Sirdoonka Britain oo sheegay inay suuragal tahay Daacish ninkii u qaabilsanaa Qoor goynta Somaliya in uu soo aado

0
Sunday October 18, 2015 - 12:42:38 in Wararka by
  • Visits: 699
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Sirdoonka Britain oo sheegay inay suuragal tahay Daacish ninkii u qaabilsanaa Qoor goynta Somaliya in uu soo aado

    Sida uu qoray Wargeyska The Mirror ee ka soo baxay dalka Britain, waxaa macquul ah in Qoor gooyaha u dhashay dalka Britain ee ka midka ah Daacish in uu u soo safro Somaliya. Mohamed Emawazi, waa muwaadin u dhashay dalka Britain, waxa uu horay qoor

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Sida uu qoray Wargeyska The Mirror ee ka soo baxay dalka Britain, waxaa macquul ah in Qoor gooyaha u dhashay dalka Britain ee ka midka ah Daacish in uu u soo safro Somaliya. Mohamed Emawazi, waa muwaadin u dhashay dalka Britain, waxa uu horay qoorta uga jaray labo nin oo u dhashay dalka Britain, wuxuu caan ku yahay Magaca Jihadiste John. Sirdoonka dalka Britain ee loo yaqaan British SAS Special Forces, ayaa sheegaya xilligan inay macquul tahay John in uu u safro dhanka Somaliya si uu halkaasi ugu noolaado, maadaama ciidamada dalka Britain ninkaan ay si aad ah u doon doonayaan.

Saraakiil codsaday inaan la magacaabin waxay sheegeen inuu Jihadi John xiriir la sameeyey Kooxaha kale ee Jihaadistayaasha ee ku sugan dalka Syria, kuwaasi oo mucaarad ku ah Kooxda Daacish, ayna u sheegeen in uu xiriir la sameeyo Shabaabka Somaliya si uu halkaasi u tago.

"Jihadi John waxa uu u muuqdaa nin quus taagan oo garanayo inay maalmihiisa kooban yihiin, wuxuuna samaynayaa qaab kasta oo ku badbaadin karo Noloshiisa” Ayey Ilo-wareedka u sheegeen Wargeyska The Sunday People.

WargeyskaThe Mirrorayaa sheegay inaysan wax lala yaabo ahayn in la ogaado inuu Qoor-gooyaha Daacish, Jihadiste John sameeyay dadaallo uu dhowr sanno ugu jiray in uu ugu safro Soomaaliya, taasi oo soo jiidatay Dareenka Maamulayaasha Britain.

Bishii la soo dhaafay ee September 27-dii, Ra’isul-Wasaaraha Britain, David Cameron waxa uu sheegay inuu ku-dhawaad 70 Askari oo ka tirsan Ciiddanka Khaaska ee Britain u soo diri doono Somalia si ay u taageeraan Ciiddamadda Dowladda Soomaaliya iyo Howlgalka Amisom.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip