Golaha Wasiirada oo magacaabay Guddiga Gurmadka Fatahaadda iyo Roobabka "Sawirro"

0
Friday October 23, 2015 - 19:03:18 in Wararka by
  • Visits: 640
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Golaha Wasiirada oo magacaabay Guddiga Gurmadka Fatahaadda iyo Roobabka "Sawirro"

    Golaha Wasiirada ee Xukuumada Federaalka Soomaaliya ayaa Dorraad isugu yimid kulankoodii joogtada ahaa, waxaana shir guddoominayay Ra'iisul Wasaare ku xigeenka ahna ku simaha R/wasaaraha Mudane Maxamed Cumar Carteh, iyadoo kulankan looga hadlay

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Golaha Wasiirada ee Xukuumada Federaalka Soomaaliya ayaa Dorraad isugu yimid kulankoodii joogtada ahaa, waxaana shir guddoominayay Ra'iisul Wasaare ku xigeenka ahna ku simaha R/wasaaraha Mudane Maxamed Cumar Carteh, iyadoo kulankan looga hadlayay qodobo ay ka mid ahaayeen Xeer Nidaamiyaha Maamulka lacagta ee Ciidanka Xoogga dalka, warbixin la xiriirta Fatahaadaha iyo roobabka "EL ÑINO".
Ugu horeynta golaha ayaa waxa ay ka hadleen Fatahaadaha iyo Qataraha ay keeni karto "EL ÑINO”, waxaana kulanka golaha sharaxaad ka bixiyay Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Federaalka Mudane C/raxmaan Maxamed Xuseen (Odowaa), waxa uuna xusay in Fatahaadani ay saameyn ku yeelan doonto qeybo badan oo dalka ka mid ah, sida dhulka ay maraan webiyada Shabelle iyo Jubba, gaar ahaana gobolada Sh/dhexe, Sh/hoose, Gedo, J/dhexe iyo J/hoose.
Golaha Wasiirada ayaa ugu dambeyntii isla qaatay in la dhiso guddi heer Wasiir ah, kaasoo howshiisu noqon doonto xiriirinta dowladda Federaalka, maamul goboleedyada iyo hay’addaha caalamiga ah, waxaana Ra’iisul Wasaare kuxigeenka Mudane Maxamed Cumar uu xusay in arrintani ay tahay musiibo ku soo wajahan dalka, loona baahan yahay inay xil iska saaraan dhamaamba qeybaha kala duwan ee dadka Soomaaliyeed, gudaha iyo dibedda, ayna gacan xukuumada gacan ku siiyaan sidii loo yareyn lahaa dhibaatooyinka ka dhalan kara.
"Waxa ay mareysaa Yaa maali jirayeey, dhibaatada soo fooleh waa mid baaxad weyn, waxaana ugu baaqayaa dhamaamba dadka Soomaaliyeed ee wax heysta, hay’addaha gargaarku inay u diyaar garoobaan badbaadinta dadka iyo duunyadaba” ayuu yiri Ra’iisul Wasaare kuxigeenka Mudane Maxamed Cumar Carteh, isaga oo si gaar ahna u xusay in cid kasta oo gargaar u fidineysa dadkaasi, loo baahan yahay inay la kaashadaan guddigan si loo helo taakuleyn muuqata.
Sidoo kale, Wasiirka Gaashaandhigga Mudane C/qaadir Sh. Cali Diini ayaa golaha Wasiirada u soo gudbiyay Xeer Nidaamiyaha Maamulka Lacagta ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed. Iyadoo lagama maarmaan ay noqotay in dib u habeyn lagu sameeyo qaabka loo maamulo miisaaniyadda loo qoondeeyo ciidanka X.D.S, ayaa Wasiirka Gaashiggu soo gudbiyay Qabyo qoraalka Xeer Nidaamiyaha maamulka lacagta ee C.X.D.S, waxaana sharaxaad ka bixiyay taliyaha C.X.D.S. S/G Maxamed Aadan Axmad, isaga oo sheegay in Xeer Nidaamiyaha maamulka lacagta la sameeyey April 12, 1960-kii, iyada oo dib u habeyn lagu sameeyey mar labaad 1977-dii, waxana uu xusay in hadii la dhaqangeliyo Nidaamkani uu yahay mid hufan oo horseedi kara isbedel iyo la xisaabtan dhab ah.
Golaha Wasiirada ayaa loo qeybiyay nuqulka Xeer Nidaamiyaha maamulka lacagta, waxaana dib looga doodi doonaa kulanka dambe ee golaha Wasiirada, si go’aan looga gaaro.
Halkan ka aqriso magacyada Guddiga Fatahaada
1)- C/maan Maxamed Xuseen Wasiirka Arr/ gudaha iyo Federalka Guddoomiye
2)-C/shiid Maxamed Xiddig Wasiiru Dowlaha Arrimaha Gudaha Xubin
3)-Maxamed Cabd Xayir Maareeye Wasiirka Warfaafinta Dhaq iyo Hiddaha Xubin
4)-Xaawo Xasan Maxamed Wasiirka Caafimaadka Xubin
5)- Saalax Shiikh Cismaan Wasiirka Howlaha Guud iyo dib u dhiska Xubin
6)- Maxamed Aadan Ibraahin Wasiirka Maaliyada Xubin
7)-Maxamed Aadan Xasan Wasiirka Tamarta iyo Biyaha Xubin
8)-Siciid Xuseen Ciid Wasiirka Xanaanada Xoolaha Dhirta Xubin
9)-Axmed Xasan Gaboobe Wasiirka Beeraha Xubin
10)-Proff Cabdullahi Shiikh Cali Wasiiru dowlaha Qorsheynta Iskuduwe
11)- Xildhibaan Shuuriye Maxamuud Afrax Xubin
12)- Bashiir Axmed Cismaan Ag.Golaha Wasiirada iyo Xiriirka Baarlamaanka Xoghaye
13)-C/Xakiin Axmed Guuled Xiriiriye
14)- Cabdsalaan Axmed Caato Afhayeen



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip