Koonfur Galbeed oo Sharci daro ku tilmaamtay Maamulka Bakool Sare
Maamulka Koonfur Galbeed, ayaa sharcidaro ku tilmaamay Maamulka Bakool Sare ee shalay looga dhawaaqay Magaalada Ceelbarde ee Gobolka Bakool, ka dib markii halkaasi lagu doortay Madaxweyne iyo ku xigeenkiisa oo Maamulkaasi uu yeelanaayo.