Madaxweynaha oo sheegay in dowladda ay garab taagan tahay qorshaha lagu horumarinayo Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed

0
Friday October 23, 2015 - 20:31:38 in Wararka by
  • Visits: 870
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Madaxweynaha oo sheegay in dowladda ay garab taagan tahay qorshaha lagu horumarinayo Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed

    Madaxweynaha Jamhuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in dowladda ay ka go'an tahay in la horumariyo adeegyada ay bixiso Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed oo dhowaan dib u hawlgashey dagaalladii sokeeye kadib.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Madaxweynaha Jamhuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in dowladda ay ka go'an tahay in la horumariyo adeegyada ay bixiso Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed oo dhowaan dib u hawlgashey dagaalladii sokeeye kadib.

Madaxweynaha ayaa hadalkan jeediyay dorraad mar uu booqdey xarunta Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed ee magaalada Muqdisho.

"Dowladda waxaa ka go'an dib u soo nooleynta dhammaan laamihii ay ka koobneyd Jaamacadda Ummadda, waxaana dhiirigelinayaa in lagu soo daro laamaha kale ee cilmiga ee muhiimka ah, si jaamacadda ay ula tartanto jaamacadaha kale ee dunida’’.

Madaxweynaha ayaa sheegay in muddadii yarey ee Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed ay dib u hawlgashey ay sameysey horumar la taaban karo, isla markaana uu bogaadinayo dadaalkaasi.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sidoo kale sheegay in maalmaha dhow ee soo socda ay ciidammada AMISOM ee deggan dhismeyaashii hore ee Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed ay ka guuri doonaan, si fursad loo siiyo in jaamacadda ay hawlaheeda ay shacabka ugu adeegeyso ugu qabato.

Madaxweynaha oo booqshada Jaamacadda ay ku wehlisey Wasiirka Waxbarashada Khadar Bashiir, ayaa halkaasi warbixino kaga dhegeystey Guddoomiyaha Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed Prof. Maxamed Axmed Jimcaale iyo qaar ka mid ah ardeyda iyo macalimiinta jaamacadda.

--- DHAMMAAD---


Daud Aweis
Afhayeenka Madaxtooyada
Jamhuriyadda Federaalka ee Soomaaliya
Email: daweis@presidency.gov.so
www.villasomalia.gov.so

IB0A4631
IB0A4989
IB0A5097
IB0A5270
IB0A4776

 
1px


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip