
Droneska Maraykanka ee lagu weerari jirey Alshabaab oo loo weeciyey Boko Haram
Dhinaca kale, Maraykanka waxa uu Kharaj ku bixiyey in Dhismooyin cusub laga hirgeliyo Saldhigii Droneska Maraykanka ku lahaayeen DegmaddaArba Minch oo 450 KM dhanka Koonfurta kaga toosan caasimadda dalka Ethiopia ee Addis Abeba.
Wargeyska Asharqal Awsad ayaa qoray inay Maraykanka dhowr bilood ka hor bixiyeen 7 million oo Dollar, si ay Shirkad Ethiopian ah uga hirgeliso Saldhigga Droneska ee Arba Minch Dhismo iyo Xafiisyo ay adeegsan karaan 130 qof.
Saldhiggaasi ayaa horey loogu adeegsan jirey duqeymaha lala eegto Alshabaabka Somalia iyo Alqaacidada Gacanka Carbeed (AQAB) ee dalka Yemen.
Si kastaba ha ahaatee, Milliteriga Maraykanka ayaa qirsan inay sii kordhayso Baahida Hawlgalladda Droneska ee duqeymaha ka geysta dalalka Iraq, Syria iyo Yeman, waxaana arrintaasi laga dheehan karaa Droneska hadba dalal kale loogu daabulayo.


0 


Droneska Maraykanka ee lagu weerari jirey Alshabaab oo loo weeciyey Boko Haram
Milliteriga Maraykanka waxay dhawaan xireen Saldhig ay ku lahaayeen Koonfurta Ethiopia, oo ay u adeegsan jireen Hawlgalladda ka dhanka ah Xarakadda Alshabaab. Warar haatan soo baxay ayaa sheegayo in Ciiddankii iyo Droneskii Maraykanka laga daad-gu