Shir caalami ah, loogana hadlayo sidii 15-sano ee soo socota isku filnaansho u gaari lahaayeen dalal ay Soomaaliya ka mid tahay oo ka furmay dalka Malesia

0
Saturday October 24, 2015 - 08:56:07 in Wararka by
  • Visits: 631
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Shir caalami ah, loogana hadlayo sidii 15-sano ee soo socota isku filnaansho u gaari lahaayeen dalal ay Soomaaliya ka mid tahay oo ka furmay dalka Malesia

    Dalka Malesia magaaladiisa Kuala Lumbur waxaa ka furmay shir caalami ah oo ay ka soo qeyb galeen madax iyo wufuud kala duwan kana socday dalalka Aasiya intooda badan, shirkaasi oo looga hadlayo qaabka dalalka ay Soomaaliya ka mid tahay u gaari lahaay

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Dalka Malesia magaaladiisa Kuala Lumbur waxaa ka furmay shir caalami ah oo ay ka soo qeyb galeen madax iyo wufuud kala duwan kana socday dalalka Aasiya intooda badan, shirkaasi oo looga hadlayo qaabka dalalka ay Soomaaliya ka mid tahay u gaari lahaayeen isku filnaansho 15-ka sano ee soo socota.

Shirkaan caalamiga ah oo ay ka soo qeyb galeen ku dhowaad 500-qof oo isaga kala yimid dalalka caalamka, waxaa Dowladda Soomaaliya uga qeyb gelaya wafdi isugu jira Wasiiro, Safiirka Soomaalida ee dalka Malesia, siyaasiyiin iyo xubno horay xilal u soo qabtay.

Xubnaha Soomaaliya uga qeyb gelaya shirkaasi caalamiga ah waxaa ka mid ah: Wasiirka Dekedaha iyo Gaadiidka Badda, Wasiiru Dowlaha arrimaha dibadda, Wasiir K/Xigeenka Wasaaradda Kalluumeysiga iyo Kheyraadka Badda iyo xubno kale.

Madaxda Soomaaliya ayaa halkaasi ka jeedinaya khudbad ku aadan sidii dalka Soomaaliya 15-sano kaddib uu u gaari lahaa isku filnaansho, iyagoona dalalka caalamka ka codsanaya in dowladda curdanka ee Soomaaliya u dhisan loogu taageeri lahaa himilada ay hiigsaneyso 15-sano kaddib.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip