Dowladda Federaalka iyo Maamul goboleedyada dalka oo kala saxiixday Heshiis ku saabsan kheyraadka dalka

0
Friday October 23, 2015 - 20:06:33 in Wararka by
  • Visits: 672
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dowladda Federaalka iyo Maamul goboleedyada dalka oo kala saxiixday Heshiis ku saabsan kheyraadka dalka

    Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya iyo Maamul goboleedyada dalka ka jira ayaa dorraad magaalada Muqdisho ku kala saxiixday Heshiis is faham oo ku saabsan sida looga faa'ideysan karo kheyraadka dalka. Heshiiskan ayaa waxaa kala saxiixday Wa

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya iyo Maamul goboleedyada dalka ka jira ayaa dorraad magaalada Muqdisho ku kala saxiixday Heshiis is faham oo ku saabsan sida looga faa'ideysan karo kheyraadka dalka. Heshiiskan ayaa waxaa kala saxiixday Wasiirka Wasaaradda Batroolka Maxamed Mukhaar Ibraahim iyo Wasiiradda Batroolka iyo Tamarta ee Maamulada Puntland, Jubbaland, Galmudug iyo Koofur Galbeed

Wasiirka wasaaradda Batroolka ee Xukuumadda Soomaaliya Maxamed Mukhtaar Ibraahim oo la hadlay Warbaahinta ayaa sheegay in heshiiskaani uu dhigayo in la soo magacaabo guddi ka kooban Dowlada Federaalka iyo Maamul Goboleedyada, kuwaasoo muddo 7 cisho ah gudahood ka soo shaqeynaya qaabkii loo maamuli lahaa, loona maareyn lahaa shidaalka iyo Khayraadka Dalka .

"Heshiiskan waa mid horudhac ah oo la rabo in laga gaaro is faham siyaasadeed oo ku aadan qaabkii looga faa’ideysan lahaa Kheyraadka Dalka, Soomaaliya sidaa darteed Wasaaradeena waxaa ka go’an inaan hirgelino Heshiiskaas waxaana tagi doonaa Magaalooyinka Maamuladaas si aan u ambaqaadno Heshiiskaas” ayuu yiri Wasiirka Batroolka Maxamed Mukhtaar.

Wasiirka oo sii hadlayay ayaa yiri "Waxaan Dooneynaa in aan Dastuurka hadhow la sameynayo is faham siyaasadeed oo ku saleysan qaabkii lagu wadaagi lahaa kheyraadka si aysan u dhicin is faham-darro colaad abuurta.

 

Waxaa uu sheegay in Maamulada dalka ay soo magacaabayaan dadkii uga qeyb geli lahaa wada hadalka dowladda dhexe, waxaana uu intaa ku daray in xubnaha wakiilka ka ah maamuladaas ay ka wada shaqeynayaan sidii is faham buuxa loo gaari lahaa, kaasoo ku saabsan kheyraadka dalka, sida laga yeelayo heshiisyadii hore loo galay iyo qaabka loo wadaagayo kheyraadka.

Hadaba halkan hoose ka akhriso qodobada heshiiska:-

shirjaraaid0003

SS12345





Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip