WAA WARARKA WARGYESK AMOGADISHU TIMES DAILY NEWS PAPER EE MAANTA OO AH SABTI 24KA OKTOOBAR 2015KA

0
Saturday October 24, 2015 - 07:49:07 in Wararka by
  • Visits: 1285
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    WAA WARARKA WARGYESK AMOGADISHU TIMES DAILY NEWS PAPER EE MAANTA OO AH SABTI 24KA OKTOOBAR 2015KA

    MADAXWEYNAHA SOOMAALIYA: CIIDANKA AMISOM DHAWAAN AYAY KA GUURAYAAN JAAMACADDII GAHAYR Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan She ekh Maxamuud ayaa sheegay in dowladdi isu ay ka go'an tahay in la horumariyo ade egyada ay bixiso Jaamacadda Ummadda Soom

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

MADAXWEYNAHA SOOMAALIYA: CIIDANKA AMISOM DHAWAAN AYAY KA GUURAYAAN JAAMACADDII GAHAYR Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan She ekh Maxamuud ayaa sheegay in dowladdi isu ay ka go'an tahay in la horumariyo ade egyada ay bixiso Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed oo dhawaan dib loo hawlgeliyay, ka dib dagaalladii sokeeye ee dal ka ka dhacay. Md.Xasan Sh.ayaa hadalk an sheegay xilli uu booqanayay Khamiistii dorraad xarunta Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed ee Muqdisho; halkaasoo in dhoindheyn ku sameeyay sida ay waxbar ashadu u socoto.

"Dowladda fS waxaa ka go'an dib u soo nooleynta dhammaan laamihii ay ka koob nayd Jaamacadda Ummadda Soomaaliye ed, waxaana dhiirrigelinayaa in lagu soo daro laamaha kale ee cilmiga ee muhiim ka ah, si jaamacadda ay ula tartanto jaa macadaha kale ee caalamka ka jira,” ayuu yiri Xasan Sheekh. Sidoo kale, madaxweynaha Sooma aliya ayaa xusay in muddadii yarey ee ay dib u howlgashay jaamacada Ummadda Soomaaliyeed ay ay sameysey horumar la taaban karo, isla markaana wuxuu bogaad inayo dadaalka ay muujiyeen mas’uulyiiin ta Jaamacadda.

MdXasan Sh.ayaa intaas ku daray in maalmaha dhowr ee soo socda ay ciidan ka AMISOM ee deggen dhismeyaashii ho re ee Jaamacadda Ummadda Soomaaliye ed ay ka guuri doonaan, si fursad loo siiyo in jaamacadda ay dadka Soomaaliyeed u gu adeegeyso.

Ugu dambeyn, Xasan Sh. ayaa waxaa kormeerka Jaamacadda Ummadda ku we hlisey wasiiradda waxbarashada, Khadar Bashiir, waxayna kaga dhageysteen halka as warbixino guddoomiyaha Jaamacadda Ummadda, Prof. Maxamed Axmed Jimc aale iyo qaar ka mid ah ardayda iyo maca limiinta jaamacadda.

QARAMADA MIDOOBAY: ALSHABAAB WAXAY WELI KHATAR KU TAHAY AMNIGA SOOMAALIYA & BARIGA AFRIKA

Warbixinta kooxda kormeerkaa Q/Mid oobay ee ee cunoqabateynta hubka ee Soomaaliya & Eritrea ayaa lagu sheegay in Alshabaab ay weli tahay halista ugu we yn ee ammaanka Soomaaliya iyo guud ah aan gobolka Bariga Afrika oo dhan.

Alshabaab ayaa weli maamusha dhul ballaaran oo Soomaaliya ku yaalla, inkast oo ciidamada AMISOM iyo kuwa Soomaal iya ay ka saareen dhul badan, haddana ko oxdu ay caalami ahaan sii ballaaranayso, iyadoo weerarradeeda la beegsato gooba ha muhiimka ah ee Soomaaliya iyo Ken ya.Sidoo kale, warbixinta ayaa cabsi ka muuj isay in deegaannada Alshabaab ay sii lu minayso ee koonfurta Soomaaliya uu macanaheedu yahay inay kusii xoogeys an doonto buuraleyda Galgala ee Punt land, taasoo fududeyn karta inuu adkaado xiriirka Alshabaab iyo Alqaacidada Yem en. Warbixinta ayaa waxaa kaloo lagu xus ay in hoggaamiyaha Alshabaab, Sh. Axm ed Cumar AbuCubeyda oo sidoo kale loo yaqaan Axmed Diiriye ama Mahad Cumar C/kariin uu yahay hoggaamiye wax badan kaga duwan hoggaamiyihii ka horreeyay ee Axmed Cabdi Godane oo 01dii Sept ember ee 2014kii lagu dilay weerar ay diyaaradaha Mareykanka fuliyeen.

Sh. Abu Cubeyda waa nin tanaasul iyo wadashaqeyn oggol, isla markaana aan dadka u caburin sida Godane, isla marka ana aqbala xubnaha qunyar socodka ah ee kooxda ku jira, taasoo u sahashay in hoggaamintiisa kooxda ay noqoto mid gu ul ah illaa iyo hadda, sida lagu xusay war bixinta. Kooxda QM ayaa sidoo kale warb ixintooda ku sheegay in Sheekh Abu Cub eyda uu weli sii wado in lala wadaago awo odda kooxda, isagoo hoggaamiyayaasha iyo taliyeyaasha deegaannada ay maamu sho kooxda u ogoolaaday inay si madaxbannaan u shaqeeyaan, xitaa marka ay ti maado arrimaha dhaqaalaha.

Waxay kaloo kooxdu warbixintooda ku sheegtay inay heshay xog muujinaysa in dilkii Yuusuf Dheeq Ismaaciil oo ahaa mad axii amniyaatka AlShabaab, kaasoo la dil ay 31kii Jannaayo 2015ka, uu fududeey ay signalka lambarka taleefoonkiisa oo ay soo dhiibeen ciidamada ammaanka Somal iland. Yuusuf waxaa sidoo kale lala dilay C/shakuur Tahliil oo ka tirsanaa amniyaat ka Alshabaab.

Sidoo kale, warbixinta ayaa lagu yiri in istaraatiijiyadda dagaalka ee Alshabaab ay inta badan u bedeshay beegsiga hotee llada ku yaalla Muqdisho, gaar ahaan ku wa ay dagaan mas’uuliyiinta dowladda Soomaaliya oo ay u aragto goobo beylah ah oo khasaare badanna dhalin kara, iyad oo lagu xustay weeraradii lagu qaaday hot eellada Jazeera, Maka AlMukarama iyo Central oo kuwada yaalla Muqdisho.

Warbixinta ayaa dhanka kalen wax ka ma jiraan kasoo qaaday sheegashooyinka dowladda Soomaaliya ee ah in xubnaha ka soo goosanaya Alshabaab ee isku soo dhiibaya ay la macno tahay inay sii dhama anayaan soo jiidashadii Alshabaab iyo aw oodaheeda, iyadoo tusaale loosoo qaada tay, Zakariye Axmed Ismaaciil Xirsi oo ah aa madaxii sirdoonka Alshabaab. Balse kooxda QM waxay leedahay inuu Zakariye ahaa nin dhinac looga riixay kooxda, san nado badan ka hor inta uusan isdhiiban, waxaana sarakaal ka tirsan dowladda So omaaliya ay kooxda QM kasoo xigatay in xogtii uu Zakariye siiyay dowladda Soom aaliya ay badankeed ahayd mid waqtig eeda la dhaafay ama dadka oo idil ay wa da ogyihiin.

Kooxda ayaa warbixintooda ku xusay inay walaac tahay awooddii Alhabaab ay u yeelatay inay ku dhuumato garoonka diy aaradaha Muqdisho oo weerar ay ka fulisay 25kii December 2014kii, taasoo la gu dilay siddeed askari oo AMISOM ka tirs an iyo laba qof oo shacab ah.

Warbixnta ayaa lagu xusay in dhibaat ada ugu weyn ay tahay in kaararka aqoo nsiga ee lagu galo garoonka diyaaradaha Muqdisho si fudud looga sameysan karo suuqa Bakaaraha, laguna sameysan karo lacag u dhaxeysa 20 illaa 40 doollar.

Warbixinta ayaa soo hadal qaaday me elaha ay Alshabaab dhaqaalaha ka he sho iyadoo la xustay in lacagta ugu badan ay ka heli jirtay canshuur ay dhoofinta dhu xusha ay sii yaraanayso awgeed ay koox du hadda isku haleyneaso habab kale oo ay lacag ku uruurasto. Warbixinta waxay lagu xusay in Alshabaab ay ka hesho lac ag badan Zakada ay ka qaaddo shacabka ku nool Jubbooyinka. Waxaa sidoo kale dhaqaale badan ay ka heshaa baa la yiri ganacsiyada waaweyn iyo kuwa yaryar, iyadoo la yaab ku tilmaamtay in ganacsiyo ku yaalla Muqdisho ay canshuur siiyaan Alshabaab, laakiinse aysan siin dowladda federaalka Soomaaliya.

Gawaariada xamuulka ah ee sonkorta ka qaada magaalada Kismaayo, isla mark aana geeya dalka Kenya ayay warbixinta sheegtay in Alshabaab ay dhexda u ga sho, kana qaado lacag 1,000 dololar ah ga ari walba. Ugu dambeyn, warbixinta ayaa lagu sheegay in kooxdu ogaatay inuu xiriir wanaagsan uu ka dhaxeeya Alshabaab iyo kooxaha daroogada ka ganacsada ee Geeska Afrika, iyagoo ka wadashaqeeya in daroogada Herointa loo yaqaan ee la ga keeno Afgaanistaan loo gudbiyo Qaar adda Yurub, halkaasna lacag badan Alshabaab ay ka sameyso.

XIGASHO HIIRAAN.COM

DOWLADAHA SOOMAALIYA IYO SUUDAAN OO KALA SAXIIXDAY HESHIIS KU SAABSAN WARBAAHINTA

Dowladaha Soomaaliya iyo Suudaan ay aa kala saxiixday heshiis ballaaran oo ku saabsan warbaahinta, kaasi oo dhaqan ge laya sanadka cusub 2016ka, iyadoo mu naasabadda heshiiskaasina ay ka qeyb ga leen madaxda labada dowladood.

Heshiiskaan ayaa dhigaya in dowladda Suudaan ay taageero dhinacyo kala duw an u fidiso warbaahinta Dowladda FS, ka dib markii uu ansixiyay Baarlamaanka dal ka Suudaan sanadkii 2010ka.

Xubnaha ka qeyb galay munaasabadda ee ka socday DS waxaa ka mid ah Agaasi maha guud C/risaaq Cali Yuusuf (Bahla awi), iyadoo dhanka Dowladda Suudaan uu u saxiixay Agaasime Cabdulmajiid Ha aruun Cabdulmajiid, waxaana goob ka ah aa madax iyo saraakiil ka kala tirsan laba da dal.

Dhinaca kale madaxda DS iyo Suuda an ayaa ka hadlay heshiiskaasi, iyagoona sheegay in 2da dal ee walaalaha ah ay Is ka kaashanayaan dhinacyada horumarinta warbaahinta. D/Suudaan ayaa ka mid ah dowladaha Afrika ee iyagu taageera dowla dda Soomaaliya, gaar ahaan dhinacyada dib u dhiska, caafimaadka iyo taageerada kala duwan ee ku saabsan arrimaha garg aarka iyo horumarinta waxbarashada.

QARAMADA MIDOOBAY OO SHAACISAY IN SOOMAALIYA LAGA CIRIBTIRAY CUDURKA HALISTA AH EE DABEYSHA

Hay’adaha Caafimaadka Dunida [WHO] iyo UNICEF ee Qaramada Midoobay ayaa shaaciyay Khamiistii in laga ciribtiray Soo maaliya cudurka dabeysha, kaasoo waxy eelleeyay 192 qof tan iyo sannadkii

2013kii.

Tallaabadan lagu shaacisay in cudurka dabeysha laga ciribtiray Soomaaliya ayaa yiid ka dib markii baara yaal ka kala socda haya’adaha UNICEF, WHO iyo xarummo ka cudurkan hortaga ay baaritaanno dhe eraad ah ku sameeyeen cudurkaan, kuw aasoo shaaciyay in cudurka dabeyshu uu ka dhammaaday Soomaaliya bish an Okto obar ee lagu jiro.

Fayruska cudurka dabeysha ayaa lagu arkay gabar yar oo laba sano jir ah bishii May, 2013kii; kaasoo si dhaqso ah ugu fa afay Soomaaliya oo dhan, waxyeellana u geystay 194 ruux illaa dhammaadkii isla sannadkaas.

Dadaallo badan oo la sameeyay dart eed ayaa keentay in cudurkaani uu fidi wa ayo, iyadoo sannadkii 2014kii lagu arkay cudurka shan ruux oo keliya. Iyadoo kiiskii ugu dambeeyay ee cudurkana la sheegay in la gu arkay degmada Hobyo ee gobolka Mudug, 11kii Ogoosto sannadkii 2014kii.

"Mas’uuliyiinta Soomaaliya ayaa muujiyay dadaal cudurkaan looga hortagayo, kaa soo ay sheegeen inuu yahay mid kaalinta hore kaga jira arrimaha Qarankooda, ayna hubinayaan in carruurta la tallaalo,” ayuu yiri xiriiriyaha QM ee gargaarrada bani’aad amnimo ee Soomaaliya, Peter delercq.

Xiriiriyaha ayaa intaa ku daray. "Tani waa guul weyn oo ay soo hoyeen dad u shaqeynayay si mutada wacnimo ah oo u bareeray khatarta si ay u badbaadiyaan nolosha dadka kale ee in la caawiyo u baahan.

Sidoo kale,kuxigeenka afhayeenka QM, Farhan Haq oo isagana hadlay ayaa ku sheegay warkiisa in olole weyn oo ay iska kaashadeen dowladda Soomaaliya, WHO, UNICEF iyo hay’adda caalamiga ah ee ka hortagga cudurka dabeysha tallaa lka cudurka dabeysha lagu siiyay 2.1 mil yan carruur ah oo ay da’oodu ka hoosayso shan sano.

Intii uu ololahan socday ayaa la sheegay in deegaannada qaarkood la tallaalayay caruurta da’doodu u dhexeyso shan sano illaa 10sano, iyadoo dadka waaweyna qa arkood tallaalka la siinayay si loo xaqiijiyo in la hakiyo in fayruska cudurku uu fido.

Khurubo ka kala socotay hay’adaha WHO iyo UNICEF oo la shaqeynayay xub no Soomaaliya ah ayaa kormeerro ku sa meynayay 35 barnaamij oo looga hortagayay cudurka dambeysha, iyadoo xaa laddu ahayd mid khatar ah. Tallaalka cudu rkan intii uu ocday ayaa la sheegay in laba ka mid ah shaqalaha hay’adda UNICEF la gu dilay qarax ka dhacay magaalada Garo owe ee xarunta maamulka Puntland 20kii bishii Abriil ee sannadkan 2015ka.

Shaqaalaha tallaalka ee Soomaalida ah ayaa guryaha booqanayay si ay carruurta ku nool u siiyaan tallaalka cudurka waxna afeeya ee dabeysha, xilli ay xaaladda am maan ee goobaha qaarkood ay khatar ahayd.

"Jawaab degdeg ah oo looga hortagay ay cudurkan inuu baaho ayaa guul weyn laga gaaray, iyadoo la joojiyay faafidda cu durkan halista ah,” ayuu yiri wakiilka UN ICEF ee Soomaaliya, Foroogh Foyouzat. Isagoo intaas ku daray. "Waan sii waday naa ololaha tallaalka cudurkan, si aan u hubinno in cunug walba oo Soomaaliya ah uu qaato tallaalka ka hortagga cudurkan oo aan dawo lahayn.”

Dhanka kale, wakiilka Soomaaliya ee hay’adda WHO, Ghulam Popal ayaa is na ku yiri hadal uu jeediyay. "Inkastoo war kaan uu yahay mid wanaagsan, haddana ma ahan mid aan ku qanci karayno. Waa nan sii wad aynaa tallaalka si aan u xaqi ijinno inaan bilaha soo socda caruurta Soo maaliyeed oo dhan u siinno tallaalka. Wa ayo cudurkan waa soo laaban kara, waa na inaan si dhab ah u joojinno.”

Ugu dabmeyn, hay’adahan ayaa shee geen inkastoo la hakiyay cudurka dabey sha haddana ay si wadi doo naan tallaalk ooda inta carruurta Soomaaliyeed oo dhan la siinayo ka dawada hortagga cudurkan, waayo dhowr jeer oo hore ayaa waxaa la sheegay in la hakiyay cudurka haddana uu dib loogu arkay Somalia.

DOWLADDA OO JOOJISAY CANSHUURIHII 20KA DOLLAR EE GANACSATADA SUUQYADA MUQDISHO LAGA QAADI JIRAY.

Iyadoo la tixraacayo wareegtada suma deedu tahay MOF/OM/0060915 ee ka soo baxday Xafiiska Wasiirka Wasaaradda Ma aliyadda Soomaaliya, Maxamed Aadan Ibraahim (Farkeeti), ayaa si toos ah loo jooj iyay can shuurtii 20ka dollar ahayd, ee bil kasta laga qaadi jiray ganacsatada suu qyada wax ku iibisa.

Sida Wareegtada ku cad, iyadoo laga duulayo xaaladda ammaan xumo ee dalka ka jirtay mudada dheer, taas oo sababtay in aan la qaadi karin canshuurihii ku waaj ibay ganacsatada suuqyada, ayaa Wasaar addu si ay u barto ganacsatada waxaa la gu soo rogay 2014kii, inay bixiyaan ganac satadu khidmad 20 dollar ah.

Wareegtada, ayaa sidoo kale lagu shee gay si looga gudbo marxaladihii kalifay in la qaado khidmad duu duub ah, waxaa ga bi ahaanba la joojiyay 20kii dollar ee laga qaadi jiray ganacstada suuqyada wax ku iibisa laga bilaabo dorraad, oo ay taariik hdu ahayd 21/10/2015.

Wareegtada, ayaa waxaa lagu cadee yay in Wasaaradda Maaliyadda la imaan ayso qorshe faah faahsan, oo ay ku cad yi hiin sidii loo qaadi lahaa canshuuraha ga dista, ee ku waajibtay ganacsatada suuqy ada.

Ugu dambeen Wareegtada aya lagu xus ay in laamaha ilaalinta canshuuraha ay ga can buuxda ka geeystaan kaalintooda ku aaddan kor u qaadida sidii loo ururin lahaa canshuuraha

DOWLADDA FEDERAALKA IYO MAAMUL GOBO LEEDYADA DALKA OO KALA SAXIIXDAY HESH IIS KU SAABSAN KHEYRAADKA DALKA

DFSoomaaliya iyo Maamul goboleedya da dalka ka jira ayaa shalay magaalada Muqdisho ku kala saxiixday Heshiis is fa ham oo ku saabsan sida looga faa’ideysan karo kheyraadka dalka.

Heshiiskan ayaa waxaa kala saxiixday Wasiirka Wasaaradda Batroolka Maxam ed Mukhaar Ibraahim iyo Wasiiradda Batr oolka iyo Tamarta ee Maamulada Puntl and, Jubbaland, Galmudug iyo Koofur Gal beed

Wasiirka wasaaradda Batroolka ee Xuk uumadda Soomaaliya Maxamed Mukhtaar Ibraahim oo la hadlay Warbaahinta ayaa sheegay in heshiiskaani uu dhigayo in la soo magacaabo guddi ka kooban Dowlada Federaalka iyo Maamul Goboleedyada, ku waasoo muddo 7 cisho ah gudahood ka soo shaqeynaya qaabkii loo maamuli lah aa, loona maareyn lahaa shidaalka iyo Khayraadka Dalka .

"Heshiiskan waa mid horudhac ah oo la rabo in laga gaaro is faham siyaasadeed oo ku aadan qaabkii looga faa’ideysan lah aa Kheyraadka Dalka, Soomaaliya sidaa darteed Wasaaradeena waxaa ka go’an inaan hirgelino Heshiiskaas waxaana tagi doonaa Magaalooyinka Maamuladaas si aan u ambaqaadno Heshiiskaas” ayuu yiri Wasiirka Batroolka Maxamed Mukhtaar.

Wasiirka oo sii hadlayay ayaa yiri "Waxa an Dooneynaa in aan Dastuurka hadhow la sameynayo is faham siyaasadeed oo ku saleysan qaabkii lagu wadaagi lahaa khe yraadka si aysan u dhicin is fahamdarro colaad abuurta.

Waxaa uu sheegay in Maamulada dalka ay soo magacaabayaan dadkii uga qeyb geli lahaa wada hadalka dowladda dhexe, waxaana uu intaa ku daray in xubnaha wa kiilka ka ah maamuladaas ay ka wada sha qeyna yaan sidii is faham buuxa loo gaari lahaa, kaasoo ku saabsan kheyraadka dal ka, sida laga yeelayo heshiisy adii hore loo galay iyo qaabka loo wadaagayo kheyraad ka.Hadaba halkan hoose ka akhriso qodob ada heshii ska:

DOWLADDA UGANDA OO KU SHEEGTAY INAY JOOJINAYSO TABABARKA AY SIISO CIIDANKA DOWLADDA SOOMAALIYA

Dowladda Uganda ayaa ku shaaciisay inay joojinayso tababarrada ay ciidamadeeda ku sugan Soomaaliya siiyaan ciidama da dowladda Soomaaliya oo ay in muddo ah wadday.

Warbixin ka soo baxday xukuumada Kampala oo lagu baahiyay qaar ka mid ah warbaahinta dalkaas ayaa lagu sheegay in madaxda Uganda ka doodeen sida uu u socon karo qorshaha lagu tababarro ciid amada dowl adda Soomaaliya.

Sidoo kale, ujeedka ugu weyn ee xukuu madda Uganda u joojinayso tababaridda ciidamada Soomaaliya wa xaa lagu sheeg ay inay tahay cabsi laga qabto in ciidama da marka tababbarka u dhammaado ay ku biiraan Alshabaab ama ay goostaan.

"Xukuumadda Uganda waxay joojinay saa tababaridda ciidamada Soomaaliya oo ka mid ahaa qorshaheeda ay qaybta uga tahay howlgalka ururka Midowga Afrika ee AMISOM,” ayaa lagu sheegay warbixinta.

Mas’uuliyiinta Uganda ayaa laga soo xi gtay in tiro badan oo askartii ay tababare en ka mid ah aysan hadda shaqeyn oo ay ciidamada ka baxeen, taasoo keenaysa in shaqada la joojiyo; iyadoo uu jiro heshiis ay QM ogtahay oo ah in la tababaro ciida mada Soomaaliya.

Dhanka kale, dowladda Uganda ayaa ku doodaysa in sababta ay u joojinayso ta babaridda ciidamada Soo maaliay ay tahay inay ka cabsi qabaan inay goostaan; had ana waxaa jira culeys dhaqaale oo howlga lka AMI SOM haysta xilligan.

Ugu dambeyn, mar hore ayaa waxaa soo baxayay warar sheegaya in ciidamada Uganda ay M/Muqdisho ku tababareen da gaalyahanno Alshabaab ka tirs an; taa soo keentay in sa raakiil Uganda u dhashay maxka mad lagu soo ta go arrintaas.

GARAB KA TIRSAN URURKA ALSHABAAB EE SOOMAALIYA KU DHAWAAQAY INAY KU BIIRTAY URURKA DAACISH/ISIS

Garab ka tirsan ururka Alshabaab ee Soomaaliya ayaa ku dhawaaqay inay daacad u noqonayaan kooxda isku magac owday khilaafada islaamiga ah ee Daa cish/ISIS, taasoo ka dhigaysa kooxdan tii ugu horreysay ee Soomaaliya ka socota ee si cad u sheegta inay sidaas sameyna yaan.

Kooxdan waxaa saldhiggeedu yahay bu uraha Galgala ee maamulgoboleedka Pu ntland ee woqooyi bari Soomaaliya. Koox du waxay u muuqataa inay yar tahay had da waxaana madax u ah sheekh Cabdiq aadir Muumin, oo ka mid ah hoggaamiye yaasha diineed ee alShabaab.

Kooxda sheegata dowladda islaamiga waxay dhowaantan si caddaan ah u qalq aalsanayeen jihaaddoonka Soomaaliya, iyagoo xataa iskudeyaya inay u adeegsa daan kooxda xiriirku kala dhexeeyo ee ga lbeedka Afrika ee Boko Haram inay sidaas oo kale sameeyaan.

Alshabaab qudheeda waxaa xiriir kala dhexeeyaa kooxda loollanku kala dhexe eyo kooxda Daacish ee ururka AlQaaci da, waxaana hoggaamiyeyaasha Alshaba ab ay isku khilaafeen arrintan iyagoo xirxi ray xubno lagu tuhunsan yahay inay is ku deyayeen inay goostaan.

Ugu dameyn, waxaa cad inay aqoon san yihiin codsiga kooxda dowladda Islaa miga, taasoo saameyn karta awooddooda ay dad ku qortaan ayna sii ahaadaan halis weyn. Kooxahan oo dhan waxay u jeste en inay daca ayado ku baahistaan warbaa hinta bulshada. Xigasho:bbcsomali

DIBADBAX NABADEED KA DHACAY XAAFAD DA HOWLWADAAG EE DEGMADA BELEDW EYNE

Ka dib heshiis rasmi ah oo dorraad de gmada Beledweyne ay ku gaareen waxga radka dhinacyadii dha waan ku dagaallam ay magaalada, ayaa shalay waxaa ka dha cay xaafadda Howlwadaag dibadbax nab ade ed oo lagu taageerayay heshiiskaas.

Dibadbaxayaasha oo ay qeyb ka ahaay een guddiga dibuhishiisiinta gobolka, wa xgaradka labada beelleed ee dorraad his hiiska kala saxiixday iyo dadweyne ka kala yimid xaafadaha Baladweyne ayaa socod ku maray guud ahaan qaybaha ay ka koo ban tahay xaafada Howlwadaag, iyagoo dadka ugu baaqayay in ay dib u bilaabaan nolashoodii caadiga aheyd.

Guddoomiyahii hore ee gobolka Hiir aan, Yuusuf Axmed Hagar [DabaGeed] oo hormuud u ah guddiga dibu hishiista gobolka, dhanka kalena qayb ka ahaa dib adbixii shalay ayaa uga mahad celiyay od ayaasha la bada dhinac sida ay u soo dha weeyeen nabada, isagoo ku booriyay in ay ka dhabeeyaan hergalinta hishiiska lagu soo afjaray colaada.

Odayaashii ka kala socday labada bee llood, ayaa dhinacooda bannaanbaxa ka sheegay in ay qaateen nabada, shacabka labada dhinacna yihiin dad walaalo ah, iya ga oo goobta kaga dhawaaqay in ciddii ja bisa hishiiska la gaaray la ganaaxi doono lacag 10, 000 oo doolar ah. Dadweynaha ku dhaqan xaafadda Howlwadaag oo dhibaato xoog leh ku qabay colaadda, ay aa shalay wajiyadooda laga dheehanayay farxad iyo reynreyn, iyagoo ku ammaanay odayaashadhaqanka gobolka Hiiraan doo rkii ay ka qaateen sidii colaadda loo soo afjari lahaa.

WASIIRKA ARRIMAHA GUDAHA ODOWAA OO KA HADLAY MUUQAAL CALANKA U EG OO LA GU ARKAY SHIRKA MADASHA WADATASHIGA

Wasiirka arrimaha gudaha iyo Federa alka C/raxmaan Maxamed Xuseen Oda waa oo shalay marti ku ahaa mid ka mid ah barnaamijyada loogu dhagaysi badan yahay ee Radio Muqdisho iyo Taleefishin ka Qaranka ayaa si faah faahsan uga had lay arrimo kala gedisan.

Wasiirka waxa uu sheegay in shirka waxyaabo wanaagsan ay ka soo baxeen dowladdana diyaar ay u tahay inay hor umariso dalka, waxaana uu dhinaca kale ku xusay in meel wanaagsan ay mareyso horumarinta hanaanka federaalka oo uu sheegay in dhawaan ay dhameystirayaan dhisida maamulka loo sameynayo Shabee laha dhexe iyo hiiraan, isagoo bulshada labada gobol ugu ugu baaqay in arrintani ay ka shaqeeyaan oo aan lagu mur min shirka halka uu ka dhacayo.

Su’aal ahayd muuqaal u eg calanka So omaaliya oo lagu arkay shirka Madasha Wadatashiga ayuu ku jawaabay Wasiirka Arrimaha gudaha in muuqaalka la arkay uu ahaa logo ama astaan shirka uu lahaa ayna ahayd oo kaliya maro dhinac buluug ka ah dhinacna ka ah caddaan xiddigtana mana ahayn calanka Soomaaliyeed, cal anka Soomaaliyeedna waa mid la yaqaan dadkana yaan lagu qaldin oo xamaasado oda la kicin.

Wasiirka Arrimaha gudaha ayaa ku dha liilay Soomaalida qaarkood qaabka ay u is ticmaalaan calanka waxana uu tusaale u soo qaatay in meelaha qaar miisaska la saaro maro buluug ah oo dhexda caddaan ka ah,halka qaar kalana ay dhar ka dhig taan,

Isagoo wasiirka uga jawaabayay su’a alo dadka daawanayay ama dhagaysanay ay barnaamijka jimcaha ee Radio Muqdi sho ku martiqaada mas’uul ayuu wasiirku tusay weriyihii wareysanayay loogada tale fishinka qaranka oo ay ku qoran tahay tah av isla markaana ah buluug leh xiddig cad oo shan gees leh waxana uu is weydiiyay in tan ma la dhihi karaa waa calanka oo wax laga bedelay.

Wasiirka arrimaha gudaha ayaa su’aa lihii la weydiiyay waxaa kamid ahaa in far ogelin dibadeed weli lagu hayo dalka So omaaliya. Wasiirka ayaa sheegay in dalka Soomaaliya uu u baahan yahay talo wada mada caalamkana ay talo uun ku leeyihiin dalka.

"Waxaan u baahanahay in nalaga kaal meeyo dhinaca la dagaalanka argagaxisa da iyo horumarkaba, haddii aan helno ciid amo amniga ku filan uma baahnaan doo no kaalmo shisheeye.”ayuu yiri wasiirka arrimaha gudaha. Sidoo kale wasiirka arr imaha dibada waxa uu ku dhaliilay siya asiyiinta Soomaaliyeed ee caadeystay in ay marwalba ku hadaaqaan in dalka la haysto. Waxana uu sheegay n dalka aan la haysan lana haysankarin, waxana uu u gu baaqay siyaasiyiinta inay ka fogaadaan kicinta bulshada.

Wasiirka waxa uu ku faanay in hadda wadanka gudihiisa loogaga tashanayo aa yaha dalka xilli sanadihii hore loo aadi jirey shirarka wadamo shisheeye. "Kisma yo , Garowe,Cadaado,Baydhabo,Jowhar iyo Beledweyne ayaa laga yimid soomaali ay aana amnigooda sugeysay sow horumar ah ma ahan,”ayuu yiri wasiir Odowaa

Xigasho:Jowhar.com

TALIYAHA CIIDANKA BOOLISKA IYO WAFDI UU HOGAAMIYAY OO DIB UGU SOO LAABTAY MUQDISHO

Taliyaha ciidanka booliska Soomaaliye ed Sareeyo Gaas Maxamed Sheekh Xas an Xaamud oo uu wehliyo taliye kuxigee nka ciidanka Jeneraal Bashiir Cabdi Max amed iyo saraakiil kale ayaa dib ugu soo laabtay caasimadda Muqdisho ka dib socd aal ay dorraad ku tegeen magaalada Kis maayo ee xarunta gobolka Jubbada Ho ose, halkaasi oo gaadiid boolis ay ku war eejiyeen mas’uuliyiin ka tirsan Maamulka Jubaland.

wafdiga taliyaha ciidanka booliska wax aa garoonka diyaaraha ee Kismaayo ku soo sagootiyay Wasiirka arrimaha gudaha iyo amniga ee maamulka Jubbaland Max amed Warsame Faarax (Darwiish) iyo ma s’uuliyiin ka tirsan maamulkaasi, waxaana markii ay soo gaareen Muqdisho ku soo dhaweeyay saraakiil ka tirsan ciidanka booliska.

Sidoo kale taliyaha xubnaha la socday ayaa intii ay ku sugnaayeen Kismaayo wa xa uu tababar u furay taliyuhu ku dhawaan labo boqol oo askari, iyagoo kulamo la qa atay madaxda ka tirsan Maamulka Juba land.

GOLAHA WASIIRADA OO MAGACAA BAY GUDDIGA GURMADKA FATAHAADDA IYO ROOBABKA

Golaha Wasiirada ee XF/Soomaaliya ayaa dorraad isugu yimid kulankoodii jog tada ahaa, waxaana shir guddoominayay Ra’iisul Wasaare ku xigeenka ahna ku si maha R/wasaaraha Md.Maxamed Cumar Carteh, iyadoo kulankan looga hadlayay qodobo ay ka mid ahaayeen Xeer Nidaa miyaha Maamulka lacagta ee Ciidanka Xo ogga dalka, warbixin la xiriirta Fatahaada ha iyo roobabka "EL ÑINO”.

Ugu horeynta golaha ayaa waxa ay ka hadleen Fatahaadaha iyo Qataraha ay ke eni karto "EL ÑINO”, waxaana kulanka gol aha sharaxaad ka bixiyay Wasiirka Arrim aha Gudaha iyo Federaalka Mudane C/ra xmaan Maxamed Xuseen (Odowaa), waxa uuna xusay in Fatahaadani ay saameyn ku yeelan doonto qeybo badan oo dalka ka mid ah, sida dhulka ay maraan webiya da Shabelle iyo Jubba, gaar ahaana gobol ada Sh/dhexe, Sh/hoose, Gedo, J/dhexe iyo J/hoose.

Golaha Wasiirada ayaa ugu dambeyntii isla qaatay in la dhiso guddi heer Wasiir ah, kaasoo howshiisu noqon doonto xiriirin ta dowladda Federaalka, maamul gobolee dyada iyo hay’addaha caalamiga ah, wa xaana Ra’iisul Wasaare kuxigeenka Md. Carte uu xusay in arrintani ay tahay musii bo ku soo wajahan dalka, loona baahan yahay inay xil iska saaraan dhamaamba qeybaha kala duwan ee dadka Soomaaliy eed, gudaha iyo dibedda, ayna gacan xuk uumada gacan ku siiyaan sidii loo yareyn lahaa dhibaatooyinka ka dhalan kara.

"Waxa ay mareysaa Yaa maali jirayeey, dhibaatada soo fooleh waa mid baaxad weyn, waxaana ugu baaqayaa dhamaam ba dadka Soomaaliyeed ee wax heysta, hay’addaha gargaarku inay u diyaar garo obaan badbaadinta dadka iyo duunyada ba” ayuu yiri Ra’iisul Wasaare kuxigeenka Md. Carteh, isaga oo si gaar ahna u xusay in cid kasta oo gargaar u fidineysa dadka asi, loo baahan yahay inay la kaashadaan guddigan si loo helo taakuleyn muuqata.

Sidoo kale, Wasiirka Gaashaandhigga Md.C/qaadir Sh. Cali Diini ayaa golaha Wasiirada u soo gudbiyay Xeer Nidaamiya ha Maamulka Lacagta ee Ciidanka Xoog ga Dalka Soomaaliyeed. Iyadoo lagama maarmaan ay noqotay in dib u habeyn la gu sameeyo qaabka loo maamulo miisaan iyadda loo qoondeeyo ciidanka X.D.S, ay aa Wasiirka Gaashiggu soo gudbiyay Qab yo qoraalka Xeer Nidaamiyaha maamulka lacagta ee C.X.D.S, waxaana sharaxaad ka bixiyay taliyaha C.X.D.S. S/G Maxam ed Aadan Axmad, isaga oo sheegay in Xe er Nidaamiyaha maamulka lacagta la sam eeyey April 12, 1960kii, iyada oo dib u ha beyn lagu sameeyey mar labaad 1977dii, waxana uu xusay in hadii la dhaqangeliyo Nidaamkani uu yahay mid hufan oo hor seedi kara isbedel iyo la xisaabtan dhab ah.

Golaha Wasiirada ayaa loo qeybiyay nuqulka Xeer Nidaamiyaha maamulka lac agta, waxaana dib looga doodi doonaa kul anka dambe ee golaha Wasiirada, si go’ aan looga gaaro.

HALKAN KA AQRISO MAGACYADA GUDDIGA FATAHAADA

1) C/maan Maxamed Xuseen Wasiirka Arr/ gudaha iyo Federalka Guddoomiye

2)C/shiid Maxamed Xiddig Wasiiru Dowla ha Arrimaha Gudaha Xubin

3)Maxamed Cabd Xayir Maareeye Was iirka Warfaafinta Dhaq iyo Hiddaha Xubin

4)Xaawo Xasan Maxamed Wasiirka Caaf imaadka Xubin

5)Saalax Shiikh Cismaan Wasiirka How laha Guud iyo dib u dhiska Xubin

6) Maxamed Aadan Ibraahin Wasiirka Maaliyada Xubin

7)Maxamed Aadan Xasan Wasiirka Tam arta iyo Biyaha Xubin

8)Siciid Xuseen Ciid Wasiirka Xanaanada Xoolaha Dhirta Xubin

9)Axmed Xasan Gaboobe Wasiirka Bee raha Xubin

10)Proff Cabdullahi Shiikh Cali Wasiiru dowlaha Qorsheynta Iskuduwe

11) Xildhibaan Shuuriye Maxamuud Afrax Xubin

12) Bashiir Axmed Cismaan Ag.Golaha Wasiirada iyo Xiriirka Baarlamaanka Xogh aye

13)C/Xakiin Axmed Guuled Xiriiriye

14) Cabdsalaan Axmed Caato Afhayeen

SHIR CAALAMI AH, LOOGANA HADLAYO SIDII 15SANO EE SOO SOCOTA ISKU FILNAANSHO U GAARI LAHAAYEEN DALAL AY SOOMAALIYA

ka mid tahay oo ka furmay dalka Malesia Dalka Malesia magaaladiisa Kuala Lumbur waxaa ka furmay shir caal a mi ah oo ay ka soo qeyb galeen madax iyo wufuud kala duwan kana socday dala lka Aasiya intooda badan, shirkaasi oo loo ga hadlayo qaabka dalalka ay Soomaaliya ka mid tahay u gaari lahaayeen isku filnaa nsho 15ka sano ee soo socota.

Shirkaan caalamiga ah oo ay ka soo qeyb galeen ku dhowaad 500qof oo isaga kala yimid dalalka caalamka, waxaa Dow ladda Soomaaliya uga qeyb gelaya wafdi isugu jira Wasiiro, Safiirka Soomaalida ee dalka Malesia, siyaasiyiin iyo xubno horay xilal u soo qabtay.

Xubnaha Soomaaliya uga qeyb gelaya shirkaasi caalamiga ah waxaa ka mid ah: Wasiirka Dekedaha iyo Gaadiidka Badda, Wasiiru Dowlaha arrimaha dibadda, Wasiir K/Xigeenka Wasaaradda Kalluumeysiga iyo Kheyraadka Badda iyo xubno kale.

Madaxda Soomaaliya ayaa halkaasi ka jeedinaya khudbad ku aadan sidii dalka Soomaaliya 15sano ka dib uu u gaari lah aa isku filnaansho, iyagoona dalalka caal amka ka codsanaya in dowladda curdanka ee Soomaaliya u dhisan loogu taageeri la haa himilada ay hiigsaneyso 15sano ka dib.

WASAARADDA CAAFIMAADKA OO SHEEGTAY IN AY DIYAARISAY DAWOOYIN LAGU CAAWINAYO DADKA DEGGAN WEBIGA JIINKIISA

Wasaaradda caafimaadka ee xukuuma dda Soomaaliya ayaa sheegtay in ay sam eysay diyaar garow ku aadan dhibaatooy inka caafimaadka ee ka dhalan kara roo babka xoogan ee la saadaaliyay in ay ka di’i doonaan Soomaaliya.

Wasiirradda Caafimaadka marwo Xa awo Xasan oo ka hadashay Fatahaadaha iyo Qataraha ay keeni karto "EL ÑINO” ee la saadaaliyay ayaa sheegtay in ka wasa arad ahaan ay diyaariyeen qorshayaasha fatahaadaasi haddii ay dhacaan ay kaga hortagayaan cudurada ka dilaaca.

Marka roobab iyo fatahaadaha ay dha caan waxaa ka dhasha cuduro kale duwan oo u baahan in loo guntado sida in uu dila aco Shuban biyood,kaneeco iyo cuduro ka le duwan , waxaana wasaaradu ay xustay inay diyaarisay dawooyinka loogu talo gal ay in lagu caawiyo dadka Soomaaliyeed ee degan wabiga jiinkiisa.

Wasaaradda Caafimaadka ayaa wada dadaalo ay ku horumarineyso xaruumaha caafimaadka ayna ku caawineyso waxyaa baha kale duwan ee muhiimka u ah xaru umahaasi.

WARARKA CAALAMKA

KENYA OO MAXKAMADA ICJ U GUDB ISAY CADDEYN LA XIRIIRTA MURANKA BADA EE KALA DHEXEEYA SOOMAALIYA

Xukuumadda Kenya ayaa u gudbisay QM caddymo la xariira muran ka xuduudbadeedka ah ee kala dhexeeya Soomaaliya, iyadoo xukuu mada Kenya ay doonayso in murankan lagu dhameeyo qaab ka baxsan dacwad maxkamadeed. Wargeyska Daily Nation ee ka soo baxa M/ Nayroobi ay aa warbixin uu soo daabacay shalay oo Jimco aheyd ku sheegay in caddeymahan oo uu gudbiyay xeerilaaliyaha Qaranka Ke nya, Githu Muigai ay yihiin xog la ururiyay toddobadii sano ee lasoo dha afay. "Maxkamadda ICJ waxaan u gudbinnay xorta rasmiga ah ee la xir iirta xuduudda badda ee Soomaaliya iyo Kenya u dhexeysa, si loo cad deeyo xuduudda,” ayuu yiri xeerilaaliyaha guud ee Kenya, Githu Mui gai. Sidoo kale, Xeerilaaliyaha Kenya ayaa sheegay in xuduudda ba dda ee u dhexeysa dalalka Soomaaliya iyo Kenya aysan ahayn sharc igii xuduudda badda ee la dajiyay sanadkii 1980kii, balse ay tah ay mid taas ka duwan, isagoo warkiisa raaciyay in xuduuddooda ay tahay qaab 3xagal ah oo qiyaastiisu tahay 100,000KM oo bariga xeebta dalka Ke nya ku aaddan. Xeer ilaaliyaha Qaranka Ken ya ayaa wuxuu hadalkiisa ku daray in xuduudan ay tahay mid ay he shiis kula galeen dowladihii KMG ahaa ee Soomaaliya soo maray sannadkii 2009kii, taasoo ay ku doonayeen in lagu xaliyo muranka badda ee u dhexeeya labada wa dan. Isagoo intaas ku daray inay arrintan oo kale ay horay u dhacday badda ay waddanka Tansaani ya la wadaagaan, sidaan oo kalena lagu xalliyay sanadihii la soo dhaafay.

"Dacwaddii ay maxkamadda ICJ u gudbiyeen xeerilaaliyaha gu ud ee Soomaaliya iyo wafdigii uu hoggaaminayay waxay ahayd mid aan fadhin. Cadeymaha dacwadda ay gudbiyeenna waa mid ay lab ada madaxweyne ee Soomaaliya iyo Kenya kawada hadleen sanad kii 2014kii. Dacwadda ay dowladda Soomaaliya gudbisayna waa mid ka horimaanaysa heshiiskaas,” ayuu hadalkiisa ku daray Githu Muigai. Kenya ayaa doonaysa in xadka badda uu ahaado sida ay iyadu ay u doonayso in uu ahaado oo ah in calaamada xadka loo soo qalloociyo dhinaca Soomaaliya, halka dowladda Somalia ay ku doodayso in caalamadda xadka ee dhulka iyo tan badda ay isla socdaan.

Ugu dabmeyn, Xukuumadda Kenya ayaa waxayna doonaysaa in mur anka xadka Badda ee Soomaaliya kala dhexeeya lagu dhamme eyo si ka baxsan maxkamad. Iyadoo dowladda FS ay dhawaan diid ay in xe erjajab lagu dhameeyo muranka badda ee kala dhexeeya, ayna ku kal soon tahay go’aanka kasoo baxa maxkamadda Qaram ada Midoobay

MADAXWEYNAHA SHIINAHA OO SI LAMA FILAAN AH MAGAALADA LONDON UGULA KULMAY JILAAGA JACKIE CHAN

Madaxweynaha Shiinaha, Xi Jinping oo booqasho ku joogga Ma gaa lada London, ayaa waxay isku arkayn jilaaga weyn ee Jackie Chan. Kul ankoodan ayaa ahaa mid lama filaan ah. Madaxweynaha Shiinaha iyo xaaskiisa oo ay Magaalada London ku soo wareejin ayen Amiirka qofka labaad ee leh dhaxaltooyada boqornimada Bri tain, Prince William iyo afadiisa Kate Middleton, ayaa waxay jilaaga ku kulmeen dhismaha Lancaster.

Madaxweynaha iyo qoyska reer boqor, ayaa waxay is wareysteen xidiga reer China, waxaana la arkaayay sida ay ugu faraxsan yihiin kul ankoodan kediska ah. Jackie Chan ayaa sawiraan la galay qoy saska Madaxweynaha iyo reer boqor.Is aragga fool ka foolka ah ee Madaxw eynaha Shiinaha iyo Jackie Chanie, ayaa waxay ku soo be egmaysaa, xilli Madaxweyne Xi Jinping uu booqasho taariikhi ah ku joogga Britain.

Madaxweynaha Shiinaha iyo afadiisa, ayaa waxay Arbacadii boo qd een dhawr goobood, iyagoo markaasi qoyska reer boqor ay wada aga yan dhaqanka labada dal.Madaxweyne Xi Jinping, ayaa waxa uu booq an doonnaa goobo kala duwan mudada afarta maalmood ee socdaalka uu ku jooggo Boqortooyada Britain.

QM OO MAANTA KA DIGTAY XAALADA AMNI IYO TAN XUQUUQDA AADAN AHA BURUNDI OO SII XUMAANAYA

Xafiiska QM u qaabisan xuquuqda aadanaha OHCHR ayaa maanta walaac xooggan ka muujiyay amaanxumada sii kordhaysa ee ka jirta Burundi iyo weliba halista dhanka xuquuqda aadanaha ah ee ka jirta dalkaas. Dalka Burundi oo dibadbaxyo rabshado wata ay ka billowdeen bishii Arbiil ee sannadkan ayaa waxaa lagu dilay ugu yaraan 198qof oo rayid u badan, kuwaas oo ay ku jiraan illaa sagaal qof oo si bareer ah loo toogtay muddo 10maalmood gudahood ah.

"Waxaan si gaar ah uga naxnay toogashooyin rayid aan waxba galab san loogu geystay 13kii bishan Oktoobar xaafadda Ngagara ee mag aalada Bujumbura,” ayuu ku yiri afhayeenka OHCHR, Rupert Colville warsaxaafadeed kasoo baxay Geneva. Colville ayaa intaas ku daray. "Waxaa naloo sheegay in ugu yaraan sagaal qof oo shacab ah ay too gasho ku dileen ciidamada booliiska Burundi, gaar ahaan kuwa loo yaqaan API oo ilaaliyaha hay’adaha dowladda dalkaas. Sidoo kale, afhayeenka ayaa xusay in dadkan la toogtay ay ku jireen mid ka mid ah filimqaadayaasha telefishinka Qaranka dalka Burundi Christophe Nk ezabahizi, laba ilmood oo uu dhalay iyo xaaskiisa, waxaa kaloo ku jirtay buu yiri haweeney u shaqeynaysay IOM oo lagu magacaabi jiray, Eva riste Mbonihankuye.”

Afhayeenka ayaa intaas ku daray in ciidamada booliisku ay si xoog ah ku galeen gurigiisa, ayna toogteen wariyaha iyo xubnaha qoyskiisa ka tirsanaa, welina wax war ah kama soo saarin xukuumadda dalkaas dilka wariyaha iyo dadka kale ee shacabka ahaa. Rupert Colville ayaa wuxuu sidoo kale hoosta ka xariiqay in dilka shaqaalaha hay’adaha sa mafalka iyo suxufiga ay noqonayso kuwii ugu horreeyay oo ay ciidanka amniga dalkaas dilaan xubno bulshada rayidka ah ee dalkaas ka tirsan.

Dhacdadan ayuu afhayeenku sheegay inay sababtay afduub ay ko oxo hubeysan u geysteen saddex sarkaal oo ka tirsan booliiska dalk aas, kuwaasoo mid ka mid ah ay toogteen, mid kalena uu dhaawac may, iyadoo ciidamada booliiskuna ay isla dhacadan ku toogteen afar qof oo kale oo uu ku jiray ilmo yar.

"Waxaanu soo dhaweynaynaa guddiga baarista ku sameynaya dil kii wariyaha ka tirsana telefishinka Burundi iyo qoyskiisa ee uu magac aabay xeerilaaliyaha guud ee waddanka Burundi. Waxaanan ku baa qaynaa in baaritaankani uu noqdo mid hufan oo dhexdhexaad ah, isla markaana waafaqsan xeerarka xuquuqda aadanaha ee caalamiga ah iyo kuwa waddaniga ah,” ayuu hadalkiisa ku daray Colville.

Ugu dambeyn, afhayeenka xafiiska xuquuqda aadanaha ee Q/M. OHCHR ayaa sheegay inay xukuumadda Bujumbura ugu baaqayaan in ciidanka dalkeeda ay ku boorriso inay sharciyada dalkaas u degsan ku dhaqmaan, ayna shacabka ula dhaqmaan si xushmadi ay ku jirto.

CANADA OO KA BAXDAY ISBAHAYSIGA UU MAREYKANKA HOGAAMIYO EE DAGAALKA KULA JIRA DAACISH

Xukuumadda Ottawa, ayaa waxay soo afjareysaa inay ka sii mid aha ato isbahaysiga uu Mareykanka hogaamiyo, ee cirka ka garaac aya Uru rka Daacish, ee ka dagaalama dalalka Suuriya iyo Ciraaq. Justin Trud eau, Ra’iisal Wasaaraha cusub ee dalka Canada oo ball anqaaday in is bedelo waaweyn uu la imaan doono, ayaa Mareykan ka ku wargeliyay in Canada soo afjareyso ka sii mid ahaanshahee da isbahaysiga la dag aalamaya Ururka Daacish.

Ra’iisal Wasaaraha oo khadka teleefanka kula hadlay Madaxweyn aha Mareykanka, Barack Obama, markii uu xilka ku guuleystay, ayaa ku wargeliyay inaanay Canada ka sii qayb qaadan doonin dagaalka Da acish. Ra’iisal Wasaaraha, ayaa waxa uu Madaxweyne Obama u she egay in Canada ay diyaar u tahay inay kala qayb qaad ato tababarada ciidanka la dagaalamaya Daacish iyo arrimaha bani’aadanimada.

Isagoo taageerayaashiisa kula hadlaayay Magaalada Ottawa, ayaa wuxuu bidhaamiyay in saxibada caalamka ee Canada, aanay jecleysan in xilka looga adkaado xisbiga Ra’iisal Wasaare Stephen Harper.Justin Trudeau oo waday 11 toddobaad oo olole ah, ayaa waxa uu codadka xoogan uu ku kasbaday ballanqaadkiisii ahaa in is bedelo waaweyn, ay Xukuumadiisa la imaan doonto. Trudeau, ayaa sanadkan wacdaro we yn ka dhigay doorashada dalka asi. Trudeau oo 43 sano jir ah, ayaa wa xaa dhalay Ra’iisal Wa saarihii hore ee Canada, Pierre Trudedau.

DHACDO XANUUN LEH GABAR AFAR SANO JIR AHAYD OO LAGU TOOGTAY DAL KA MAREYKANKA

Gabadhan oo lagu magacaabo Lilly Alan, ayaa waxay la socotay aab aheyd oo lagu magacaabo Alan Garcia, xilligii lagu tooganaayay M/ Albuquerque oo ka tirsan Gobolka New Mexico.

Booliska, ayaa sheegay dembiilaha gaarigii uu watay in uu ku dhu ftay gaarigii ay la soc deen Lilly iyo aabahe yd,dabadeedna uu ra saas huwiyay. Falka an ayaa dhacay geli nkii dambe ee Talaa dadii.

Afhayeen u hadlay Booliska oo lagu ma gacaabo Tanner Tix ier, ayaa sheegay in Lilly ay geeriyootay, xilli si deg deg ihi loogu qa aday isbitaal maxali ah. Afhayeenka ayaa tibaaxay in falkaasi ay hal nin u soo qabteen, gelinkii dambe ee Arbacadii Tony Torrez D emb iilaha.

Tony Torrez oo 32 sano jir ah, ayaa wuxuu qirtay in uu ka damb eeyay falka lagu dilay gabadha yar, ka dib markii ay Ciidanka Boo liska soo qabteen. Tanner Tixier, ayaa ku waramaya dembiilaha inaanu weli bixin macluumaadka la xiriira waxa uu ku dilay gabadha, laakiin ay wadaan baaritaanada ku saabsan.

Alan Garcia oo ah aabaha dhalay gabadhaasi, ayaa shegay in dilkeeda uu qalbi jab ku riday qoyskiisa, islamarkaana ay aad uga xun yihiin, sida uu yiri Lilly.Isagoo la hadlaayay Warbaahinta waxa uu yiri "Hadda ayuu u buuxsamay sanadkeedii afaraad. Aad ayay u gu fara xsaneyd inay dadka u sheegto in afar sano jir ay noqotay.”

"Laba maalmood ka hor ayay bilowday iskuulka. Waxay ahayd mid

fu r furan oo aad u caqli badan. Waxay ahayd noloshe eda, wax aana la

dilay xilli aan iskuulka ka soo qaaday.” Ayuu yiri Garcia




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip