Golaha Ammaanka oo kordhiyay waqtiga cunaqabateynta hubka ee Soomaaliya

0
Saturday October 24, 2015 - 08:31:15 in Wararka by
  • Visits: 654
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Golaha Ammaanka oo kordhiyay waqtiga cunaqabateynta hubka ee Soomaaliya

    Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobey ayaa kordhiyay cunaqabateynta hubka ee saaran Soomaaliya, kadib fadhi Goluhu ku yeeshay magaalada New York ee dalka Mareykanka. Cunaqabateynta hubka ee saaran Soomaaliya ayaa hal sano lagu kordhiyay illaa iyo b

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobey ayaa kordhiyay cunaqabateynta hubka ee saaran Soomaaliya, kadib fadhi Goluhu ku yeeshay magaalada New York ee dalka Mareykanka. Cunaqabateynta hubka ee saaran Soomaaliya ayaa hal sano lagu kordhiyay illaa iyo bisha November ee sanadka 2016.

Qaraarkan ayaa waxaa u codeeyay 14 dal ee ka mid ah 15-ka dal ee xubinta ka ah Golaha Ammaanka, waxaana ka aamustay dalka Venezuela kaliya.

Sidoo kale Golaha Ammaanka ayaa waqtiga u kordhiyay howsha Kooxda Qaramada Midoobey u qaabilsan la socodka arrimaha Soomaaliya iyo Eritrea ilaa 15 bisha December ee sanadka 2016.

Waxaa uu Golaha Ammaanka walaac ka muujiyay musuq maasuqa, lunsashada hantida qaranka iyo wax is daba marinta lacagaha ee ay ku lug leeyihiin Mas’uuliyiin ka tirsan dowladda Federaalka iyo Baarlamaanka.

Golaha Ammaanka ayaa hoosta ka xariiqay in shaqsiyaadka faraha kula jira falalka khatarta ku ah amaanka iyo hanaanka dib u heshiisiinta ay suurtogal tahay in ay xannibaado la kulmaan.

Ku xigeenka madaxa ergada Soomaaliya u fadhida QM Cawaale Cali Kulane ayaa sheegay in eedaymaha ku qoran warbixinta ay dawladda Soomaaliya ku raacsanayn.

Guddiga kormeerka cunaqabateynta hubka ee Soomaaliya iyo Eritrea ayaa warbixin ay maalin ka hor soo saareen kaga hadlay xaalada Soomaaliya, gaar ahaan burcad badeedka, musuq maasuq, argagixisada, amniga, dhoofinta dhuxusha iyo arrimo kale




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip