Tirada Muhaajiriinta ee sanadkan gaartay Yurub oo lagu qiyaasay Hal Milyan oo ruux

0
Tuesday December 22, 2015 - 14:09:30 in Wararka by
  • Visits: 605
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Tirada Muhaajiriinta ee sanadkan gaartay Yurub oo lagu qiyaasay Hal Milyan oo ruux

    Tirada dadka muhaajiriinta ama Tahriibayaasha ee sanadkan sii dhamaanaya 2015 gaaray dalalka Yurub ayaa gaaraya illaa hal Milyan oo ruux. Sida ay sheegtay Ururka Caalamiga ee Socdaalka IOM tirada sanadkii hore ee muhaajiriinta gashay Yurub ayaa la

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Tirada dadka muhaajiriinta ama Tahriibayaasha ee sanadkan sii dhamaanaya 2015 gaaray dalalka Yurub ayaa gaaraya illaa hal Milyan oo ruux. Sida ay sheegtay Ururka Caalamiga ee Socdaalka IOM tirada sanadkii hore ee muhaajiriinta gashay Yurub ayaa laba jibaarantay.

Dadka ugu badan ayaa dhinaca Badda maray, iyagoo saaran doomo macmal ah iyo kuwo la buufiyo, waxaana lagu qiyaasay illaa 800,000, kuwaasoo ka yimid Turkiga, kuna sii jeeday Greece.

IOM ayaa sheegtay in tirada ugu badan ee qaxootiga ku qul qulaya Yurub ay ka imaanayaan dalalka Suuriya, Ciraaq iyo Afghanistan.

Sidoo kale IOM ayaa sheegtay in sanadkan 3,695 oo muhaajiriin ah lagu la’yahay badda, markii doonidii ay la socdeen degtay.

qaxooti

Lix wadan oo ka tirsan Midowga Yurub ayay dadkaas sanadkan gaareen, sida dalalka Greece, Bulgaria, Italy, Spain, Malta iyo Cyprus.

Tirada guud ee dhulka iyo badda martay sanadkan ee gaaray wadamada Yurub ayaa lagu qiyaasay 1,005,504.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip