WAA WARARKA WARGEYSKA MOGADISHU TIMES DAILY NEWS PAPER EE MAANTA OO AH KHAMIIS 22-KA OKTOOBAR 2015-KA

0
Thursday October 22, 2015 - 08:55:44 in Wararka by
  • Visits: 814
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    WAA WARARKA WARGEYSKA MOGADISHU TIMES DAILY NEWS PAPER EE MAANTA OO AH KHAMIIS 22-KA OKTOOBAR 2015-KA

    RA'IISUL WASAARE KUXIGEENKA XUK UMADDA SOOMAALIYA MAXAMED CUM AR CARTE OOIN DHAWAAN XUKUUMAA DU MAGACAABI DOONTO GUDDI HEER QARAN AH EE FATAHAADDA WABIYADA Xukumadda Soomaaliya ayaa la filayaa in Dhawaan ay Magacowdo Guddi Heer qaran ah oo lo

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

RA'IISUL WASAARE KUXIGEENKA XUK UMADDA SOOMAALIYA MAXAMED CUM AR CARTE OOIN DHAWAAN XUKUUMAA DU MAGACAABI DOONTO GUDDI HEER QARAN AH EE FATAHAADDA WABIYADA Xukumadda Soomaaliya ayaa la filayaa in Dhawaan ay Magacowdo Guddi Heer qaran ah oo loo Xil saaray wax ka qabashada Khasaaraha ka dhashay Fatahaad ay sameeyaan Wabiyaasha Jubba iyo Shabelle oo mara Soomaali ya.


 


Ra’iisul Wasaare Kuxigeenka Xukumadda Soomaaliya Maxamed Cumar Carte oo Warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in Xukumadda Soomaaliya ay si Deg Deg ah u soo Magacaabi doonto Guddig aasi oo wax ka qaban doona Khataraha laga digay inay geeysan ka raan Roobabka da’ah Soomaaliya.

Sidoo kale Dadka Soomaaliyeed ay uu ugu baaqay Kuxigeenka Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya inay ka Fogaa daan Meelaha laga yaabo in Wabiyada ay ka Fatahaan.

QM ayaa horay uga digtay in Roobab ka da’ah Soomaaliya ay geeysan karaan Khataro halis ah,kuwaas oo hadda Xukumaddu sheegtay inay wax ka qaban doonto.

MAAREEYE "INTA AAN SANADKAN DHAMMAAN AYAA LA DHISAYAA MAAMULKA HIIRAAN IYO SH/DHEXE

Wasiirka Warfaafinta dowladda Soomaaliya Maxamed Cabdi Xayir Maaree ye ayaa sheegay in meel wanaagsan uu marayo howlaha maamul u sameynta Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe, isagoo ka dhaw aajiyay in la dhisi doono inta aanu dhammaan sanadkan.

Maareeye ayaa sheegay in markii hore qorshuhu ahaa in bisha November la soo xulo ergooyinka iyo Baarlamaan ka, si doorashada Madaxweynaha loo qabto, hase ahaatee ay dib u dhigeen murano iyo waxyaabo kale oo jiray.

"Meel aad u fiican ayuu marayaa howlaha maamul u sameynta Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe mar kii hore wa xaa loogu tala galay bisha November in ergooyinka la xulo iyo baarlamaanka la xulo, si doo rashada madaxweynaha loo galo, laakiin marka wax la dhisayo dad badan talada laga qeyb geliyo la rabo murano badan iyo waxyaabo kale iska soo baxaya”ayuu yiri Wasiir Maar eeye.

Wasiir Maareeye ayaa sheegay in ka hor bisha December ay suuroobi doonto in Madaxweyne iyo Baarlamaan la doorto, waxaana uu rajo ka muujiyay sida ay iminka u socoto howsha.

. Dhinaca kale Wasiirka Warfaafinta ayaa sheegay in dowladda Federaalka ay ka go’an tahay dhaqan gelinta qod obadii ka soo baxay shirka wada tash iga, waxaana uu xusay in la go’aansa day Guddiga howl fulinta iyo guddiga farsamada ay dhowaan u baxaan Go bolada, si ay kulamo wada tashi ula ye eshaan bulshada rayidka.

MADAXWEYNAHA GALMUDUG OO KU BAAQAY IN LA XOOJIYO DAGAALKA KA DHANKA AH ALSHABAAB

Madaxweynaha M/Galmudug C/kariin Xuseen Guuleed ayaa warsaxaafadeed ka soo baxay xafi iskiisa waxaa uu ku baaqay in la sii xoojiyo dagaalka ka dhanka ah AlShabaab, maalin oo shalay ah ka dib markii ciidamada la wareegeen de egaanka Wabxo ee ka tirsan degmada Ceelbuur.

"Guusha maanta ay ciidamadu kaga sifeeyeen kooxaha argagaxisada Ma gaalada Wabxo waxey fur sad siiney saa in shacabka deegaanku ay cabsi da ka baxaan una soo jeestaan inay horumarka deega anka kala shaqeeya an Dowladda GalMudug”ayuu yiri Ma daxweynaha Galmudug. Waa siduu hadalka u dhigaye

Madaxweynaha Galmudug oo howl galkii ciidamada kula wareegeen Wabxo ayaa yiri "Waxaan marka hore amm aan iyo bogaadin u soo jeedineynaa ciidamada Xooga Daka Soomaaliyeed oo iyaga oo kaashanaya shacabka deegaanka ku guuleystay in kooxaha argagaxisada ah laga sifeeyo M/ Wabxo. Waa fursad qaali ah oo shacabka deegaanku ku helayaan neecow nabade ed, isla markaana cabsidii iyo welwelkii kooxaha argagaxisada ay kaga baxayaan.” Ayuu ku tiraabay md. Guuleed

Madaxweyne Guuleed ayaa xusay muhiimada ay leedahay in shacabka deegaankaas gargaar lala soo gaaro, wuxuuna yiri "Shacabka Wabxo iyo dhammaan deegaannada laga xorree yey AlShabaab waxay nooga baahanyihiin inaanu si degdeg ah ula gaarno gargaar bini’aadanimo iyo adeegyada bulshada ee aasaasiga si shacabka de egaanku u dareemaan faa’iidada ay do wladnimadu leedahay. Shacabka deegaanka waxay muddo ku hoos jireen gacanta argagaxisada oo hanjabaad iyo caga jugleyn ku hayay mudo dheer, maantana waxay u baahanyihiin inay dareemaan xoriyad si ay must aqbalkooda u ga fikiraan.”

Madaxweynaha ayaa DF iyo beesha caalamka ugu baaqay in shacabka deegaanada la xoreeyey si degdeg ah loo soo gaaro, wuxuuna yiri "Dowladda Galmudug waa mid curdun ah oo aan wali awoodin inay adeegyada aasaas iga ah gaarsiiso deegaanada laga xoreeyey kooxdal shabaab, sidaas darteed, waxaan ugu baaqayaa shacabka Gal Mudug, gaar ahaan ganacsatada iyo qurbojoogta, DF iyo Beesha Caalamka inay si degdeg ah gurmad ula soo gaa raan deegaanada dhawaan la xoreeyay”.DHAMAAD

DABLEY HUBEYSAN OO KU DISHAY CAABUD WAAQ MU’ADINKA MASJID JAAMAC

Kooxo hubeysan ayaa Habeen hore ku toogtay afaafka hore ee Masjidka Jaamaca ee magaalada Cabduwaaq Mu’adinka masjidka Allaha u Naxariistee Marxuum Macalin Farxaan Maxamed Salaad. Lama oga cidda ka dambeysay dilka Mua’adinka iyadoo maamulka de gmada Cabudwaaq ay sheeg een inay baaritaan ku sameyn doonaan dadkii ka dambeeyay dilka ayna sharciga hor keeni doonaan.

Sh.Cabdirisaq Warsame Fiqi oo ka mid ah gudiga masaajidka ayaa shalay salaaddii duhhur waxaa uga tacsiyee yay muslimiinta geerida ku ku timid ma rxuunka shir jaraa’id oo shalay lagu qa btay Masjid Jaamaca Imaamu Shaafici ee Magaalada Caabudwaaq.

Waa markii ugu horeysay ee lagu di lo mua’din masjid magaalada Cabu dwaaq ee gobolka Gedo. Waxana arrin kan aad uga xumaaday guud ahaan shacabka ku nool magaalada Cabud waaq ee gobo lka Galgaduud

ALSHABAAB OO LA SHEEGAY IN AY KA GOOSTEEN DAGAALYAHANO KENYAN AH

Ururka Caalamiga ah ee Socdaalka IOM ayaa warbixin ay soo saartay ku sheegtay in ugu yara an 700qof oo Kenyan ah oo iyagu ka tirsanaa Xarakada Alshabab iyo Daacish ay si nabad galya ah dalkooda ugu laabteen.

Warbixintaan ayaa ka koobnayd 36safxadood waxaana diyaariyay IOM iyo golaha sare ee Musli miinta dalka Kenya,waxana ay tilmaameen in inta ugu badan ay dadkaasi kasoo goosteen kooxaha reer galbeedka ugu yeeran argagexisada kadib markii hesiis lala galay ay noqon waayen kuwo ay faa’ido ka helaan.

Qaar kamid ah Kenyankasi ayaa la sheegay in ay ka faaideyteen cafiskii xukuumada Kenya ay fidisay bishii April uuna ku dhawaaqay Wasiirka arimaha gudaha Kenya Joseph Nkaissery.

Warbixinta hay’ada socdaalka aduunka ayaa sidoo kale waxa lagu sheegay in in Kenyanka qaarkood si awood leh loo askaareeyay ayna tababar ku soo qaateen Soomaliya oo qaarkood xitaa hogaan ay ka qabtaan Alshabab.

Warbixinta ayaa sidoo kale waxa lagu cadeeyay in dadka kasoo baxay Alshabab e Kenya dib ugu laabtay da’dooda u dhaxeyso 24sano ilaa 34sano jir.

URURKA MIDOWGA YURUB OO MALAAYIIN DOOLLAR UGU YABOOHAY HAWLGALKA AMISOM EE SOOMAALIYA

Ururka Midowga Afrika ayaa la saxiixday Midowga Yurub heshiis dhaqaale oo Midowga Yurub uu ku tageerayo howlgalka ururka Midowga Afrika ee Soomaaliya [AMISOM], kaasoo dhan 165milyan oo Euros oo u dhiganta 186milyan oo doollarka Mareykanka ah.

Heshiiskan oo maalintii Jimcaha ahayd lagu saxiixay xarunta guud ee Midowga Afirka ee Addis Ababa ayaa ku yimid codsi Midowga Afrika uu u diray Midowga Yurub, waxaana la sheegay in dhaqaalaha loogu talogalay hawlgalka ciidamada AMISOM ee 01da Juun illaa 31ka December ee sannadkan 2015ka. Sida ururka Midowga Afrika uu shaaciyay daraad.

"Dhaqaalahan wuxuu naga caawin doonaa bixinta mushaaraadka ciidamadeenna ku sugan Soomaaliya ee millateriga iyo booliiska iyo sidoo kale bixinta magdhowga ciidamadii ku geeriyooday Soomaalya intii ay howlgalladu socdeen. Waxaa kaloo ay naga caawinaysaa dayactirka qalabka ciidamadeenna iyo xerada tababbarka Jaziira ee Muqdisho,” ayaa lagu sheegay bayaan uu soo saaray ururka Midowga Afirka.

Guddoomiyaha golaha ammaanka iyo nabadgalyada Midowga Afrika Smail Chergui oo ka hadl ayay heshiiskan ayaa ku ammaanay ururka Midowga Yurub taageerada joogtada ah ay siiyaan ciidamada AMISOM, isagoo xusay in guulaha ay ciidanku gaarayaan ay ku xiran tahay hadba dhaqa alaha ay helaan si howlgalladu horay ugu sii socdaan.

"Deeqdan lacageed waxay awood u siinaysaa in ciidamadeenu sii wadaan howlgalladooda, si ay u xoreeyaan deegaannada aan weli ku jirin gacanta dowladda federaalka Somalia, si waafaqsan sharciyada u yaalla Midowga Afrika iyo Qaramada Midoobay,” ayuu yiri Smail Chergui.

Waxaa isaguna goobta ka hadlay wakiilkii matalayay ururka Midowga Yurub, isla maraana ah ku xigeenka xoghayaha guud ee horumarinta iyo iskaashig Midowga Yurub, Mr. Klaus Rudischhauser isa goo yiri. "Ujeeddada guud ee lacagtan deeqda ah waa sidii ay ciidamada AMISOM awood ugu yeelan lahaayeen inay sii wadaan howlgallada ay ku xasilinayaan Soomaaliya.”

Ugu dambeyn, bayaanka ururka Midowga Afrika ayaa lagu sheegay in Midowga Yurub ay yihiin kuwa dhaqaalaha ugu badan ku bixiya hawlgalka AMISOM ee Soomaaliya tan iyo markii uu billowday sannadkii 2007dii. Iyadoo lagu xusay in heshiiskan uu yahay kii 14aad oo ay kala saxiixdaan ururrada Midowga Afrika iyo Midowga Yurub.

KHILAAFKII XISBIGA KULMIYE OO LA SOO AFJARAY IYO LABADII GARAB EE LOO KALA JABAY OO ISKU YIMID

Garabyadii ku loolamayay murashaxnimada xisbiga Kulmiye ayaa ka heshiiyay arrimihii lagu muransanaa kaddib kulammo labadii dhinac ee uu xisbigani u kala jabay ay goonigooni ula yeesheen madaxweynaha Somaliland, Axmed Siilaanyo.

Labada garab ee ku loolamayey musharaxnimada Kulmiye dhexdiisa ayaa xal siyaasi ka gaa dhay khilaafkooda, isla markaana xisbiga dhexdiisa isla qaatay in wixii khilaaf keeni kara laga fogaado.

Shir ay isugu yimaadeen labada garab ee maalmahaan dambe warbaahinta isku marinayey dhaliilaha ayaa markii madaxweyne Siilaanyo yimid kulan ay la yeesheen isku waafaqeen in xisbiga dhexdiisa ka dhaco tartan xor ah.

"Waxaa lagu heshiiyay in xisbigii Kulmiye xisbigiisii yahay, in hogaankiisu sidiisii yahay, shaqadii socotayna wixii la qabtay dib loo eegi karo, cida hawshaas qabanaysa ee dhameystiraysaana tahay hogaanka xisbiga, waxaana lagu kordhiyay Wasiir Axmed Xaaji Cali Cadami oo la talinaya,” ayuu yidhi wasiirka warfafinta C/laahi Cukuse, waxaanu intaas ku daray "Hawsha waxaa qabanaya guddoomiye xigeenka 1aad Max'ed Kaahin, guddoomiye xigeenka labaad Xildhibaan Waabeeye, kuxigeenka sadde xaad Xildhibaan Cabdiraxmaan Talyanle iyo xoghayaha guud Xasan Siciid. Arrinta odhanaysa madaxw eynaha ayaa guddi magacaabay waxba kama jiraan. Madaxweynuhu wuxuu ku dedaalay in xisbigu is ku soo dhawaado, hogaanka xisbigana aan waxba laga bedelin ee saaxad dimuqraadi ah loo abuuro. Saaxaddaas dimuqraadiga ah ee golaha dhexe musharaxiintu ay ku tartami karto,”.

Guddoomiyaha Kulmiye Muuse Biixi ayaa sheegay in mar kasta oo kulmiye is khilaafo dib u heshiiyaan, waxaanu yidhi "Waxaan aad iyo aad ugu mahadnaqayaa saaxiibadayada naga yara ca dhooday ee aanu soo ladqabaysanay oonu is fahanay, waa inoo midnimadii Kulmiye. Waa inoo tartan xalaal ah,”

"Waxaa farxad noo ah anagoo gabi ahaantayo ogol in meesha Kulmiye la yiraahdo ahaado xisbi xaakimkii, in midnimada xisbigu muqadas naga tahay, in nabada wadanku muqadas naga tahay, inaanu jecelahay tartan xalaal ah oo xor ah oo loo siman yahay inuu dhaco. Anigoo musharax Kulmiye ah waxaan caddaynayaa in dhammaanto aanu isku raacnay in tartan xalaal ah uu dhaco,” ayuu yidhi Maxamed Biixi.

Si kastaba ha ahaatee, xisbiga KULMIYE ayaa maalmihii u dambeeyey u kala jabay garab gar ab, kuwaas oo eeddo culculus hawadda isku marinayey, haseyeeshee xaraaradii kulmiye waxay hoos u degtay ka dib markii madaxweynuhu yimi, isla markaana kulamo la yeeshay dhinacyadii xisbiga isku hayay taasina ay keentay inay ku heshiiyaan inay galaan doorasho dimuqraadi ah oo lagu tartamayo golaha dhexe ee xisbiga.

MUWAADIN SOOMALIYEED OO LAGU DILEY MAGAALADA CAPE TOWN EE DALKA KOONFUR AFRIKA

Wararka ka imaanaya dalka Koonfur Africa ayaa sheegaya in dalkaas lagu diley muwaadin so omaliyeed waxaana dilkiisa ka dambeeyay Burcad koonfur afrikaan ah

Muwaadinka la diley ayaa magaciisa lagu sheegay Cabdulaahi Weydoow Wuxuu Ka Mid ahaa Ganacsatada Somaliyeed ee Magaalada Cape Town Ee Dalka Koonfur Afrika

Mid kamid ah suxufuyiinta ku sugan Magaalada CapeTownee dalka Koonfur Afrika ayaa radio simba ee magaalada Muqdisho u sheegay in kooxo Burcad ah ay soo weerareen muwaadinkaan soo maliyeed markiii dambana ay ku dileen Goobtiisa Ganacsi kadib xabado kaga dhacay qeybaha sare ee Jirkiisa

Goobta uu dilka ka dhacay waxaa soo Gaaray ciidamada Booliska dalka Koonfur Africa iyago ona Baaritaano ka sameeyay Goobta uu dilka ka dhacay ilaa Hada lama Ogo cida losoo qabtay dilka loo geystay Muwaadinka soomaliyeed

SOOMAALILAND OO KA HORTIMID HADAL KA SOO BAXAY DOWLADDA

Wasiirka Arrimaha Dibadda Xukumadda Soomaaliland Maxamed Biixi Yoonis oo Warbaahinta kula hadlay Magaalada Hargeysa ayaa si Kulul uga Jawaabay hadal Daraad ka soo baxay Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya,kaas oo ahaa in Madasha Wadatashiga Qaran ee Aayaha Soomaaliya ka mid noqon doonaan Xubno matala Maamulka Soomaaliland.

Wasiirka ayaa sheegay in Arrintaasi aysan dhici doonin islamarkaana Maamulka Soomaaliland uu yahay Dalk ka madax banan Soomaaliya inteeda kale sida uu hadalka u dhigay."Warka ka soo ba xay Muqdisho waxba kama jiraan. Somalilandna waa dal madaxbanaan oo muddo 25 sanno ah ka maqnayd oo aan shaqo ku lahayn dalkaas Somalia, Labada wadan ee Somaliland iyo Somalia waxaa u socda wada hadal ku saabsan sidii ay u kala tagi lahaayeen,”ayuu yiri Wasiir Biixi.

Qodobaddii Daraad ka soo baxay Shirka Wadatashiga Qaran ee Aayaha Soomaaliya ayaa wax aa ka mid ahaa in Madasha ay qeyb ka noqon doonaanXubno ka socda Maamulka Soomaaliland in kastoo Soomaaliland ay ka hortimid hadalkaas.

DOWLADDA SAACUUDIGA OO SOOMAALIYA U DIRTAY HAMBALYO KU AADAN 21 OKTOOBAR

U adeegaha labada Xaram Boqor Sulmaan Bin Cabdal Casiis Aala Sucuud ayaa Madaxwey naha Soomaaliya Xassan Sheekh Maxamuud ugu hambalyeeyay xuska munaasabadda wadaniga ah ee waddankiisa 21 Oktoobar.Boqorka ayaa Shacabka Soomaaliyeed iyo Madaxdoodaba u raje eyay barwaaqo iyo horumar, waxaana tahniyaddaan mid la mid ah diray Dhaxal sugaha, ahna Ra’iisul wasaara ku xigenka ahna Wasiirka Arrimaha gudaha Maxamed Bin Salmaan bin Cabdal Casiis Aala Sacuud iyo dhaxal sugaha kasii sugaha, ahna ku xigeenka labaad ee ra’iisulwasaaraha ahna wasiirka Gaashaan dhiggan Dalka Sucuudiga.

Labada mas’uul ayaa shacabka Soomaaliyeed iyo madaxweynahoodaba u rajeeyay caafimaad iyo farxad iyo in ay Soomaaliya barwaaqo iyo horumar gaarto.

Warkaan ayaa waxaa daabacday wakaaladda rasmiga ahe e boqortooyada Sucuudiga u faafisa wararka ee WAAS ayaa warkaan faafisay, waxaana dib u daabacay inta badan jaraa’idka dalkaasi ka soo baxa.

Soomaaliya ayeysan jirin wax dabaaldag ah oo maalintan looga sameyey dalka ,dowladihii KMG ha iyo dowaldan jirta ee federaalka ayaan midna Xusin maalintan inkastoo xiligii uu dalka maamulayey kacaankii Curtay 21 Oktoobar 1969kii ee uu Hogaaminyey Maxamed Siyaad Bare si weyn loo dalka looga dareemi jiray.

SARAAKIISHII HORE IYO SHACABKA OO KA HADLAY 21 OCTOBER MARKII MILATARIGU TALADA DALKA QABTEEN

Qaar ka mid ah Saraakiishii Dowladdii dhexe ee kacaanka iyo shacabka Muqdisho ayaa sheeg ay in 21 Octpber ay tahay maalin Qaran oo kuweyn umadda Soomaaliyeed.

Col Faandhe Jaamac oo ka mid ah Saraakiisha Ciidamada dowladda kana mid ahaa Saraaki ishii dowladdii dhexe ee Marxuum Jalle Max’ed Siyaad Barre allaha u naxariistee ayaa waxa uu ku amaanay horumar iyo wax qabad muuqda dowladdii kacaanka oo uu sheegay in ay dalka kula ware egtay Afganbi uusan dhiig ku daadan laakiin ay horumarisay dowladdaas Ciidamada Xoogga wuxuuna 21 October ku tilmaamay maalin taariikhi ah oo aan ka go’aynin niyadda umadda Soomaaliyeed.

21 October waxaa sidoo kale Shabelle uga warramay Col Khaliif Idiris Saraakiishii hore ee dalka soo maray beri samaadkii kaas oo sheegay in waxyaabo badan oo aan la soo koobi Karin oo wanaag ah ay jiraan kuwaas oo lagu xasuusto in uu hormuud ka ahaa Marxuum Max’ed Siyad Barre oo maja raha dalka u qabtay 1969kii.

Dhankooda waxa iyana ka hadlay shacabka ku nool Magaalada Muqdisho qaarkood oo aan Ma kafarafoonka Shabelle la dhex qaadnay waxayna sheegeen in shalay oo kale xilligi Kacaanka Fagaar ayaasha waaweyn sida Tarabuunka ay ka dhici jireen Dabaal dagyo iyo Fantasiyo lagu weyneynayo maalintaan, laguna muujinayo awooda iyo Maqaamka ay lahayd dowladdii dhexe ee Soomaaliya.

Sidoo kale Reer Muqdisho ayaa tilmaamay in shalay oo kale ay kaga dhigneed sida Farxadda Ciida , iyagoo xusay in ay waqtigaas ay heysteen Waxbarasho Bilaash ah , kuna noolaayeen Magaalo Bilicdeedu ay wacantahay iyo Ammaanka lagu ladi karo Hurdada.

Waqtigii Jaalle Siyaad ayaa ayaa Soomaaliya waxa ay lahayd Heybad Qaranimo iyo Ciidamo Cudud leh oo ay ku hurdi Jireen Muwaadiniinta Soomaaliyeed Dareen la’aan, iyadoo ay xusid mudan tahay in wadamada qaar ee hadda nabad ilaalinta u jooga dalka uu Jaalle siyaad ka caawinn jiray Tababarka saraakiishooda , halka qaarkood oo gumeysi ku jiray xilliyadaas ka talasiin jiray dhibaatada Guuracan ee Heeryada gumeysiga iyo sida ay isaga qaadi karaan

SALAAD CALI JEELE OO SHEEGAY IN MADAXDA DOWLADDA AY DALKA DIB UGU CELINAYAN 4.5, SI MARKALE LOO SOO DOORTO

Salaad Cali Jeele oo ka mid ah Siyaasiyiinta Somaliyeed ee degan Magaalada Muqdisho, ayaa wuxuu Madaxda Dowladda uu si xoogan ugu eedeeyay inay dalka dib ugu celinayan halbeyga awood qaybsiga beelaha ee 4.5.

Salaad Cali Jeele oo shalay la hadlay Warbaahinta, ayaa sheegay in dalka uu qaatay Nidaamka Federalismka, wixii ka dambeeyay sanadkii 2012kana uu dalku ka baxay habkii ku meel gaarka ahaa.

"Dastuurkeena waxaa ku cad in Federaal la qaatay wixii ka dambeeyay sanadkii 2012ka oo laga baxay xilligii ku meel gaarka ahaa. Markaasaana ugu dambeysay nidaamka 4.5.” ayuu yiri Salaad Cali Jeele.

Waxa kaloo uu yiri "Sida hadda muuqata Madaxdeena waxay qorsheynayan inay soo celiyan 4.5, wax la aqbali karana maaha in dalka dib loogu celiyo 4.5. Arrintaas marnaba maaha wax la aqbali karo.”

Siyaasigan, ayaa yiri "Dowladda waxay rabtaa inay dib ugu noqoto wixii laga soo gudbay ee ahaa in Xildhibaanada ay soo xulaan Odayaasha Dhaqanka. Xildhibaanadana ay markaasi soo doortaan Madaxda Qaranka, si ay u dhahaan suurtagal maaha in doorasho kale ay dalka ka dhacdo. Madaxda waxay rabaan inay markale soo laabtaan.”

Mr. Jeele, ayaa wuxuu Madaxda Dowladda ugu baaqay inay ka waantoobaan inay dalka dib ugu celiyan nidaamka sadbursiga ku dhisan, ee waxa loogu yeero afar dhibic shan

.WARARKA CAALAMKA

BASHAR ALASSAD OO BOOQASHO LAYA AB LEH KU TAGAY MAGAALADA MOSCOW (SAWIRRO)

Madaxweynaha Suuriya Bashar alAssad ayaa shalay booqasho la yaab leh ku tagay magaalada Moscow ee dalka Ruushka, taasoo ah safarkiisii u horeeyay ee uu dibada ku tago, tan iyo markii ay dalka Suuriya ka bilowdeen dagaalada sokeeye.

Labada Madaxweyne waa Madaxw eynaha Suuriya iyo Madaxweynaha Ru ushka ayaa wada hadalo ku qaatay aq alka Kremlink, iyagoo ka wada hadlay xaaladihii u dambeeyay ee dalka Suu riya iyo weerarada Cirka ee Ruushka ka wado dalkaas.

Madaxweynaha Suuriya Bashar AlAsad ayaa u mahad celiyay Ruushka, waxaana uu xusay in Ruushka uu jooji yay is fidintii Argagixisada ee Suuriya.

Sidoo kale Madaxweyne Putin ayaa sheegay in kaliya Ruushka uusan diy aar u ahayn oo kaliya milatari la dagaa lama argagixisada, laakiin uu sidoo ka le diyaar u yahay in xal siyaasadeed la helo mashaakilka Suuriya.

Ruushka ayaa bishii hore bilaabay weerarro cirka ah oo ka dhan ah Da acish iyo fallaagada dagaalka kula jirta Madaxweyne Bashar AlAssad, waxa ana weerarada cirka dhaleeceeyay dalalka reer galbeedka.

bashar asad (4) bashar asad (3) ba shar asad (1)bashar asad (5)

.BANAANBAXYADA ARDAYDA JAAMACA DAHA KOOFUR AFRIKA OO SII BALLAARANAYA

Ardayda dalka Koofur Afrika ayaa ku hanjabay in ay xirayaan dhammaan ja amacadaha dalka iyagoo ka soo horje eda lacagaha jaamacadaha lagu dhi gto. Ururada ardayda ayaa diiday in la kordhiyao lacagaha lagu dhigto jam acadaha dalka Koofur Afrika boqolkiiba lix sanadka 2016. Ardayda banaan ba xaysay ayaa waxa ay sheegayaan in kordhintan lacagaha lagu dhigto jam acaha ay saameyn ku yeelan karaan ardayda qoysaska saboolka ah ka soo jeeda.

Ugu yaraan toban jaamacadood ay aa illaa iyo hadda ay saameyn kuyeel atay qaadacaada ay ardaydu qaadac ceen waxana la sheegay in ay xirnaan doonaan inta laga xalinayo khilaafa.

Ururada ugu waaweyn ee banaanb axyadan wada ayaa waxaa ka mid ah ururka ardayda jaamacadaha ee Sa sco. Kuwaasoo ku baaqay in jawaab culus laga bixiyo kordhinta lacagaha lagu dhigto jaamacadaha.

Booliska ayaa xabsiga dhigay illaa labaatan arday ka dib markii ay iska dhega tireen amarro ay maxkamada soo saartay oo ah in falalka ay same ynayaan uu yahay kuwo sharciga aan waafaqsanayn.

Arday wax kabaranaysay Jaamac ada Cape Town(UCT) oo la xirey talaa dadii ayaa la sii daayay,hase yeeshee waxa ardaydan la horgeyn doonaa ma xkmad toddobaadka soo socda. War arka ayaa sheegaya in banaanbaxya da ay sii kordhayaan iyadoo ardayda ay diidayaan in ay joojiyaan waxana la geeyay ciidamo jaamacadaha.

Ardayda ayaa sidoo kale dalbanaya waxbarasho bilaash ah taasoo xisbiga ANC uu ballanqaaday markii uu maa mulka dalka Koofur Afrika kala waree gay dowladii hore ee Midabtakoorka.

700 DHALINYARO SHABAAB AH OO TABA BAR QAATAY OO LA SHEEGAY INAY KENYA KU LAABTEEN

Warbixin cusub oo ka soo baxday Hay’adda Socdaalka Aduunka ee loo yaqaan (IOM) ayaa lagu sheegay Dha linyaro badan oo Kenyan ah oo qaatay tababar Milatari oo ay siiyeen Ururka Al Shabaab inay dib ugu laabteen gud aha dalka Kenya.

IOM ayaa sheegtay dhalinyaradan inay dib ugu noqdeen gudaha dalka Kenya,gaar ahaan Magaalooyinka Nay roobi, Mombasa, Kilifi iyo Kwale iyaga oo ujeedkooda uu yahay fulinta waxy aabihii loo soo tababaray.

Inta ugu badan dhalinyarada ku bii rtay Shabaab ee tababarada Milatari helay ayaa la sheegay inay yihiin kuwa shaqo la’aanta haysa, kuwaasi oo cam al ka dhigtay inay ku biiraan Shabaab ka Somaliya ka dagaalama.

185 ka mid ah Dhallinyaradan ku la abtay Kenya ayaa ka mid ahaa dadka lagu wareystay Warbixintan waxaana ay 30% ka yihiin 700 ee tababaratay kuna laabtay Kenya si ay u fuliyaan uje eddooyinka AlShabaab.

Tirada Dhalinyarada warbixinta lagu sheegay ayaa waxa ay walaac ku abu urtay Dowladda Kenya oo hadda la da alaa dhaceysa suggida ammaanka dal keeda oo ay ka dhacaan falal lidi ku ah oo Shabaabka ay geystaan.

Warbixinta ka soo baxday Hay’adda Socdaalka Aduunka oo ka koobneyd 36 Bog ayaa sidoo kale lagu sheegay dhalinyaradan inay yihiin kuwa Kenyan ah oo tababarada ku qaatay Xerooyin Shabaabka ay ku leeyihiin dalka Soo maaliya, ka dibna loo diray gudaha da lka Kenya si ay weeraro u geystaan.

Dadka ku biiraya AlShabaab wax aa ay da’doodu u dhaxeysaa 2434 jir sida ay muujisay Warbixinta ay soo sa areen Hay’adaha IOM iyo Golaha Cul imada Islaamka Kenya.

Kenya ayaa u muuqata mid la ware ersan qaabkii ay u sugi laheyd amma anka dalkeeda, maadaama dadka loo adeegsado ay yihiin muwaadiniin dalk eeda u dhashay oo fekerka Shabaab lagu beeray, ka dibna tababaro la siiy ay.

OGEYSIIS OGEYSIIS OGEYSIIS

Ogeysiis Muhiim ah oo ay kuu heyso The Ministry of finance the federal government of somalia

Tender name: Supply and Delivery of Foodstuff to the Somali Police Force

INVITATION FOR TENDER

IFT issue Date: 12thOctober, 2015

Reference: SPF/001/2015

 

Tender name: Supply and Delivery of Foodstuff to the Somali Police Force

The ministry of finance now invites sealed bids from eligible and qualified candidates for supply and delivery of Foodstuff to the Somali Police Force in Mogadishu.

 

Tender documents containing detailed specifications can be obtained from the procurement office at the Ministry of Finance between8:30AM to 2:00PM

Candidates must prove that they qualify to participate in public procurement method in providing the

following documents or evidences:

 

1.Certificate of company registration, certificate issued by the ministry of commerce.

2.A declaration of certificate that the candidate have fulfilled the obligation to pay taxes a valid tax compliance certificate must be attached

3.An abstract of the candidates accounts for the last (2) two years 2013and 2014 accompanied by a bank statement for the last 12 months.

4.The supplier should have minimum three years of experience in the commodities industry, particularly agricultural commodities.

5.The winning supplier will be directed with few distribution allocationsrequired by the user department (Police Force Logistics Department)

Bidding will be conducted using theNational Competitive Bidding (NCB) method. Bids must remain valid for a period of ninety (90) days from the date of tender opening. The completed tenders in plain sealed envelopes clearly marked "Tender Number SPF/001/2015 for Supply and Delivery of foodstuffs” for the Somali Police Force shall be addressed to the procurement department, ministry of finance at villa Somalia, Mogadishu not later than 25th October 2015.

 

The bidders MUST comply with all the instructions and rules of the tender and particularly to ensure that all the forms required are properly completed.

 

Tenders will be opened immediately thereafter the deadline, in the presence of tenders’ representatives who choose to attend the bid opening meeting 26th October at 10:00AM in the ministry of finance procurement office.

Interested bidders must deliver their bids in written form to the address below (in person, or by mail) not later than 25thOctober 2015 at 2:00PM. Late bids will be rejected.

Please make sure you address your bids at the following address provided below:

 

Procurement Department

 

The Ministry of Finance, Villa Somalia, Mogadishu, the Federal Government of Somalia.

Email: procurement.fgs@gmail.com

 

 




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip