Dhacdo xanuun leh gabar afar sano jir ahayd oo lagu toogtay dalka Mareykanka

0
Friday October 23, 2015 - 20:46:16 in Wararka by
  • Visits: 792
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dhacdo xanuun leh gabar afar sano jir ahayd oo lagu toogtay dalka Mareykanka

    Gabadhan oo lagu magacaabo Lilly Alan, ayaa waxay la socotay aabaheyd oo lagu magacaabo Alan Garcia, xilligii lagu tooganaayay Magaalada Albuquerque oo ka tirsan Gobolka New Mexico.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Gabadhan oo lagu magacaabo Lilly Alan, ayaa waxay la socotay aabaheyd oo lagu magacaabo Alan Garcia, xilligii lagu tooganaayay Magaalada Albuquerque oo ka tirsan Gobolka New Mexico.

Booliska, ayaa sheegay dembiilaha gaarigii uu watay in uu ku dhuftay gaarigii ay la socdeen Lilly iyo aabaheyd, dabadeedna uu rasaas huwiyay. Falkaan ayaa dhacay gelinkii dambe ee Talaadadii.

Afhayeen u hadlay Booliska oo lagu magacaabo Tanner Tixier, ayaa sheegay in Lilly ay geeriyootay, xilli si deg deg ihi loogu qaaday isbitaal maxali ah. Afhayeenka ayaa tibaaxay in falkaasi ay hal nin u soo qabteen, gelinkii dambe ee Arbacadii shalay.

Tony Torrez

Dembiilaha.

Tony Torrez oo 32 sano jir ah, ayaa wuxuu qirtay in uu ka dambeeyay falka lagu dilay gabadha yar, ka dib markii ay Ciidanka Booliska soo qabteen. Tanner Tixier, ayaa ku waramaya dembiilaha inaanu weli bixin macluumaadka la xiriira waxa uu ku dilay gabadha, laakiin ay wadaan baaritaanada ku saabsan.

Alan Garcia oo ah aabaha dhalay gabadhaasi, ayaa shegay in dilkeeda uu qalbi jab ku riday qoyskiisa, isla-markaana ay aad uga xun yihiin, sida uu yiri.

Lilly

Lilly.

Isagoo la hadlaayay Warbaahinta waxa uu yiri "Hadda ayuu u buuxsamay sanadkeedii afaraad. Aad ayay ugu faraxsaneyd inay dadka u sheegto in afar sano jir ay noqotay.”

"Laba maalmood ka hor ayay bilowday iskuulka. Waxay ahayd mid fur furan oo aad u caqli badan. Waxay ahayd nolosheeda, waxaana la dilay xilli aan iskuulka ka soo qaaday.” Ayuu yiri Garcia.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip