Warshad ku taala Addis Ababa oo diyaarineysa gaadiidka dagaalka noocii ugu dambeeyay kuna soo wajahan Soomaaliya + Video

0
Tuesday August 25, 2015 - 14:13:06 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 949
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Warshad ku taala Addis Ababa oo diyaarineysa gaadiidka dagaalka noocii ugu dambeeyay kuna soo wajahan Soomaaliya + Video

    Gaadiidka dagaalka noocyadiisa kala duwan isla markaana casri ah oo aan weli horay soo gaarin dalalka Geeska Afrika ayaa lagu diyaarinayaa magaalada Addis Ababa ee wadanka Itoobiya,

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Gaadiidka dagaalka noocyadiisa kala duwan isla markaana casri ah oo aan weli horay soo gaarin dalalka Geeska Afrika ayaa lagu diyaarinayaa magaalada Addis Ababa ee wadanka Itoobiya,

Warshad ku taala Addis Ababa oo diyaarineysa gaadiidka dagaalka noocii ugu dambeeyay kuna soo wajahan Soomaaliya + Video

Gaadiidka dagaalka noocyadiisa kala duwan isla markaana casri ah oo aan weli horay soo gaarin dalalka Geeska Afrika ayaa lagu diyaarinayaa magaalada Addis Ababa ee wadanka Itoobiya, iyadoo gaadiidkaasi ay ku jiraan noocyada xambaara gawaarida gaashaaman iyo madaafiicda culus.

Dowladda Itoobiya oo afartii sano ee ugu dambeysay horumar weyn ka sameysay tiknolojiyada caalamka ayaa iminka lagu rakibayaa gaadiid dagaal kii ugu tirada badnaa oo ku soo wajahan dalka Soomaaliya, iyadoo gawaaridaasi ay isticmaalayaan dhammaanba ciidamada Midowga Afrika ee AMISOM oo nabad ilaalinta u joogaSoomaaliya.

siraj-fegessa

Wasiirka Gaashaandhigga Dowladda Itoobiya Sitaj Fegessa oo u waramayay Telefishanka CCTV ee dalka Shiinaha laga leeyahay ayaa sheegay in gaadiidka dagaalka ay u diyaarinayaan ciidamada Midowga Afrika ee Soomaaliya ka howlgelaya, isagoona tilmaamay inuu isugu jiro noocyo kala duwan.

Warshadda rakibeysa gawaarida oo ku taala magaalada Addis Ababa ayaa sida aad ka arkeyso muuqaalka waxaa ku howlan farsamayaqaano Itoobiyaan ah diyaarinta qalabka milateriga, iyadoo gaadiidka ay ka mid yihiin kuwa gargaarka degdegga ah oo aanay karin rasaasta.

Sidoo kale gaadiidka milateri ee magaalada Addis Ababa lagu rakibayo waxaa ka mid ah gawaarida Taangiyada ah noocii ugu dambeeyay oo casri ah isla markaana xawaarihiisu aadka u dheera awoodna u leh inuu si fudud uga tallaabsado miinooyinka iyo walxaha qarxa nooc kasta oo ay yihiin.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip