Kiis hor leh oo lagu soo oogay dhalinyaro Soomaali ah oo dalka Mareykanka ku xiran

0
Thursday October 22, 2015 - 09:43:19 in Wararka by
  • Visits: 684
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Kiis hor leh oo lagu soo oogay dhalinyaro Soomaali ah oo dalka Mareykanka ku xiran

    Dhallinyaro Soomaali ah oo ku xiran dalka Mareykanka, ayaa lagu soo eedeeyay dacwad hor leh, xilli dhallinyaradaan ay u xirnaayeen kiis la xiriira isku day ku aaddan ku biiritaanka Ururka Daacish ee dalka Syria ka dhisan.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Dhallinyaro Soomaali ah oo ku xiran dalka Mareykanka, ayaa lagu soo eedeeyay dacwad hor leh, xilli dhallinyaradaan ay u xirnaayeen kiis la xiriira isku day ku aaddan ku biiritaanka Ururka Daacish ee dalka Syria ka dhisan. Xeer ilaaliyaha Minnesota,ayaa Arbacadii shalay ku dhawaaqay in shan nin oo horay isugu dayay inay ku biiraan Kooxda Daacisha,sidoo kale hadda lagu soo oogay dacwad kale oo la xiriirta shiqool dil.

Shantaan ruux ee dhallinyarada Soomaalida ah ayaa waxa ay ku xiran yihiin Xabsi ku yaallo dalka Mareykanka, waxaana shalay la hor keenay maxkamada, iyadoo ujeedka uu yahay soo oogista dacwadada cusub ee ku aaddan inay qorsheynayeen inay dil geystaan dhallinyaradaasi.

Raggaan Soomaali-Mareynkanka ah,ayaa qeyb ka ahaa Koox sagaal gaareysa oo horay loogu eedeeyay iney damceen safar ay ugu ambabaxaan bariga dhexe si ay ugu biiraan Kooxda ISIL/DAACISH,,sida Xeer ilaaliyaha Minnesota uu sheegay,seddex ka mid ah raggaasi ayaa horay u qirtay eedeynta.

Afhayeen u hadlay Xeer ilaaliyaha Gobolka Minnesota ee dalka Mareykanka, ayaa sheegay in shanta nin ee dacwada dheeraadka ah lagu soo oogay dhageysiga dacwadooda ay bilaaban doonto Bisha February sanadka soo socda.

Dhalinyarada Soomaaliyeed ayaa lagu kala magacabaa Guled Omar, Hamza Ahmed, Adnaan,Mohamed Farah, iyo Abdirahman Daud kuwaasi oo Xabsi ku sii jiri doona inta laga gaarayo bisha February markaasi oo dacwadooda dib loo dhageysan doono.

Qareenada u doodaya raggaan ayaa wax lala yaabo ku tilmaamay eedeymaha cusub ee lagu soo oogay dhallinyaradaasi ,Minnesota,waa meesha ugu badan ay ku dhaqan Bulshada Soomaaliyeed marka loo fiiriyo Mareykanka intiisa kale.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip