Dhallinyarada Muqdisho oo yeeshay kulan ku saabsan kahor tegidda dhibaatooyin u gaar ah

0
Wednesday August 26, 2015 - 11:31:35 in Wararka by
  • Visits: 910
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dhallinyarada Muqdisho oo yeeshay kulan ku saabsan kahor tegidda dhibaatooyin u gaar ah

    Magaalada Muqdisho waxaa ka dhacay kulan ay yeesheen dhallinyarada ka socotay 17-ka degmo ee gobolka Banaadir, kuwaasi oo dood ka yeeshay qaabka ugu wanaagsan ee ay ugu midoobi karaan sidii ay uga hortegi lahaayeen dhibaatooyin u gaar ah.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Magaalada Muqdisho waxaa ka dhacay kulan ay yeesheen dhallinyarada ka socotay 17-ka degmo ee gobolka Banaadir, kuwaasi oo dood ka yeeshay qaabka ugu wanaagsan ee ay ugu midoobi karaan sidii ay uga hortegi lahaayeen dhibaatooyin u gaar ah.

Kulanka oo ay iska kaashadeen Hay’adda Wadahadalka Bulshada CCD iyo Telefishanka Qaranka ayaa waxaa ka qeyb galay Guddoomiyaha dhallinyarada gobolka Banaadir C/Fataax Maxamuud Makaraan, C/Kariin Caddow Macow, Sakariye Hadaafow Maxamuud iyo Mustaf Maxamuud Axmed oo ka socday 17-ka degmo ee uu ka kooban yahay gobolka Banaadir.
Makaraan
Dooda ayaa ka qeyb galayaasha waxay fikrado kala duwan ku soo bandhigeen su’aalo la hor dhigay, iyagoona uga jawaabay aragtiyahooda kala duwan iyo sidii ay isaga kaashan lahaayeen kahortegidda dhallinyarada la marin habaabinaayo ee ururka Al-Shabaab ka barbar dagaalameysa.


Abdikarin

Guddoomiyaha dhallinyarada Gobolka Banaadir C/Fataax Maxamuud Makaraan ayaa sheegay in fikradihii horay loogu marin habaabin jiray dhallinyarada laga yimid, isla markaana maanta la taagan yahay xilligii gacmaha la is qabsan lahaa.

Mustaf

"Fikradda lagu marin habaabinaayo dhallinyaradeena waxay ka timid dad ajaanib ah oo aan wax dan ah ka lahayn hooyada iyo muwaadinka Soomaaliyeed ee ku geeriyoonaya qaraxyada, kuwaasi oo fiirsanaya dano iyaga u gaar ah” ayuu yiri Guddoomiyaha dhallinyarada gobolka Banaadir.

Sakariye

Guddoomiye Makaraan ayaa sheegay inay wadaan howlo lagu wacyi gelinayo dhallinyarada isla markaana looga hortegayo in kooxda Al-Shabaab ay marin habaabiyaan, isagoona sheegay inay si weyn uga xun yihiin isla markaana tacsi u diray dhammaanba shacabkii waxyeelada ka soo gaartay qaraxyada qar iska tuurka ah ee kooxda Al-Shabaab ka geysaneyso Muqdisho.

Yaxye

Mustaf Maxamuud Axmed ayaa isna hoosta ka xariiqay in cid kasta oo quseysa howshaan looga baahan yahay inay ka hortagto dhallinyarada loo adeegsanayo falalka xunxun, wuxuuna sheegay in maanta dhallinyarada 90% ay yihiin kuwo ku dadaalaya waxbarashada, balse ay jiraan tiro yar oo maskaxda laga xadayo si ay xaabo ugu noqdaan colaadaha kooxda Al-Shabaab ay ka waddo dalka.

C/Kariin Caddow Macow ayaa isagu soo jeediyay talooyin dhowr ah oo muhiim ah u horumarka dhallinyarada, isagoona sheegay in dhallinyarada la baro wadaniyadda waxa ay tahay, la baro gurigooda inuu uga qiimo badan yahay dalkooda inay iyagu leeyihiin, isagoona sheegay in wiilka dhallinyarada ah ay ka dhaadhacsan tahay sidii uu ku horumarin lahaa waxa isaga u gaarka ah.

Doodaan oo ahayd mid xiiso badan ayaa dhammaanba xubnihii ka qeyb qaadanayay waxay isku aragti ka noqdaan sidii loo wajihi lahaa difaac xoog leh in loo sameeyo dhallinyarada u nugul in loo adeegsado falalka qaraxyada, dilalka qorsheysan iyo weerarada ka dhacaya Muqdisho iyo gobolada dalka intiisa kale.






Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip