Ururka Caalamiga ah ee Socdaalka IOM oo sheegay in Kenyaan badan oo Shabaab inay dib ugu laabteen dalkooda.

0
Wednesday October 21, 2015 - 10:38:57 in Wararka by
  • Visits: 683
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ururka Caalamiga ah ee Socdaalka IOM oo sheegay in Kenyaan badan oo Shabaab inay dib ugu laabteen dalkooda.

    Ururka Caalamiga ah ee Socdaalka IOM ayaa warbixin ay soo saartay ku sheegtay in ugu yaraan 700-qof oo Kenyan ah oo iyagu ka tirsanaa Al-Shabab iyo Daacish ay si nabad galya ah dalkooda ugu laabteen.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ururka Caalamiga ah ee Socdaalka IOM ayaa warbixin ay soo saartay ku sheegtay in ugu yaraan 700-qof oo Kenyan ah oo iyagu ka tirsanaa Al-Shabab iyo Daacish ay si nabad galya ah dalkooda ugu laabteen. Warbixintaan ayaa ka koobnayd 36-safxadood waxaana diyaariyay IOM iyo golaha sare ee Muslimiinta dalka Kenya,waxana ay tilmaameen in inta ugu badan ay dadkaasi kasoo goosteen kooxaha reer galbeedka ugu yeeran argagexisada kadib markii hesiis lala galay ay noqon waayen kuwo ay faa’ido ka helaan.

Qaar kamid ah Kenyankasi ayaa la sheegay in ay ka faaideyteen cafiskii xukuumada Kenya ay fidisay bishii April uuna ku dhawaaqay Wasiirka arimaha gudaha Kenya Joseph Nkaissery.

Warbixinta hay’ada socdaalka aduunka ayaa sidoo kale waxa lagu sheegay in in Kenyanka qaarkood si awood leh loo askaareeyay ayna tababar ku soo qaateen Soomaliya oo qaarkood xitaa hogaan ay ka qabtaan Al-shabab.

Warbixinta ayaa sidoo kale waxa lagu cadeeyay in dadka kasoo baxay Al-shabab e Kenya dib ugu laabtay da’dooda u dhaxeyso 24sano ilaa 34-sano jir.

Hay’ada waxa ay shaaca ka qaaday in wareysi ay la yeelatay koox soo laabatay oo ka kooban 185-qof oo u dhiganta %30 dadka degaanada Kilifi, Kwale, iyo Mombasa.

Warbixinta waxa ay leedahay in muwaadiniintaani horey ay u ahaayen kuwo xamaasha inta aysan galin ama ku biirin Xarakada Al-shabab.

13





Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip