Banaanbaxyada ardayda Jaamacadaha Koofur Afrika oo sii ballaaranaya

0
Wednesday October 21, 2015 - 19:18:55 in Wararka by
  • Visits: 646
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Banaanbaxyada ardayda Jaamacadaha Koofur Afrika oo sii ballaaranaya

    Ardayda dalka Koofur Afrika ayaa ku hanjabay in ay xirayaan dhammaan jaamacadaha dalka iyagoo ka soo horjeeda lacagaha jaamacadaha lagu dhigto. Ururada ardayda ayaa diiday in la kordhiyao lacagaha lagu dhigto jaamacadaha dalka Koofur Afrika boqolk

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ardayda dalka Koofur Afrika ayaa ku hanjabay in ay xirayaan dhammaan jaamacadaha dalka iyagoo ka soo horjeeda lacagaha jaamacadaha lagu dhigto. Ururada ardayda ayaa diiday in la kordhiyao lacagaha lagu dhigto jaamacadaha dalka Koofur Afrika boqolkiiba lix sanadka 2016. Ardayda

banaanbaxaysay ayaa waxa ay sheegayaan in kordhintan lacagaha lagu dhigto jaamacaha ay saameyn ku yeelan karaan ardayda qoysaska saboolka ah ka soo jeeda.

Ugu yaraan toban jaamacadood ayaa illaa iyo hadda ay saameyn kuyeelatay qaadacaada ay ardaydu qaadacceen waxana la sheegay in ay xirnaan doonaan inta laga xalinayo khilaafa.

Ururada ugu waaweyn ee banaanbaxyadan wada ayaa waxaa ka mid ah ururka ardayda jaamacadaha ee Sasco. Kuwaasoo ku baaqay in jawaab culus laga bixiyo kordhinta lacagaha lagu dhigto jaamacadaha.

Booliska ayaa xabsiga dhigay illaa labaatan arday kadib markii ay iska dhega tireen amaro ay maxkamada soo saartay oo ah in falalka ay sameynayaan uu yahay kuwo sharciga aan waafaqsanayn.

Arday wax kabaranaysay Jaamacada Cape Town(UCT) oo la xirey talaadadii ayaa la sii daayay,hase yeeshee waxa ardaydan la horgeyn doonaa maxkmad toddobaadka soo socda.

Wararka ayaa sheegaya in banaanbaxyada ay sii kordhayaan iyadoo ardayda ay diidayaan in ay joojiyaan waxana la geeyay ciidamo jaamacadaha.

Ardayda ayaa sidoo kale dalbanaya waxbarasho bilaash ah taasoo xisbiga ANC uu ballanqaaday markii uu maamulka dalka Koofur Afrika kala wareegay dowladii hore ee Midabtakoorka.





Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip