WAA WARARKA WARGEYSKA MOGADISHU TIMES DAILY NEWS PAPER EE MAANTA OO AH ARBACO 21KA OKTOOBAR 2015KA

0
Wednesday October 21, 2015 - 08:50:27 in Wararka by
  • Visits: 705
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 1
  • Share via Social Media

    WAA WARARKA WARGEYSKA MOGADISHU TIMES DAILY NEWS PAPER EE MAANTA OO AH ARBACO 21KA OKTOOBAR 2015KA

    CIIDAMO LAGA DIRAY MUQDISHO OO LA WAREEGAY DEEGAANKA WABXO EE GOBOLKA GALGADUUD Ciidamo ka tirsan dowladda Soomaaliya oo dhowaan laga diray magaalada Muqd isho ayaa la wareegay deegaanka Wabxo ee Gobolka Galgaduud, iyadoo ciidamad an oo gaaraya bo

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

CIIDAMO LAGA DIRAY MUQDISHO OO LA WAREEGAY DEEGAANKA WABXO EE GOBOLKA GALGADUUD Ciidamo ka tirsan dowladda Soomaaliya oo dhowaan laga diray magaalada Muqd isho ayaa la wareegay deegaanka Wabxo ee Gobolka Galgaduud, iyadoo ciidamad an oo gaaraya boqolaal askari ay ku waj ahan yihiin deegaano dhaca bariga Galg aduud.

Col. Axmed Maxamed oo ka mid ah saraakiisha howl galka hogaamineysay ayaa u sheegay warbaahinta Muqdisho in ciidamada ay si nabdoon kula wareegeen Wabxo iyo deegaano ku dhow dhow.

"Ciidamada waxay dagaal la’aan kula wareegeen Wabxo iyo deegaanada ku dhow dhow oo awal ay dhuumaaleysi ku imaan jireen, waxaana qorshaheenu yah ay inaan gaarno deegaanada kale”ayuu yiri Col, Axmed Maxamed oo ka mid ah saraakiisha ciidamada hogaamineysay.

Sidoo kale waxaa uu sheegay in dhow aan Ciidamada ay isku furi doonaan Xar ardheere ilaa Aadan Yabaal, waxaana uu intaa ku daray in ciidamada dowladda iyo AMISOM oo iskaashanaya deegaanada ay ku harsan yihiin AlShabaab u dhaqaa qi doonaan.

Ciidamadan ka baxay magaalada Mu qdisho ayaa safar dhulka ah ku maray Shabeellaha Dhexe iyo Hiiraan, waxaana ciidamadan oo maalmo ka hor gaaray Max aas, halkaas ka kaxeeyay Ciidamada Ito obiya ee ka tirsan howl galka AMISOM.

XISAABIYAHA GUUD OO KULAN LA YEESHAY WAAXYAHA MAALIYADA EE WASAARADAHA DOWLADDA SOOMAALIYA

Xisaabiyaha Guud ee dowladda Soom aaliya Axmed Yuusuf Muumin [Siraaji] aya a shalay kulan la yeeshay waaxyaha maal iyadda iyo hawlwadeena dhanka xisaaba adka ee wasaaradaha dowladda, shirkan oo ahaa isxogwareysi hagaa jinta ma amulka maaliyadda ah, horumarinta was aaradaha dhanka isticmaalka nidaamka FMIS oo hadda ku eg wasaara dda ma aliyadda, bangiga dhexe, garoonka Aden Adde iyo dekedda Muqdisho.

Shirkan ayaa waxaa kasoo qaybgalay in ka badan 70 hawlwadeenno ah waxa ana la isku dhaafsanayay qaabka loo wa dashaqayn karo iyo sida xogta ku salay san mushaaraadka shaqaalaha iyo xisaa baadkooda loo wadaagi karo.

Xisaabiyaha guud ee Qaranka oo saxa afadda la hadlay ayaa sheegay in ujeedd ada shirkani yahay sidii loo joogteyn lahaa kor u qaadidda isla xisaabtanka iyo maa mul wanaagga, taas oo ah siyaasadda wa saaradda maaliyadda Somalia ay ku shaq ayso.

”Waxaan soo marnay marxalado kala duwan shalay waa Alle mahaddiis haddaan kawada hadlayno sidii loo hagaajin lahaa maamulka maaliyadda iyo isla xisaabtanka. Waxaa sidoo kale fikrado iskudhaafasanaynaa sidii loo diyaarin lahaa miisaaniyadda sannadka 2016ka oo ay hada socoto diyaarinteeda & hirgalinta nidaamka FMIS oo fududeyanaya la socodka kharaashaadka dowladda soo gala iyo sida ay ku baxaan,” ayuu yiri Axmed Siraaji.

Ugu dambeyn, Xisaabiyaha Guud ee Qaranka ayaa sheegay in shirkaan looga hadli doono sidii loo ballaarin lahaa maamulka maaliyadda ee xafiisyada wasaaradaha oo markii hore hal qof oo kaliya uu go’aamada iyo saxiixa lahaa

XAALADA BELEDWEYN OO DEGGAN, KA DIB DAGAALKII SHALAY IYO DADAALO NABADEED KA SOCDA

Xaalada magaalada Beledweyn ayaa shalay deganeyd, ka dib dagaal dad bad an ku dhinteen oo shalay labo maleeshiyo beeleed ku dhex maray xaafada howlwad aag ee galbeedka magaalada.

Ciidamada dowladda iyo AMISOM ay aa kala dhex galay habeen hore labadii dhinac ee dagaalamay, waxaana shalay la gu arkayay goobihii lagu dagaalamay ga adiidka dagaal ee ciidamada dowladda iyo AMISOM.

Inta la og yahay waxaa dagaalkii dorra ad ku geeriyootay 14 ruux, halka tiro kale na ku dhaawacmeen, waxaana dad ka ku dhintay u badnaa labadii dhinac ee dagaal amayay.

Dadaallo nabadeed oo lagu qabooji nayo xiisada colaadeed ee labada male eshiyo beeleed u dhaxeeya ayaa ka socda magaalada, waxaana wada odayaasha iyo waxgaradka gobolka Hiiraan.

Ugaas C/raxmaan Ugaas Khaliif iyo od ayaal dhaqameedyo uu hormuud u ahaa a yaa ku howlanaa sidii heshiis nab adeed iyo xabad joojin loo dhex dhigi lahaa lab ada beelood, waxaana ay la kulmeen oda yaasha labada beelood.

Odayaasha labada dhinac ayaa loogu baaqay inay kala dhex galaan labada mal eeshiyo, isla markaana la joojiyo dhiiga macna darada ee daadanaya, waxaana la gu wadaa in shirar fool ka fool ah loo qab to labada beelood ee dorraad ku dagaal amay magaalada Beledweyn.

Dhaq dhaqaaqii ganacsiga iyo isu socodka ayaa shalay dib u soo laabtay, ka dib markii dorraad ay hakadeen, waxa ana isbitaalka magaalada la geeyay dhaawacyo dadkii rayidka ahaa ee ku waxyeeloobay rasaastii la is weydaarsanayay.

AXMED MADOOBE "AAN KA TAGNO BEESHA CAALAMKA, ANAGA OO SOOMAALI KALIGEEN AH AAN TALO GAARNO”

Madaxweynaha Maamulka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoo be) ayaa sheegay in loo baahan yahay in lala xisaabtamo Beesha Caalamka, isla markaana shaqada la qabanayo ay noq oto mid Soomaali kaligeed ay qabsato, Caalamkana uu gadaal ka joogo.

Axmed Madoobe oo ka hadlayay furi taankii shirka madasha wada tashiga ayaa sheegay in Beesha Caalamka lala xisaab tamo, isla markaana wax walba oo la qaba nayo, iyaga gacanta loo geliyo.

"Waxaa loo baahan yahay in cid walba lala xisaabtamo, Beesha Caalamka lala xisaabtamo, War Caalamow waa na daba taagan yihiin anaga wax ha ina tusaan, annaga wax qabsaneyno, gacanta ha inoo geliyaan, ammaano waa leena kay, waxaa laga yaabaa shaqada aan qabsaneyno in nala yiraahdo Beesha Caalamka maxay ka qabaan bal Nicholas Kay hala soo we ydiiyo, iyaga sidaa yeelanaya, waa inaan mar dhow ka tagnaa Caalamka, wax kasta inaga oo Soomaali isku raacno, annaga wada tashigeeda aan gaarno, waxaa hu baal ah inay cid walba ku qasban tahay inay annaga na ra acdo”ayuu yiri Mada xweynaha Jubbaland.

Sidoo kale Madaxweynaha Jubbaland ayaa ka hadlay doorashada sanadka 2016, waxaana uu sheegay inuu ku tali nayo in Madaxda Maamul goboleedyada iyo mas’uuliyiinta dowladda federaalka in ay danahooda gaarka ah ka hormari yaan danta Umadda Soomaaliyeed.

Shirka Madasha Wada tashiga doora shooyinka sanadka 2016 ayaa manta/ shalay la filayaa in la soo gaba gabeeyo, waxaana lagu wadaa in wada tashi loo aado gobolada, isla markaana laga doodo qaabka ugu wanaagsan ee doorasho ugu dhici karto Soomaaliya.

MUWAADINKII UGU HORREEYAY OO SOOMA ALI AH OO LOO DOORTAY BAARLAMAANKA CANADA

Axmed Xuseen oo u tartamayay xisbiga Liberal ayaa noqonaya muwaadinkii ugu horreeyay oo Soomaaliyeed oo ku guuleysta taariikhda doorashooyinka baarlamaanka dalka Canada, iyadoo laga soo doortay xaafadda York SouthWeston ee magaalada Toronto.

Axmed ayaa ka ad kaaday murashaxii la ga soo dooran jiray xa afadda laga soo door tay oo lagu magaca abo Mike Sullivan oo ka tirsanaa xisbiga NDP.Inkastoo ay hare en labadii murashax ee kale ee Soomaalida ahaa ee tartanka ka qaybqaadanayay.

Soomaalida ku nool waddanka Canada ayaa aad ugu riyaaqay guusha uu Axmed ka gaaray doorashada baarlamaanka, iyagoo u arkaya guushiisa inay horseedayso inay baarlamaanka dalka Canada cod ku yeeshaan markii ugu horreysay taariikhda.

"Tani waa guulweyn oo u soo hoyatay SoomaalidaCanada ku dhaqan, waana maalin aan xusuusan doonno,” ayuu yiri Mahad Shaafici oo ah ganacsade Soomaaliyeed oo magaalada Ottawa ku nool.

Xisbiga laga guuleystay ee Conservativeka ayaa ahaa xisbi kazoo horjeeda qoxootiga ku nool dalka Canada, isagoo soo saaray sharci dhigaya in dhallashada laga qaado qofkii lagu helo inuu faraha kula jiro falal argagaxiso.

Sidoo kale, xisbiga Conservativeka ayaa wuxuu kasoo horje eday niqaabka ay haweenka muslimiinta ah xirtaan, isagoo ku tilmaamay arrin jaahilnimo ah oo muddo fog jirtay, isla marakana aan raad ku lahayn diinta Islaamka, tasoo keentay in muslimiin badan ay kasoo qaybgalaan doorashooyinka Canada, iyadoo la sheegay in arrinta niqaabka ay sabab weyn u tahay guuldarradii ku dhacday xisbiga Conservativeka.

Xisbiyada NDP iyo Liberal ayaa aad uga soo horjeestay go’aanka xisbiga Conservativeku ku diiday niqaabka ay qaataan haweenka muslimiinta ah, iyagoo ku tilmaamay falkaas mid foolxun oo ka dhan ah haweenka muslimiinta.

Doorashooyinka baarlamaanka Canada ayaa waxaa 185kursi oo kuraasta baarlmaaanka dalkaas ka mid ah ku guuleystay xisbiga Liberalka oo uu ka tirsan yahay, Axmed Xuseen oo ah Soomaaliga, iyadoo xisbigaan uu sannadka soo socda hoggaamin doono Canada.

Nasiibdarro labadii murashax ee kale oo Soomaali ahaa; Faisal Hassan oo u tartamayay xisbiga NDP iyo Abdi Abdul oo u tartamayay xisbiga Conservative ayaa ku guuldareystay doorashada baarlamaanka Canada.

Ugu dambeyn, Axmed Xuseen ayaa ku dhashay kuna barbaaray Soomaaliya, isagoo dalka Canada galay sannadkii 1993kii, wuxuuna waxbarashadiisa Jaamacadeed ku dhamey stay Jaamacadda Ottawa, isagoo ah qar een bulshada si aad ah u ga dhexmuuqday isagoo madax kasoo noqday ururka bulshada Soomaalida Canada ee Soomaali Community Organization.

MIDOWGA YURUB OO MALAAYIIN DOOLAR KU BIXINAYSA DAGAALKA ALSHABAAB.

Midowga Yurub ayaa lacag dhan €165 million wuxuu siinayaa Howlgalka Midow ga Africa ee Soomaaliya laga wado ee AMISOM si ay dalka uga saaran Malee shiyaadka AlShabaab.

Midowga Yurub iyo Midowga Africa ay aa heshiiskaasi kala saxiixday maalintii Isn iinta ahayd, iyadoo lacagta loo soo marsiin doono Midowga Africa qeybta la socod nabadgalyada ee uu sameeyay Midowga Yurub (APF),waxaana hadafka uu yahay dar dar galinta dagaalka ka dhanka ah AlShabaab.

Horaantii sanadkaan ayaa Ciidamada Soomaliya iyo kuwa AMISOM waxay qa adeen howlgal balaaran oo dhul wayn oo ay Koonfurta ay kaga sugnayeen AlShabaab looga saaray gacantooda oo me elaha la xusi karo ka mid tahay Diinsoor iyo Baardheere.

Ambassador Smail Chergui oo ah ma s”ulka Midowga afrika ee nabadgalyada iyo amniga u qaabilsan ayaa sheegay in lacagtaan AMISOM ka saacidi doonto sii wadista nbad galyada iyo xasilooni ku soo dabaalida dalka Soomaaliya.

Midowga Africa ayaa war uu soo sara y wuxuu ku sheegay in lacagtaan lagu fud udeyn doono dhinaca mushaaradka Ciid amada iyo lacagaha la siinayo ehalada ay askartooda uga dhinteen Soomaaliya.

Lacagahaasi sidoo kale waxaa lagu fududeeyn doona howlgalka dhinaca xeeb aha iyo iyo agabka ay helaan askarta AMISOM. Klaus Rudischhauser oo ah sa rkaal u hadlay EU ayaa sheegay in lacagt aas ay ku bixinayaan inay dagto xaalada Soomaaliya.

Dhanka kale Midowga Yurub waa hay’ adda ugu weyn ee hadda bixinaysa mu shaaradka ciidamada Midowga Afrika ee AMISOM.

WARARKA CAALAMKA

XUJEYDII KU GEERIYOODAY SHILKII XAJKA KA DHACDAY OO TIRADOODU AY CAGACAGEYSNAYSO 2,177 OO RUUX

Isbuurbuurashadii ka dhacday Xajka bishii lasoo dhaafay ayaa tirada xujeydii ku dhintay ay sare u kacday, iyadoo haatan ay tirada xujeyda la sheegay inay gaartay 2,177xaaji, sida ay baahisay wakaaladda wararka AP. Tirada dhimasho ee ay baahisay AP ayaanay sheegin mas’uuliyiinta Saudi Arabia, iyagoo horay u sheegay in tirada dhimashadu ay tahay 769qof, halka ay ku dhaawacmeen xujey gaaraysa 934qof.

Wasiirka arrimaha gudaha ee Saudi Arabia, Amiir Mohammed bin Naif bin Abdul Aziz oo ah mas’uulka u qaabilsan xajka boqortooyada Saudi Arabia ayaa Axaddii kala hadlayay mas’uuliyiinta xajka ee Sucuudiga tiradii dhimashada ee ka dhalatay isbuurashadii xajka, inkastoo aan la shaacin warka arrintan la xiriirta.

"Baaritaanku weli waa socdaan, waxaana mas’uuliyiinta dalka Sucuudigu ay weli dadaal ugu jiraan sidii loo ogaan lahaa sababtii keentay shilkan ay geeriyoodeen xujeyda faraha badan,” ayuu yiri lagu warbixin ay daabacday wakaalada wararka Sucuudiga ee SPA. Intii aanu xajkii sannadkan billaaban waxaa wiish kusoo dumay masaajidka barakeysan ee Maka Almukarama ku geeriyooday 111xaaji oo ka mid ahaa xujeydii u yimid Makai nay gutaan waajibka islaamiga ah ee Xajka.

Horay ayay boqortooyada Saudi Arabia isaga fogeysay eedeyn kaga timid dalka Iiraan taas oo ahayd inay iyadu mas’uul ka tahay dhimashada xujeydii dhawaan ku geeriyooday xajka. Iyadoo xukuumadda Tehran ay sheegtay inay boqolaal qof kaga geeriyoodeen shilkaan.

"Waddamada reer galbeedka ah iyo Munaafiqiintu waxay caado ka dhigteen inay buunbuuniyaan geerida muslimiinta, wararkooduna waa been aan sal iyo raad toona lahayn,” ayuu Isniintii lasoo dhaafay yiri hoggaamiyaha ruuxiga ah ee dalka Iiraan, Ayatollah Ali Khamenei.

Iiraan iyo Sucuudiga ayaa waxaa ka dhexeeya xifaaltan salka ku haya dagaallada ka socda dalalka Carabta qaarkood, kuwaasoo ay ka mid yihiin Siiriya iyo Yemen. Iyadoo labada waddan oo Sunni iyo Shiico kala ah ay isku eedeeyaan inay kala taageeraan dhinacyada ku hardamaya dalalkaas.

Tirada dhismashada xujeyda ee ay soo bandhigtay AP ayay sheegtay inay kasoo xigatay warbaahinta gobolka iyo saraakiil ka tirsan 30 waddan oo ka mid ah 180ka waddan ee ay dadkoodu xajinayeen sannadkan.

Xukuumadda Tehran ayaa sheegtay inay ka dhinteen 465 xujey ah. dowladda Maali ayaa iyaduna sheegtay inay ka dhinteen 254xaaji. Halka Nigeria ay sheegtay inay kadhinteen 199xaaji, Cameroon ayaa sheegtay inay ka dhinteen 76xaaji, dalka Niger ayaa waxaa ka dhintay 72xaaji, Senegal ayaa waxaa ka dhintay 61xaaji iyo dowladaha Ivory Coast iyo Benin oo sheegay inay ka dhinteen 52xaaji.

Waddamada kale ee sheegay tirada kaga geeriyooday shilkii xajka ayaa waxay kala yihiin; Marsar 182xaaji, Bangladesh 137xaaji, Indonesia 126xaaji, India 116xaaji, Bakistaan 102xaaji, Ethiopia 47xaaji, Chad 43xaaji, Morocco 36xaaji, Algeria 33xaaji, Sudan 30xaaji, Burkina Faso 22xaaji, Tanzania 20xaaji, Somalia 10xaaji, Kenya siddeed xaaji, Ghana iyo Turkey min toddoba xaaji, Myanmar iyo Libya min lix xaaji, China afar xaaji, Afghanistan laba xaaji iyo Jordan iyo Malaysia min hal xaaji.

Ugu dambeyn, Sannadkii ugu khasaaraha badnaa shilalka ka dhaca Xajka ayaa ahaa 1990kii, markaasoo ay ku dhinteen shil ka dhacay Xajka in ka badan 1,426xaaji.

SACUUDIGA OO 360 JEEDAL KU XUKUMAY 74 JIR U DHASHAY BRITAIN OO QABA CANCERKA WADNAHA KU DHACA

Maxkamad ku taala Magaalada Jaddeh, ayaa waxay xukun aad u adag ay ku riday Karl Andree oo ah 74 sano jir u dhashay dalka Britain, ka gadaal markii gurigiisa laga helay qamriga guryaha lagu sameeyo.Karl Andree, ayaa waxaa bishii August ee sanadkii hore lagu xiray Magaalada Jaddeh, waxaana hadda soo baxday in lagu xukumay xukunkaasi. Karl waxa uu qabaa Cancerka wadnaha ku dhaca. Wiil uu dhalay ninkan odayga ah oo lagu magacaabo Simon, ayaa wuxuu si weyn kaga walaacay xukunka adag ee aabihii lagu riday, xilli uu qiray in qamriga uu mamnuuc ka yahay isticmaalkiisa dalkaasi.

"360 jeedal ayay aabahey ku xukuntay Maxkamad Sacuudiga ku taala, waxaa lagu qabtay qamriga guryaha lagu sameeyo, oo ka mamnuuc ah dalka Sacuudiga.” Ayuu yiri Simon Andree oo Warbaahinta la hadlay.Simon, ayaa yiri "Aabahey waa oday waayeel ah, karbaashka intaa le’egna maaha wax uu xamili karo. Waa waayeel aan tabar lahayn, waxaana ka baqayaa in garaacista uu u dhinto.”

Shacabka reer Britain oo si aad ah kaga naxay xukunkaasi, ayaa waxay Ra’iisal Wasaaraha Britain, David Cameron ugu yeereen in si deg deg ihi uu ku joojiyo xukunkaasi.

Simon oo ka hadlaayay taageerada ay shacabku u muujiyen aabihii, ayaa yiri "Aabahey wuxuu aad ugu farxay tag eerada weyn ee loo muujiyay, mana aha wax uu rumeysan karo taageeradaasi. Qof kastana wuu kaga mahad celinayaa.”

Xukuumadda London, ayaa waxay qaaday tallaabadii ugu weyneyd oo ay ku joojineyso fulinta xukunka lagu riday Karl, waayo waxaa laga cabsi qabaa in xukunkaasi uu u dhinto.

WADDANKA KENYA OO SHALAY LOOGA DABAALDAGAY MUNAASABADA MAALINTA GEESIYAASHA

Guud ahaan wadanka Kenya, ayaa shalay waxaa looga dabaaldagay Munaasabada 20, October oo ku beegan maalinta geesiyaasha Kenya oo Afka Swahiliga lagu dhaho "Mashujaa" ahna Heroes' Day ama maalinta la xuso halgama yaashii Kenya u horseeday xorriyaddeeda.

Madaxweynaha Kenya, Uhuru Kenyatta ayaa dad weyne fara badan oo ka qeybgalaayo dabaaldagga muna asabaddaan kula had lay garoonka kub ada cag ta lagu ciyaaro ee Nyayo Stadium oo ku yaallo magaalada Nay robi.

Wuxuuna shacabka Keenyaanka ah u rajeyay horumar, isagoona ugu baaqay inay iska kaashaadaan wax kasto oo dhibaato u keeni karo dalkooda.

Dhanka kale iskuduwaha gobolka Nairobi oo lagu magacaabo Njoroge Ndirangu, ayaa sheegay in ammaanka magaalada Nair obi kor loo qaaday, feejignaan sarana la galiyay ciidamada qala bka sida si ay oga hortagaan cid kasto oo dhibaato damac saneyd. Shalay oo fasax guud (Public Holiday) ka ah dalka Kenya, waxaa lagu xasuustaa dadkii madaxbannaanida Kenya horseedka u ahaa oo ay ka mid ahaayeen dhaqdhaqaaqii Mau Mau iyo hogaamiyaashii loo yaqiinay (Kapenguria Six) ama lixda Kapenguria oo loogu magac daray Xabsigii lagu xiray oo ku ya allo magaalada Kapenguria ee deegaanka West Pokot, Kenya xiligii ay ku jireen halgankoodii gobanimo doonka ahaa.

Lixdaas shaqsi oo uu ka mid ahaa Madaxweynihii hore ee dalka Kenya, Jomo Kenyatta oo dhalay Madaxweynaha hadda hogaam iyo waddanka Kenya, ayaa waxey ka mid ahaayeen shaqsiy aadka Kenya looga qadariyo iney ahaayeen geesiyaashii qaarko od loodilay kuwa kalana ay xabsiyo u galeen sidii ay waddan ko oda oga xorreyn lahaayeen gumeystayaashii Ingiriiska ee ku soo duulay.

Munaasabada 20, October, ayaa dhanka kale waxey ku beegan tahay maalintii xabsiga laga sii daayay madaxweynihii horee Kenya, Jomo Kenyatta. Waxaana horay loogu yaqaanay Kenyatta Day balse waxaa markii danbe lagu badalay "Mashujaa day" oo ah maalinta geesiyaasha. Kenya oo hadda xaga horuma rka safka hore oga jirto wad amada ku yaallo bariga qaarada Af rica,ayaa xornimadeedii ka qaadatay wadanka Britain 12, Dec e mber, 1963. Waxeyna si buuxdo dadka Kenyanka ah ay ula war eegeen m/mulka dalkooda sannad ka dib 12ka,December,1964.

DOWLADAHA MAREYKANKA IYO RUUSHKA OO LA FILAYO INAY DHAWAAN SAXIIXDAAN HESHIIS ISAFGARAD

Dalalka Mareykanka iyo Ruushka ayaa lagu wadaa inay kala saxiixdaan heshiis afgarad ah oo ku saabsan amniga hawada dalka Siiriya, sida uu ku warramy xafiiska gaashaandhigga Mareykanka ee Pentagonka.

Dowladaha Mareykanka iyo Ruushka ayaa isku khilaafay weerarrada uu kawado Ruushku dalka Suuriya, taasoo uu ku taageerayo xukuumadda madaxweynaha dalkaas Bashar AlAssad, taasoo uu Mareykanku si aad ah uga soo horjeestay.

"Iminka waxa harsan waa erayada lagu qorayo heshiiska iyo in warqadaha la kala saxiixdo, marka aad buu u dhow yahay heshiiska,” ayuu yiri afhayeen u hadlay Pentagonka dalka Mareykanka, Cap. Jeff Davis.

Sidoo kale, Cap. Davis ayaa carabka ku dhuftay in heshiiskan oo ku saabsan sidii si nabadgalyo ah ay labada dal uga hawlgali lahaayeen hawada Suuriya, aanu macnihiisu ahayn in labada waddan ay isku biirinayaan howlgalladooda ay ka wadaan dalka Siiriya.

Dhanka kale, wuxuu kabtanku sheegay in ujeedka keliya ee heshiiskan laga leeyahay uu yahay in laga hortago in diyaaradaha labada dal ay isku dhacaan, inta ay howlgalladooda ka wadaan hawada waddanka Suuriya.

Ugu dambeyn, labada waddan ayaa Siiriya ka fuliyey weerarro dhanka cirka ah oo ka dhan ah kooxda Daacish, inkastoo Ruushka horay loogu eedeeyey inay beegsadeen kooxaha kale ee ka dagaallama Siiriya oo qarakood uu Mare ykanka taageero.

KENYA OO SOO BANDHIGTAY SAWIRRADA SHAN QOF OO AY SHEEGEEN INAY XIRIIR LA LEEYIHIIN ALSHABAAB

Hay’adaha ammaanka dalka Kenya ayaa shaaciyay sawirrada shan ruux oo Keenyaan ah oo mid ay haweeney ay tahay, kuwaasoo ay sheegeen inay xiriir la leeyihiin Alshabaab, waxaana shantan qof ka mid ah ruux haweeney ah.

Shantan qof ayaa la rumeysan yahay inay ku sugan yihiin xero ay Alshabaab ku leedahay gudaha Soomaaliya, balse sirdoonka Kenya ayaa sheegay in shantan ruux ay qorsheynayaan inay u soo taallaabaan gudaha dalka Kenya si ay weeraro uga fuliyaan.

Wargeyska Daily Nation ee kasoo dalka Kenya ayaa baahiyay in Shamim Wanjiru Hussein oo ah ruuxa haweeneyda ah ee shantan qof ka mid ah loo tababaray inay fuliso weerarrada ismiidaaminta.

"Inkastoo aan la ogeyn xilliga ay weerarradan dhacaan, haddana ay dhici karto in Shamim ay u timaaddo qoyskeeda iyo saaxiibbadeed oo ku nool Nairobi, sidaa awgeedna waxaan shacabka weydiisanaynaa inay lasoo socodsiiyaan boo liiska in ay lasoo socodsiiyaan macluumaad walba oo ku sabsan Shamim, si aan uga hortagno weerarrada Alshabaab,” ayaa lagu yiri warbixinta hay’adaha ammaanka dalka Kenya.

Ninka ay u dhaxdo haweeneydan oo lagu magacaabo Omar Patroba Juma oo sawirkiisa la baahiyay ayaa isagana la sheegay inuu ka tirsan Alshabaab, uuna ka mid ahaa xoogaggii weeraray bishii Juune ee sannadkan xerada ciidamada Baure ee Lamu ku taalla.

Tuhmane ka mid ahaa ciyaartoy hore oo kubadda cagta ah ee dalka Kenya, Anwar Yogan Mwok oo loo yaqaanno, Jaysh Ayman oo Alshabaab ka mid noqday sannadkii 2013kii, iyadoo muddo dheer u dagaalamayay Alshabaab.

Labada tuhmane ee kale ayaa kala ah; Ramadhan Kioko iyo Omar Owiti. Iyadoo hay’adaha ammaanka Kenya ay sheegeen inay xubnahaan ka qaybqaateen weerarro ay Alshabaab ka geysatay gudaha dalka Kenya.

Ugu dambeyn, weerarkii la sheegay inay xubnahan ka qaybgaleen ee Lamu ayaa lagu dilay 18dagaalyahan oo Alshabaab ka tirsan iyo saddex askari oo ka tirsan ciidanka millateriga waddanka Kenya.

AKHRISO: WARMURTIYEED KA SOO BAXAY SHIRKII MADASHA WADATASHIGA EE MUQDISHO

Waxaa Magaalada Muqdisho ee Caasimada Soomaaliya gelinkii dambe ee Shalay lagu soo gaba gabeeyay Shirkii Madasha Wadatashiga Qaran, oo Daraad ka furmay Magaalada Muqdisho.

 


War-Murtiyeed1

 

War-Murtiyeed1-1

OGEYSIIS                      OGEYSIIS                      OGEYSIIS

 

OGEYSIIS Muhiim ah oo ay kuu heyso The Ministry of finance the federal government of somalia

Tender name: Supply and Delivery of Foodstuff to the Somali Police Force…

INVITATION FOR TENDER

IFT issue Date: 12th October, 2015

Reference: SPF/001/2015

 

Tender name: Supply and Delivery of Foodstuff to the Somali Police Force

The ministry of finance now invites sealed bids from eligible and qualified candidates for supply and delivery of Foodstuff to the Somali Police Force in Mogadishu.

 

Tender documents containing detailed specifications can be obtained from the procurement office at the Ministry of Finance between 8:30AM to 2:00PM

Candidates must prove that they qualify to participate in public procurement method in providing the

following documents or evidences:

 

1. Certificate of company registration, certificate issued by the ministry of commerce.

2. A declaration of certificate that the candidate have fulfilled the obligation to pay taxes a valid tax compliance certificate must be attached

3. An abstract of the candidates accounts for the last (2) two years 2013and 2014 accompanied by a bank statement for the last 12 months.

4. The supplier should have minimum three years of experience in the commodities industry, particularly agricultural commodities.

5. The winning supplier will be directed with few distribution allocations required by the user department (Police Force Logistics Department)

Bidding will be conducted using the National Competitive Bidding (NCB) method. Bids must remain valid for a period of ninety(90) days from the date of tender opening. The completed tenders in plain sealed envelopes clearly marked "Tender Number SPF/001/2015 for Supply and Delivery of foodstuffs” for the Somali Police Force shall be addressed to the procurement department, ministry of finance at villa Somalia, Mogadishu not later than 25thOctober 2015.

 

The bidders MUST comply with all the instructions and rules of the tender and particularly to ensure that all the forms required are properly completed.

 

Tenders will be opened immediately thereafter the deadline, in the presence of tenders’ representatives who choose to attend the bid opening meeting 26th October at 10:00AM in the ministry of finance procurement office.

Interested bidders must deliver their bids in written form to the address below (in person, or by mail) not later than 25th October 2015 at 2:00PM. Late bids will be rejected.

Please make sure you address your bids at the following address provided below:

 

Procurement Department

 

The Ministry of Finance, Villa Somalia, Mogadishu, the Federal Government of Somalia.

Email:procurement.fgs@gmail.com




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip