Madaxweynaha oo ku baaqay in talada dalka laga qeyb geliyo shacabka Soomaaliyeed

0
Wednesday October 21, 2015 - 09:47:28 in Wararka by
  • Visits: 659
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Madaxweynaha oo ku baaqay in talada dalka laga qeyb geliyo shacabka Soomaaliyeed

    Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ku baaqay inay muhiim tahay in talada qaranka laga qeyb geliyo shacabka, lana dhageysto rabitaankooda, si loo gaaro go'aano dhaxal gal ah.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ku baaqay inay muhiim tahay in talada qaranka laga qeyb geliyo shacabka, lana dhageysto rabitaankooda, si loo gaaro go'aano dhaxal gal ah.

Madaxweynaha oo shalay ka hadlayay xafladii xiritaanka ee shirka wada tashiga doorashooyinka sanadka 2016 ayaa sheegay in dadka ay qabaan cabsi iyo walaac ku aadan inaan siyaasada laga qeyb gelin, waxaana uu xusay inay muhiim tahay in la tixgeliyo rabitaankooda iyo hadaaqooda siyaasadeed.

"Waxaa rabaa inaan u sheego Mas’uuliyiinta dowlad goboleedyada ee xilka ka saaran arrintan waa inaad dadka Soomaaliyeed inta ugu badan tixgelisaan, in la dhageysto, lana qadariyo rabitaankooda siyaasadeed, dadka cabsiye qabaan, dareen ayay qabaan dhamaan hala tixgeliyo oo talada dalka halaga qeyb geliyo”ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh.

Waxaa uu sheegay in aysan jirin cid laga yeelayo inay talada qaranka isku koobto, waxaana uu intaa ku daray in loo baahan yahay in deegaanada oo dhan la gaarsiiyo wada tashiyada, si codkooda loo dhageysto.

Shirkii Madasha wada tashiga ee hanaanka doorashooyinka sanadka 2016 ayaa laga soo saaray ilaa 10 qodob oo ay ugu muhiimsaneyd in wada tashiyo laga sameeyo dhamaan deegaanada gobolada dalka, isla markaana wada tashiyada laga qeyb geliyo qeybaha kala duwan ee bulshada.



 



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip