Koonfur Galbeed oo Sharci daro ku tilmaamtay Maamulka Bakool Sare

0
Saturday December 26, 2015 - 12:27:44 in Wararka by
  • Visits: 813
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Koonfur Galbeed oo Sharci daro ku tilmaamtay Maamulka Bakool Sare

    Maamulka Koonfur Galbeed, ayaa sharcidaro ku tilmaamay Maamulka Bakool Sare ee shalay looga dhawaaqay Magaalada Ceelbarde ee Gobolka Bakool, ka dib markii halkaasi lagu doortay Madaxweyne iyo ku xigeenkiisa oo Maamulkaasi uu yeelanaayo.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Maamulka Koonfur Galbeed, ayaa sharcidaro ku tilmaamay Maamulka Bakool Sare ee shalay looga dhawaaqay Magaalada Ceelbarde ee Gobolka Bakool, ka dib markii halkaasi lagu doortay Madaxweyne iyo ku xigeenkiisa oo Maamulkaasi uu yeelanaayo. Wasiirka Warfaafinta Maamulka Koonfur Galbeed Xasan Cabdi Maxamed ayaa sheegay in Degmada Ceelbarde ay tahay Degmo ka mid ah kuwa Koonfur Galbeed, maamul hoostagga Koonfur Galbeedna uu halkaasi ka jiro.

Waxa uu sheegay Maamulka la sheegay in halkaasi looga dhawaaqay inuu yahay mid sharcidaro ah, suuragalna aysan aheyn Maamul in halkaasi looga dhawaaqo.

"Degmada Ceelbarde waxaa ay ka mid tahay Maamulka Koofur Galbeed Soomaaliya Maamul ayaa Koofur Galbeed ugu Magacaaban halkaasi oo Guddoomiye ayey leedahay,Macquulna ma ahan in Mamaul Sharci daro lagu dhisay halkaa laga hirgaliyo”ayuu yiri Xasan Cabdi Maxamed.

Xasan Cabdi Maxamed, Wasiirka Warfaafinta Maamulka Koonfur Galbeed ayaa sheegay Dastuur ahaan iyo Caqli ahaan intaba aysan suuragal ka dhigi karin Maamulkaasi, isaga oo sheegay haddii qabiil waliba oo Degmo degan maamul uu sheegto taasi aysan suuragal aheyn.

Maamulka Bakool Sare ee looga dhawaaqay Magaalada Ceelbarde ee Gobolka Bakool, ayaa muddooyinkii dambe waxaa socotay qaban qaabada dhismaha Maamulkaasi.

Xildhibaanada Dowladda ku jira ee wax ka dhisay Maamulkaasi ayaa sheegaya in Dowladda Somaliya ay ka war hayso dhismaha Maamulkaasi.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip