Maxkamadda Sare Kenya oo Aadan Barre Ducaale u xalaaleysay Kursigiisa (SAWIRRO)

0
Tuesday February 27, 2018 - 13:26:45 in Wararka by
  • Visits: 376
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Maxkamadda Sare Kenya oo Aadan Barre Ducaale u xalaaleysay Kursigiisa (SAWIRRO)

    Maxkamadda sare ee dalka Kenya ayaa ugu dambeyn go'aan ka soo saartay kursigii Gaarisa ee ay ku muransanaayeen Aadan Barre Ducaale iyo Faarax Macallin. Maxkamadda oo saaka u fariisatay go'aan ka gaarista Kursiga ayaa kursigaas u xalaaley

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Maxkamadda sare ee dalka Kenya ayaa ugu dambeyn go'aan ka soo saartay kursigii Gaarisa ee ay ku muransanaayeen Aadan Barre Ducaale iyo Faarax Macallin. Maxkamadda oo saaka u fariisatay go'aan ka gaarista Kursiga ayaa kursigaas u xalaaleysay Aadan Barre Ducaale iyada oo eedihii Faarax Macallin loo waayay caddeymo ku filan.

Laanta Maxkamadda sare ee Kenya u qaabilsanMilimani,ayaa go’aankan ku dhawaaqday daqiiqado ka hor,waxaana Aadan oo ku faraxsan go’aanka Maxkamadda uu yiri.

"Waxaan u hambalyeynayaa Garsoorayaasha i difaacayay,waxaana sidoo kale u mahad celinayaa dadka Gaarisa oo doortay qofkii ay rabeen,waxaan qirayaa in eedihii la igu soo oogay ay ahaayeen kuwo aan caddeyn heysan.” Ayuu yiri Aadan Barre Ducaale

Aadan waxa uu u mahad celiyay hoggaamiyaha Kooxda qareennada ee difaaceysay C/naasir Cabdullahi iyo saaxiibada kale ee ka caawiyay in uu kursigiisa u xalaaloobay.

Doorashadii dhacday 8 August 2017-kii ayuu ku guuleystay Aadan Barre oo hadda ah hoggaamiyaha aqlabiyadda Baarlamaanka dalka Kenya,waxaana kursigan kula tartamayay Faarax Macallin oo horay u soo noqday Guddoomiye ku xigeenka Baarlamaanka Kenya.



 


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip