Mareykanka oo joojiyay saldhigii uu u adeegsan jiray diyaaradaha Drones ee ku yaalay Itoobiya

0
Sunday January 03, 2016 - 10:25:38 in Wararka by
  • Visits: 829
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Mareykanka oo joojiyay saldhigii uu u adeegsan jiray diyaaradaha Drones ee ku yaalay Itoobiya

    Milateriga Mareykanka ayaa gebi ahaanba joojiyay saldhigii ay ka duuli jireen diyaaradaha aanay cidna wadin ee Drones ee ku yaallay Koofurta Itoobiya. Saldhigan oo ku yaal magaalada la yiraahdo Arab Minch ayaa waxaa uu Mareykanka u adeegsanayay howl

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Milateriga Mareykanka ayaa gebi ahaanba joojiyay saldhigii ay ka duuli jireen diyaaradaha aanay cidna wadin ee Drones ee ku yaallay Koofurta Itoobiya. Saldhigan oo ku yaal magaalada la yiraahdo Arab Minch ayaa waxaa uu Mareykanka u adeegsanayay howl galada ka dhanka ah Al-Shabaab iyo Al-Qaacida ee bariga Afrika.

Afhayeen u hadlay Safaaradda Mareykanka ee Itoobiya oo lagu magacaabo David Kennedy ayaa sheegay in labada dal ay isku raaceen in joogitaanka Mareykanka ee saldhigaas aan xilligan loo baahneyn, sidaas darteed uu ka guuray.

Saldhigan ayaa Mareykanka istcimaalayay tan iyo sanadkii 2011, waxaana sanadkii 2012 lagu sameyay dib u habeyn, iyadoo haatan lagu wareejiyay Ciidamada Itoobiya.

Mareykanka ayaa saldhig milateri oo weyn ku leh dalka Jabuuti oo deris la ah Soomaaliya, halkaasoo inta badan la sheego in diyaaradaha Drones ay ka soo duulaan.

Hadalkan ka soo yeeray dowladda Mareykanka ee ku aadan saldhigii ay adeegsan jireen Diyaaradaha Drones ee ku yaall Itoobiya ayaa ku soo beegmaya, iyadoo ay soo baxayaan warar sheegaya in Mareykanka uu haatan saldhig qarsoodi ku leeyahay Soomaaliya, kaasoo ay ka duulaan diyaaradaha Drones.





Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip