Madaxweyne Xasan Sheekh oo qaabilay Wasiir ka socday Dowladda Ingiriiska

0
Wednesday November 30, 2022 - 17:18:47 in Wararka by
  • Visits: 245
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Madaxweyne Xasan Sheekh oo qaabilay Wasiir ka socday Dowladda Ingiriiska

    ..

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

..

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliya, Xasan Sheekh Maxamuud oo Madaxtooyada dalka kulan kula qaatay Wasiirka Horumarinta iyo Arrimaha Afrika ee Dowladda Ingiriiska, Andrew Mitchell ayaa kala hadlay xoojinta xiriirka labada dal iyo taageerada muhiimka ah ee Dowladda Ingiriisku ay siiso Somaliya.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo Wasiirka la wadaagay guulaha dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed ay ka xaqiijiyeen dib u xoreynta dalka, horumarinta dhaqaalaha iyo dowlad dhiska ayaa xusay dadaalka xoogan ee dowladdu ay ku bixinayso xaqiijinta Somaliya oo xor ah, ammaan ah, isku filan, isla-markaana ka faa’iideysata fursadaha horumarineed ee caalamaiga ah.

Dhankiisa, Wasiirka Horumarinta iyo Arrimaha Afrika ee Ingiriiska oo bogaadiyay guulaha Dowladda Soomaaliyeed ay ka gaartay dagaalka argagixisada iyo barnaamijka dayn-cafinta ayaa sheegay in Dowladda UK ay door weyn ka qaadan doonto gurmadka abaaraha iyo fududeynta in Somaliya ay hesho mashaariicaha horumarineed iyo kuwa lagula tacaalayo saamaynta is bedelka cimilada, isaga oo muujiyay sida ay uga go’antahay adkeynta taageerada saaxiibtinimo iyo xoojinta xiriirka soo jireenka ah ee ka dhaxeeya labada dowladood.







Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip