Turkiga oo soo riday mid ka mid ah diyaaradaha wax basaasa (SAWIRRO)

0
Saturday October 17, 2015 - 07:33:20 in Wararka by
  • Visits: 814
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Turkiga oo soo riday mid ka mid ah diyaaradaha wax basaasa (SAWIRRO)

    Turkeyayaa sheegtay inay soo ridday diyaarad aan la garaneyn cidda leh oo ku soo xadgudubtay hawada dalkaas ee dhinaca xuduudda Syria. Hadal qoraal ah oo kasoo baxay milatariga Turkiga, ayaa lagu sheegay in diyaaradda ay iska indha tirtay saddex d

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Turkeyayaa sheegtay inay soo ridday diyaarad aan la garaneyn cidda leh oo ku soo xadgudubtay hawada dalkaas ee dhinaca xuduudda Syria. Hadal qoraal ah oo kasoo baxay milatariga Turkiga, ayaa lagu sheegay in diyaaradda ay iska indha tirtay saddex digniin oo la siiyey, kahor inta aysan milatariga Turkiga soo ridin diyaaraddaas maanta oo Jimce ah. Taleefishinka Turkiga ee NTV ayaa sheegay in diyaaraddu ay ahayd midda la hago ee aancidna wadin, laguna soo riday hawada Turkiga, meel saddex KM u jirta xuduudda Syria.

Sarkala aan la magacaabin oo Mareykan ah ayaa wakaaladda wararka ee Reuters u sheegay inay rumeysan yihiin in diyaaradda uu lahaa Ruushka, hase yeeshee wasaaradda gaashaandhigga Ruushka waxa ay sheegtay in dhammaan diyaaradaheeda howlgallada ka wada Syria ay si nabad galyo leh ugu soo laabteen saldhigyadooda.

Turkey ayaa horey usoo ridday diyaarad laga lee yahay Syria oo kusoo xadgudubtay hawadeeda, ayada oo sidoo kalena ka ashtakootay laba xadgudub oo diyaaradaha Ruushka ay ku sameeyeen hawadeeda.

IncirlikIncirlik1Incirlik2Incirlik3Incirlik4Incirlik5Incirlik6

VOA.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip