Xujeydii ku geeriyooday Shilkii Xajka ka dhacday oo Tiradoodu ay Caga-cageysnayso 2,177 oo Ruux

0
Tuesday October 20, 2015 - 19:37:19 in Wararka by
  • Visits: 836
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Xujeydii ku geeriyooday Shilkii Xajka ka dhacday oo Tiradoodu ay Caga-cageysnayso 2,177 oo Ruux

    Is-buur-buurashadii ka dhacday Xajka bishii lasoo dhaafay ayaa tirada xujeydii ku dhintay ay sare u kacday, iyadoo haatan ay tirada xujeyda la sheegay inay gaartay 2,177-xaaji, sida ay baahisay wakaaladda wararka AP. Tirada dhimasho ee ay baahisay

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Is-buur-buurashadii ka dhacday Xajka bishii lasoo dhaafay ayaa tirada xujeydii ku dhintay ay sare u kacday, iyadoo haatan ay tirada xujeyda la sheegay inay gaartay 2,177-xaaji, sida ay baahisay wakaaladda wararka AP. Tirada dhimasho ee ay baahisay AP ayaanay sheegin mas'uuliyiinta Saudi Arabia, iyagoo horay u sheegay in tirada dhimashadu ay tahay 769-qof, halka ay ku dhaawacmeen xujey gaaraysa 934-qof.
Wasiirka arrimaha gudaha ee Saudi Arabia, Amiir Mohammed bin Naif bin Abdul Aziz oo ah mas’uulka u qaabilsan xajka boqortooyada SaudiArabia ayaa Axaddii kala hadlayay mas’uuliyiinta xajka ee Sucuudiga tiradii dhimashada ee ka dhalatay is-buurashadii xajka, inkastoo aan la shaacin warka arrintan la xiriirta.

"Baaritaanku weli waa socdaan, waxaana mas’uuliyiinta dalka Sucuudigu ay weli dadaal ugu jiraan sidii loo ogaan lahaa sababtii keentay shilkan ay geeriyoodeen xujeyda faraha badan,” ayuu yiri lagu warbixin ay daabacday wakaalada wararka Sucuudiga ee SPA.

Intii aanu xajkii sannadkan billaaban waxaa wiish kusoo dumay masaajidka barakeysan ee Maka Al-mukarama ku geeriyooday 111-xaaji oo ka mid ahaa xujeydii u yimid Makai nay gutaan waajibka islaamiga ah ee Xajka.

Horay ayay boqortooyada Saudi Arabia isaga fogeysay eedeyn kaga timid dalka Iiraan taas oo ahayd inay iyadu mas’uul ka tahay dhimashada xujeydii dhawaan ku geeriyooday xajka. Iyadoo xukuumadda Tehran ay sheegtay inay boqolaal qof kaga geeriyoodeen shilkaan.

"Waddamada reer galbeedka ah iyo Munaafiqiintu waxay caado ka dhigteen inay buun-buuniyaan geerida muslimiinta, wararkooduna waa been aan sal iyo raad toona lahayn,” ayuu Isniintii lasoo dhaafay yiri hoggaamiyaha ruuxiga ah ee dalka Iiraan, Ayatollah Ali Khamenei.

Iiraan iyo Sucuudiga ayaa waxaa ka dhexeeya xifaaltan salka ku haya dagaallada ka socda dalalka Carabta qaarkood, kuwaasoo ay ka mid yihiin Siiriya iyo Yemen. Iyadoo labada waddan oo Sunni iyo Shiico kala ah ay isku eedeeyaan inay kala taageeraan dhinacyada ku hardamaya dalalkaas.

Tirada dhismashada xujeyda ee ay soo bandhigtay AP ayay sheegtay inay kasoo xigatay warbaahinta gobolka iyo saraakiil ka tirsan 30 waddan oo ka mid ah 180-ka waddan ee ay dadkoodu xajinayeen sannadkan.

Xukuumadda Tehran ayaa sheegtay inay ka dhinteen 465 xujey ah. dowladda Maali ayaa iyaduna sheegtay inay ka dhinteen 254-xaaji. Halka Nigeria ay sheegtay inay kadhinteen 199-xaaji, Cameroon ayaa sheegtay inay ka dhinteen 76-xaaji, dalka Niger ayaa waxaa ka dhintay 72-xaaji, Senegal ayaa waxaa ka dhintay 61-xaaji iyo dowladaha Ivory Coast iyo Benin oo sheegay inay ka dhinteen 52-xaaji.

Waddamada kale ee sheegay tirada kaga geeriyooday shilkii xajka ayaa waxay kala yihiin; Marsar 182-xaaji, Bangladesh 137-xaaji, Indonesia 126-xaaji, India 116-xaaji, Bakistaan 102-xaaji, Ethiopia 47-xaaji, Chad 43-xaaji, Morocco 36-xaaji, Algeria 33-xaaji, Sudan 30-xaaji, Burkina Faso 22-xaaji, Tanzania 20-xaaji, Somalia 10-xaaji, Kenya siddeed xaaji, Ghana iyo Turkey min toddoba xaaji, Myanmar iyo Libya min lix xaaji, China afar xaaji, Afghanistan laba xaaji iyo Jordan iyo Malaysia min hal xaaji.

Ugu dambeyn, Sannadkii ugu khasaaraha badnaa shilalka ka dhaca Xajka ayaa ahaa 1990-kii, markaasoo ay ku dhinteen shil ka dhacay Xajka in ka badan 1,426-xaaji.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip