Kooxda Baarista QM Hubka oo warbixin kasoo saaray Musuq-maasuq ka jira Soomaaliya iyo Arrimo kale

0
Thursday October 22, 2015 - 11:26:14 in Wararka by
  • Visits: 752
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Kooxda Baarista QM Hubka oo warbixin kasoo saaray Musuq-maasuq ka jira Soomaaliya iyo Arrimo kale

    Kooxda cunno-qabteynta hubka Soomaaliya iyo Eritrea ayaa warbixin ay kasoo saareen Soomaaliya kaga hadlay arrimo badan oo ay ka mid yihiin; amniga, burcadbadeedda, dhoofinta dhuxusha, musuq-maasuqa iyo argagaxisada.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Kooxda cunno-qabteynta hubka Soomaaliya iyo Eritrea ayaa warbixin ay kasoo saareen Soomaaliya kaga hadlay arrimo badan oo ay ka mid yihiin; amniga, burcadbadeedda, dhoofinta dhuxusha, musuq-maasuqa iyo argagaxisada.
 

Warbixintan guddiga oo ka koobnayd 400-bog ayaa waxay guddigu ku sheegeen in baar-lamaanka Soomaaliya uu yahay mid ku kala baxa lacag marka ay timaaddo codeyn ama mooshin, iyagoo tilmaantay in baarlamaanka Soomaaliya uu laba garab u qaybsan yahay; kuwaasoo ay ku kala sheegeen kuwo taageersan ururro lagu kala magacaabo Dam Jadiid iyo Aala-Sheekh, iyadoo mar walbana ay guushu raacdo kooxdii lacagta ugu badan bixisa/

Sidoo kale, warbixinta waxay ka hadashay dhoofinta dhuxusha iyagoo sheegay in dhoofinta dhuxusha ay hoos u dhacday sannadkan. Waxayna guddug xuseen in hoos-u-dhacan uu yimid kaddib markii Al-shabaab lagaqabsaday Baraawe bishii Oktoobar sannadkii hore.

Warbixinta ayaa waxaa kaloo lagu sheegay in musuq-maasuq baahsan uu ka jiro bixinta sharciyada ogolaanaya kalluumeysiga, iyadoo la ogaaday baa lagu yiri warbixinta in si qaldan loo siiyo ogolaashaha kalluumeysiga shirkado ajaaniib ah, kuwaasoo intooda badan ka diiwaan-gashan dalka Shiinaha.

Guddigu waxay warbixintooda ku xuseen in lacagaha laga qaado shirkadaha kalumeysiga ay si kjhalad ah ugu dhacaan xisaabaadyo gaar loo leeyahay oo ka furan dalka Jabuuti, halka ay ku dhici lahayd qasnada dowladda Soomaaliya.

Kooxdan ayaa waxay warbixintooda ku xuseen in qaladaad dhinaca xisaabaadka ah uu ka jiray safaaradda Soomaaliya ee dalka Kenya xilligii uu maamulayay danjire Maxamed Cali Nuur [Ameerika], iyadoo intii u dhexeysya Jannaayo 2014-kii illaa iyo Abriil 2015-ka, safaaradda waxay soo xereysay 960,836 oo doollar oo laga qaaday 7,500 oo ah Soomaali baasaboorro loo sameeyay, isla waqtigaas waxaa Bangiga Dhexe ee Soomaaliya ku dhacday 486,258 oo doollar, halka 474.578 oo doollar oo kale aan la ogeyn halka ay martay.

Ugu dambeyn, warbixinta ayaa lagu xusay in 10-casho ka hor intii uusan xafiiska wareejin danjire Ameerika uu keenay aqoon-yahanno dhinaca kambiyuutarrada ah, kuwaasoo tirtiray dhammaan kaydadkii kambiyuutarrada safaarada ku jiray, si aan tix-raac dambe loogu sameyn.

xigasho:- hiiraan.com




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip