Munaasabad lagu daah furayay garabka haweenka xisbiga Daljir oo Muqdisho lagu qabtay(Sawiro)

0
Thursday October 22, 2015 - 09:11:49 in Wararka by
  • Visits: 848
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Munaasabad lagu daah furayay garabka haweenka xisbiga Daljir oo Muqdisho lagu qabtay(Sawiro)

    Munaasabad si ballaaran loo soo agaasimey oo lagu daahfurayey Garabka Haweenka Xisbiga Daljir ayaa maanta lagu qabtey magaalada Muqdisho caasimada dalka Soomaaliya.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Munaasabad si ballaaran loo soo agaasimey oo lagu daahfurayey Garabka Haweenka Xisbiga Daljir ayaa maanta lagu qabtey magaalada Muqdisho caasimada dalka Soomaaliya.

Munaasabadaan ayaa waxaa ka soo qeybgalay 600 haween xubno ka ah garabka haweenka Daljir, Xildhibaano qaran, Guddoomiyaha Barlamaanka Galmudug, Haweenka Qaranka, Madasha Midnimada iyo Dimuqraadiyadda, Golaha Xisbiyada Soomaaliyeed, culimo, dhallinyaro iyo marti sharaf badan, waxayna munaasabadaan gunaanad u aheyd shirweynihii Garabka Haweenka Xisbiga Daljir oo magaalada Muqdisho ka socday.

Shirweynaha garabka haweenka ee Xisbiga Daljir oo shaley 20 Oktoobar 2015 si rasmi ah uga furmay Hoolka shirarka xarunta xisbiga Daljir ee Magaaladan Muqdisho, iyadoona Shirkaasi Ajandahiisa ugu wayn uu ahaa ansixinta xeerka garabka haweenka, iyo doorashada hogaanka Garabkaas.

Shirweynaha Haweenka Daljir Party oo ay isugu yimaadeen haween ka kala yimid Goboladda Dalka Somalia, kuwaasoo intii uu shirku socday ka dooday sidii ay u yeelan lahaayeen nidaam ay isku hagaan iyo hogaan hufan oo maamulka Haweenka Xisbiga Daljir uu yeesho.

Haweenka Ergadda ah ee Xisbigu waxay guda galeen Hanaanka Doorashadda Garabka Haweenka Xisbiga Daljir. Waxayna Madasha uga doorteen: Maamo Xaliimo Macallin Abiikkar in ay noqoto Gudoomiyaha Garabka Haweenka Xisbiga Daljir iyo Maamo Aamino Xuseen Cali oo ayana loo doortey Guddoomiye Ku Xigeenka koowaad, halka Marwo: Maymuun Mukhtaar Ramadaan loo doortey guddoomiye ku xigeenka Labaad

Munaasabadda daahfurka garabka haweenka oo ku soo aaddey maalinta 21 Oktoobar 2015 oo aheyd maalintii uu curtey Kacaankii uu hogaaminayey Jaalele Maxamed Siyaad Barre AUN, ayaa waxaa hoolka munaasabadda soo buuxdhaafiyey xildhibaanno qaran oo ay ka mid yihiin Maxamed Cabdi Yusuf iyo Cabdi Xaashi, wasiiro iyo xildhibaanno hore, Guddoomiyaha Barlamaanka Galmudug Mudane Cali gacal Casir iyo xubno ka tirsan barlamaankiisa, Haween magac weyn ku leh bulshada sida Maamo Zahro Sh. Xuseen iyo Maamo Shariifo Caddow, Guddoomiyaha Golaha Axsaabta Soomaaliyeed Muxyadiin Cali Yuusuf iyo Xoghayaha Guud ee Madasha Midnimada iyo dimuqraadiyadda Mudane Cali xareed iyo sidoo kale madaxda xisbiga Daljir oo ay ka mid yihiin Mudane Xasan Xaaji Ibraahim Guddoomiye ku xigeenka Xisbiga Daljir iyo Amb. Axmed Fiqi oo ah Xoghayaha Guud ee Xisbiga Daljir.

Waxaa munaasabadda laga soo jeediyey hadallo wadaniyad iyo xamaasad xambaaarsan ayadoo dhammaan mas’uuliyiintii meesha ka Hadley ay muujiyeen khatarta dalkeenu uu waajahayo, iyo halka afduubka dawladnimadii dalka lagu sameynayo taasoo ay isku baheysanayeen dawlado isugu jira gumeystayaashii iyo kuwa aan raalli ka aheyn in Soomaaliya ay ka hana-qaado dawladnimo sax ah oo ay Soomaaliya yeelato, kuwaasoo adeegsanaya kuwa mas’uuliyad sheeganaya oo Soomaali ah.

Munaasabadda waxaa daahfurey Guddoomiye ku xigeenka Xisbiga Daljir Mudane Xasan Xaaji Ibrahim, asagoo si waafi ah u sharaxey dowrka haweenka Soomaaliyeed iyo ahmiyadda uu siinayo Xisbigani, wuxuuna xusey in hiil iyo hooba xisbigu diyaar ula yahey haween weynaha Soomaaliyeed.

Xildhibaan Maxamed Cabdi Yuusuf ayaa hadalkiisii goobta uu ka jeediyey ku xusey dhacdo naxdin badan oo uu goobjoog u ahaa taasoo ka dhex dhacdey shirkii madasha wadatashiga ee shaley Muqdisho lagu soo gabagabeeyey, taasoo aheyd in calankii dalka oo bedelen lagu soo xardhey waraaqaha iyo tabeelayaasha goobtaas surnaa, asagoo nasiibdarro ku tilmaamey in dhacdadaas goobta ay ka dhaceysey ay joogeen Madaxweynaha Dalka, Raysulwaasaaraha, Guddoomiyaha Barlamaanka, iyo Madaxda Gobolada, asagoo xusey ineysan xog-ogaal u aheyn cidda sidaasa sameysey ayagoo ah dadka mas’uuliyadda dalku ay saarneyd, wuxuuna xildhibaanka ku dhawaaqey in kacdoonkii 5-aad waqtigiisii la joogo, waxaan sugnaana aysan jirin, lagana gudbo kala qeybsanka iyo qabyaaladda.

Maama Zahro Sh. Xuseen ayaa dhankeeda xustey in haweenka Soomaaliyeed ay ahaayeen hormuudkii halgankii dalka lagu xoreeyey, sanadihii dhibkana ay ahaayeen kuwa qoysaska soo samatabixiyey, haddana la joogo xilligii kacdoon xooggan min raas-kambooni illaa Lowyo-caddo ah la qaadi lahaa, haweenkuna ay diyaar u yihiin iney caaradka ka galaan, ayadoo u hambalyeysey Xisbiga Daljir, kuna tilmaantey mid magaciisa ka dhabeeyey.

Guddoomiyaha Golaha Xisbiyada Muxyadin Cali yusuf, iyo Xoghayaha Guud ee Madasha Midnimada iyo Dimuqraadiyadda Mudane Cali Xareed ayaa sheegey in la joogo waqtigii sharciga xisbiyada la marsiin lahaa barlamaanka, ayna xisbiyadu yihiin hanaanka kaliya oo lagu heli karo hogaan ka turjumi kara umadda Soomaaliyeed, isla markaana xambaari kara mas’uuliyad qaran.

Guddoomiyaha Barlamaanka Galmudug State ayaa unaasabadda uga hambalyeeyey Xisbiga Daljir iyo hogaanka cusub ee garabka haweenka, asagoo sheegey in ay la gaarey xilligii loo midoobi lahaa danta guud ee dalka.

Guddoomiyaha Cusub ee garabka Haweenka Marwo: Xallimo Macallin Abiikar oo goobta kalimado kooban ka jeedisey ayaa u mahadcelisey dadweynihii iyo mas’uuliyiintii ka soo qeybgaley munaasabadda, waxeyna hoosta ka xariiqdey in ay ka shaqeyn doonaan sidii haweenka Soomaaliyeed loo mideyn lahaa ayna si firfircoon uga qeyb qaadan lahaayeen ololaha iyo kacdoonka dalka lagu samata-bixinayo.

Guddoomiyihii Ku meelgaarka ahaa ee haweenka Xamdi Cali Muuse iyo Guddoomiyaha Garabka dhallinyarada Mudane Nuur inji ayaa iyana ka waramey hawshaan iyo mudadii ay soo socotey, waxeyna u mahadceliyeen guddiyadii kala soo shaqeeyey.

Gabagabadii waxaa shirka soo xirey Amb. Axmed Fiqi, oo ah Xoghayaha Guud ee Xisbiga Daljir asagoo mahadclein ka dib sheegey in Soomaaliya ay mareyso meel isgoys ah, oo madaxdiina waddo qardajeex ah qaadeen, shacabkiina waddo kale mareen, ayadoo taraafikada isgoyskaas taagan oo wax kala hagayana ay yihiin ajnabi, wuxuuna sheegey in haddii aan Soomaali inaan tashano, walaalowno, madaxdeena wadada qaldan ee ay hayaan in laga soo leexsho, cadowga nagu kala dhexjira aan iska wareejinno.

Gabagabadii Xisbiga Daljir ayaa soo bandhigey calanka Soomaaliya kii ugu dheeraa, waayadan danbe kaasoo dadkii joogey munaasabadda oo ay ka mid yihiin xildhibaanadii qaranka iyo guddoomiyaha Barlamaanka Galmudug State ay kor u xambaareen ayagoo ku luqeynaya heesta calanka iyo heeso wadani ah.

kulan daljirhw (1)

kulan daljirhw (3)DSC08082DSC07949kulan daljirhw (5)DSC07930DSC07928DSC07880DSC07822kulan daljirhw (2)




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip