R/wasaaraha oo ka qeybgalaya shir looga hadlaayo arrimaha Soomaaliya

0
Sunday October 18, 2015 - 12:38:20 in Wararka by
  • Visits: 735
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    R/wasaaraha oo ka qeybgalaya shir looga hadlaayo arrimaha Soomaaliya

    Ra'iisal wasaaraha Soomaaliya iyo wafdi uu hoggaaminaayo ayaa la filayaa in ay ka qeybgalaan shirweyne ka dhacaya xarunta midowga Yurub ee magaalada Brussels ee dalka Belguimka.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ra'iisal wasaaraha Soomaaliya iyo wafdi uu hoggaaminaayo ayaa la filayaa in ay ka qeybgalaan shirweyne ka dhacaya xarunta midowga Yurub ee magaalada Brussels ee dalka Belguimka.
Shirkan ayaa waxaa si wadajir ah u soo qaban qaabiyay midowga Yurub iyo hey’adda qaxootiga Qaramada Midoobay ee UNHCR.

Afhayeen u hadlay hey’adda UNHCR ayaa sheegay in shirka si gaar ah loogu eegi doono ballan qaadyadii midowga Yurub ay horrey ugu ballan qaadeen Soomaaliya iyo siddii loo caawin lahaa qaxootiga Soomaalida ee doonaya in ay dib dalka ugu soo laabtaan.

Shirkan waxaa kaloo ka qeybgali doonta wasiirka arrimaha dibadda Kenya haweeneyda lagu magacaabo Aamina Maxamed, waxaa kaloo ka qeybgali doona mas’uuliyiin ka socda waddamada Jabuutyi, Itoobiya, Kenya, Uganda iyo Yemen.

UNHCR ayaa horrey u sheegtay in ay sii yaranayaan lacagihii horrey u bixiyeen waddamada Midowga Yurub kuwaasoo loogu talagalay in lagu caawiyo qaxootiga Soomaalida.

In kabadan labo milyan oo Soomaali ayaa ah dadka barakacayaal ah waxaana ku jirra 1.1 milyan oo dalka gudihiisa ku barakacay, halka 967,000 oo qof ay qaxooti ku yihiin waddamada gobalka, waxaana ka mid ah 420,000 oo ku nool xeryaha dhadhaab ee gobalka waqooyi berri dalka Kenya.

Qiyaastii 250,00 oo Soomaali qaxooti ah ayaa ku nool waddanka Itoobiya halka ku dhawaad 200,000 oo qof ay qaxooti ku yihiin waddanka Yemen.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip