Kenya oo Maxkamada ICJ u gudbisay caddeyn la xiriirta muranka Bada ee kala dhexeeya Somalia

0
Saturday October 24, 2015 - 08:20:11 in Wararka by
  • Visits: 702
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Kenya oo Maxkamada ICJ u gudbisay caddeyn la xiriirta muranka Bada ee kala dhexeeya Somalia

    Xukuumadda Kenya ayaa u gudbisay QM caddymo la xariira muranka xuduud-badeedka ah ee kala dhexeeya Soomaaliya, iyadoo xukuumada Kenya ay doonayso in murankan lagu dhameeyo qaab ka baxsan dacwad maxkamadeed.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Xukuumadda Kenya ayaa u gudbisay QM caddymo la xariira muranka xuduud-badeedka ah ee kala dhexeeya Soomaaliya, iyadoo xukuumada Kenya ay doonayso in murankan lagu dhameeyo qaab ka baxsan dacwad maxkamadeed.
Wargeyska Daily Nation ee kasoo baxa magaalada Nairobi ayaa warbixin uu soo daabacay shalay oo Jimco aheyd ku sheegay in caddeymahan oo uu gudbiyay xeer-ilaaliyaha Qaranka Kenya, Githu Muigai ay yihiin xog la ururiyay toddobadii sano ee lasoo dhaafay.

"Maxkamadda ICJ waxaan u gudbinnay xorta rasmiga ah ee la xiriirta xuduudda badda ee Soomaaliya iyo Kenya u dhexeysa, si loo caddeeyo xuduudda,” ayuu yiri xeer-ilaaliyaha guud ee Kenya, Githu Muigai.

Sidoo kale, Xeer-ilaaliyaha Kenya ayaa sheegay in xuduudda badda ee u dhexeysa dalalka Soomaaliya iyo Kenya aysan ahayn sharcigii xuduudda badda ee la dajiyay sanadkii 1980-kii, balse ay tahay mid taas ka duwan, isagoo warkiisa raaciyay in xuduuddooda ay tahay qaab saddex-xagal ah oo qiyaastiisu tahay 100,000-KM oo bariga xeebta dalka Kenya ku aaddan.

Xeer ilaaliyaha Qaranka Kenya ayaa wuxuu hadalkiisa ku daray in xuduudan ay tahay mid ay heshiis kula galeen dowladihii KMG ahaa ee Soomaaliya soo maray sannadkii 2009-kii, taasoo ay ku doonayeen in lagu xaliyo muranka badda ee u dhexeeya labada wadan. Isagoo intaas ku daray inay arrintan oo kale ay horay u dhacday badda ay waddanka Tansaaniya la wadaagaan, sidaan oo kalena lagu xalliyay sanadihii la soo dhaafay.

"Dacwaddii ay maxkamadda ICJ u gudbiyeen xeer-ilaaliyaha guud ee Somalia iyo wafdigii uu hoggaaminayay waxay ahayd mid aan fadhin. Cadeymaha dacwadda ay gudbiyeenna waa mid ay labada madaxweyne ee Soomaaliya iyo Kenya kawada hadleen sanadkii 2014-kii. Dacwadda ay dowladdaSomalia gudbisaynawaa mid ka hor-imaanaysa heshiiskaas,” ayuu hadalkiisa ku daray Githu Muigai.

Kenya ayaa doonaysa in xadka badda uu ahaado sida ay iyadu ay u doonayso in uu ahaado oo ah in calaamada xadka loo soo qalloociyo dhinaca Somalia, halka dowladda Somalia ay ku doodayso in caalamadda xadka ee dhulka iyo tan badda ay isla socdaan.

Ugu dabmeyn, Xukuumadda Kenya ayaa waxayna doonaysaa in muranka xadka Badda ee Soomaaliya kala dhexeeya lagu dhammeeyo si ka baxsan maxkamad. Iyadoo dowladda FS ay dhawaan diiday in xeer-jajab lagu dhameeyo muranka badda ee kala dhexeeya, ayna ku kalsoon tahay go’aanka kasoo baxa maxkamadda Qaramada Midoobay.

- See more at: http://www.hiiraan.com/news/2015/Oct/wararka_maanta23-93509.htm#sthash.AEuKGFr9.dpuf


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip