri oo horraanta sannadka soo socda dhammeysanaaya tababarka.

Yaxye wuxuu qaatay tababar kalkaaliye caafimaad ee dhanka qalliinka, dhayida iyo tolida. Asagoo raacaya talada dhakhtarka sare ee qalliinka isbitaalka, Dr. Axmed Maxamed- sida weyn loo yaqaano Dr. Taajir ayaa Yaxye hadda awood u leeyahay in dhakhaatiirta qalliinka ku caawiyo la wax ka qabashada xaaladaha khaaska ah.

Keysaney waa mid ka mid ah isbitaalada Soomaaliya ugu sareeya. Intii u dhaxeysay Janaayo iyo Maay 2015, in ka badan 700 bukaan ayaa la dhigay isbitaalka oo 217 ay ahaayeen xaalado la xiriira dhaawac hub. ICRC waxay taageertaa 4 isbitaal oo ku yaalaan Koofurta iyo Bartamaha Soomaaliya uuna ka mid yahay Isbitaalka Keysaney oo si buuxda loo qalabeeyey si u daaweeyo xaaladaha dhaawaca hubka.

YZD6673-1024x682





Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip