Mareykanka oo cambaareeyay booqashadii Bashar Al-Assad ee Moscow

0
Thursday October 22, 2015 - 09:57:35 in Wararka by
  • Visits: 645
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Mareykanka oo cambaareeyay booqashadii Bashar Al-Assad ee Moscow

    Mareykanka ayaa si kulul u cambaareeyay booqashdii Madaxweynaha Suuriya Bashar Al-Assad uu ku tagay magaalada Moscow ee dalka Ruushka. War ka soo baxay Aqalka cad ee Mareykanka ayaa waxaa lagu dhaleeceeyay tallaabadii Ruushku uu roogga cas ee soo

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Mareykanka ayaa si kulul u cambaareeyay booqashdii Madaxweynaha Suuriya Bashar Al-Assad uu ku tagay magaalada Moscow ee dalka Ruushka. War ka soo baxay Aqalka cad ee Mareykanka ayaa waxaa lagu dhaleeceeyay tallaabadii Ruushku uu roogga cas ee soo dhoweynta ugu fidiyay Madaxweynaha Suuriya.

Afhayeen u hadlay oo lagu magacaabo Eric Schulz ayaa sheegay in casuumaada Mr Asad ay carqaladeyneyso xal siyaasadeed oo laga gaaro mashaakilka Suuriya.

Mareykanka ayaa walaac ka muujiyay taageerada Milateri ee Ruushka siinayo Maamulka Assad, waxaana taasi keentay in Ciidamada Suuriya ay bilaabaan weeraro saf ballaaran.

Madaxweynaha Suuriya ayaa booqasho layaab leh ku tagay magaalada Moscow, waxaana ay aheyd safarkii u horeeyay ee uu dibada uga ambabaxo Suuriya, tan iyo markii ay bilowdeen dagaalada sokeeye sanadkii 2011.

Labada Madaxweyne Mr Putin iyo Mr Assad ayaa ka wada hadlay sidii loo xoojin lahaa iskaashigooda ku aadan dagaalka ka dhanka ah Argagixisada.

Ruushka ayaa wali wada duqeymaha cirka ah ee ka dhanka ah Kooxda Daacish iyo kooxaha kale ee ku kacsan dowladda Bashar Al-Assad.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip