Ciidamada ammaanka Magaalada Nairobi oo xiray 200 oo dhalinyaro arday Kenyan ah

0
Thursday October 22, 2015 - 09:49:10 in Wararka by
  • Visits: 673
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ciidamada ammaanka Magaalada Nairobi oo xiray 200 oo dhalinyaro arday Kenyan ah

    Sida ay sheegayaan wararka inaga soo gaaraya Magaalada Nayroobi ee dalka Kenya ciidamada Booliska Magaalada Nayroobi ayaa xabsiga dhigay 200 oo dhallinyaro Kenyaan ah, kuwaasi oo ahaa arday wax ka barta Magaalada Nayroobi

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Sida ay sheegayaan wararka inaga soo gaaraya Magaalada Nayroobi ee dalka Kenya ciidamada Booliska Magaalada Nayroobi ayaa xabsiga dhigay 200 oo dhallinyaro Kenyaan ah, kuwaasi oo ahaa arday wax ka barta Magaalada Nayroobi Ciidamada Booliska ee ka howl gala magaalada Nayroobi oo helay macluumaad ayaa xiray 200 oo dhallinyaro arday ah oo isugu jira wiilal iyo gabdho kuwaasi oo ku jiray goob baar ah oo ku taalla wadada Dubois ee magaalada Nayroobi.

Xariga Dhallinyaradan ardayda ah ayaa wuxuu ka dambeeyay, ka dib markii la soo qabtay iyaga oo cabaya Khamri iyo Xashiish, waxaana dadka la xiray ku jiray Arday da’dooda ay gaarayso 9-sano.

Booliska oo macluumaad helay ayaa howlgalkaas ka fuliyay Hotelka Jerry City iyo baarkiisa oo ku yaalla bartamaha caasimada Nayroobi,Caruurtaan ayaa lala soo qabtay maandooriyeyaashi ay isticmaalayeen oo uu ka mid yahay xashiishka.

Sidoo kale ciidamada Booliska ayaa waxa ay gacanta ku dhigeen, Dad waaweyn oo gaaraya 150 ruux, kuwaasi oo iyagana la sheegay inay Hoteelkaasi waxyaabaha Maandooriyaha ay ku cabayeen.

Afar ka mid ah Shaqaalaha Hoteelka ayeey ciidamada horay u soo xireen, waxaana la filayaa dhamaan dadkaan in la soo taago maxkamada si kiisaskooda loogu qaado.

Ujeedada ugu weyn ee dadkaan loo xir xiray ayaa waxa ay tahay waxyaabaha Maanka dooriya ee ay cabayeen, kadib inay gaystaan falal lidi ku ah dhanka ammaanka Magaalada Nayroobi.

Taliyaha saldhiga Booliska bartamaha Nayroobi Paul Wanjama ayaa xaqiijiyay arrintaan, waxaana la filayaa in dadka la soo qab qabtay ay maxkamada kasoo hor muuqdaan.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip