'SHALAY IYO MAANTA' Xusuusta Soomaaliya iyo caalamka

0
Saturday November 07, 2015 - 11:26:07 in Maqaallo by
  • Visits: 2422
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    'SHALAY IYO MAANTA' Xusuusta Soomaaliya iyo caalamka

    Prof. Yaxye Sheekh Caamir oo ka mid ah aqoonyahanada Soomaaliyeed isla markaana jaamacadaha caalamka wax ka dhiga, ayaa qormo xiiso leh waxa uu soo dhigay bartiisa xiriirka bulshada, wuxuuna si gaar ah uga hadlay xaaladda maanta Soomaaliya ka jirta.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Prof. Yaxye Sheekh Caamir oo ka mid ah aqoonyahanada Soomaaliyeed isla markaana jaamacadaha caalamka wax ka dhiga, ayaa qormo xiiso leh waxa uu soo dhigay bartiisa xiriirka bulshada, wuxuuna si gaar ah uga hadlay xaaladda maanta Soomaaliya ka jirta.


Qoraalkiisana wuxuu ku bilaabay sidaan:

SOMALIYA. Inta fiiri dabeeyshii Al-Nino,inta fiiri daadad iyo fatahaad,inta fiiri abaar,inta fiiri qax,inta fiiri musuq maasuq,inta fiiri IGAD iyo AMISOM,inta fiiri gobalo kala go’aayo, inta fiiri shiid, inta fiiri xildhibaan iyo mooshin mataanaa,inta fiiri ururo diimeedyo isdiidan, inta fiiri beenta beesha caalamka, inta fiiri burcad badeed, inta fiiri sicir barar, inta fiiri carab iyo cimaamad, inta fiiri qooysas dumaya, inta fiiri dhaqan dhumay.



prof. yaxye

Intii aanan bilaabin Maqaalkii aan qor islahaa, korontadii ayaa naga go,day qolkiina waa mugdi, feeynuustuna gaas malaha. Indhaha ayaan isku qabtay waxaan soo xasuustay:

"Qadarka ALLAAH, Runtii Nabi Muxamad (CSW), Faraatigii Nabi Suleymaan, Hashii Nabi Saalax, Ushii Nabi Muuse, Doontii Nabi Nuux, Hareedkii Hooshii Miin, Bidaartii Lenin, Dulqaadkii Cali Mahdi, Shaaribkii Hitler, Taliskii Siyaad Bare, Sankii Jamaal Cabdi Naasir, Mijihii Gaandi, Hodonnimadii Roog Fileer, , Burushkii Jooma Keenyaata, Gacmihii Xeyle Salaase, Firimbigii Carfaaye, Dal balaarsigii Dulqarneyn, Gacan ku dhiiglenimadii Qaabiil, Kursigii Joorje Waashinton, Maseyrkii Abooto Xaawo (RC), Seeftii Khaalid Bin Waliid, Warankii Cantara bin Shidaad, Qandigii Abuu Hureyra, Jaakaddii Bukaasa, Jalmadii Calaa’udiin, Dharerkii Cabdow Diyaa’uuf, Daacadnimadii jen.Daa;uud, Gartii Ina San Weyne, Geesinnimadii Salaad gabeyre, Heeskii Saada Cali, Wadaninimadii Cusmaan Geedi Raage, Xikmadii Faarax Gololey, Muxaadaradii Dr.Abyan, Qabiidnimadii Musaliini, Cadaaladdii Sayid Cumar RC, Go’aan Qaadashadii Muxidiin Badar, Ayeeydii Obama, Gartii Gabre loo dhigtay, Gabayadii Faarax Seefey, Nabad jacaylkii Ugaas Khaliif,Erey bixintii Jen.Galaal, Dal jacaylkii Avv. Ismaaciil Jimcaale, Samirkii Nabi Ayuub, Shiishkii Aweys Geedow, Maah maahdii Xasan Geedi Abtow, Xirsigii Sheekh Maxamad Faarax, Garwaatigii C/raxmaan Jaamac Barre, Tol jacaylkii Alekis Heley, Tol habaabintii Geeda Qoroow, Akhyaarnimadii taliye Sheekh Yarow, Cirradii Aadan Cadde, Qadaadkii Iidi Amiin, , Xabsigii Nelson Mandella, Diin Fidintii Sheekh Ibraahim Yare, Karaamadii Sheekh Cali Maye, wardigii Sh. Loobage, Maaweeladii Aw Koombe, Jacaylkii Qeeys, Baftadii Macallin Nuur, Xuudkii Nabi Yoonis, Ducadii Nabi Zakariye, Madab jacaylkii Kuwaama Nakruuma, lixdii tiir ee Md. Xassan sheikh,Safaradii Cumar Carte, Lugtii Zoope, Giitaarkii Jim Henderekis, Feerkii Maxamad Cali Kalaay, Quruxdii Nabi Yuusuf, Indha gashigii Mooshe Dayaan, Gorgoradii Golden Mayer, Falsafadii Aristotal, Magaaladii Aflaadhoon, Sheekadii Anis Mansuur, Dameerkii Towfiiqal Xakiim, Godkii Jilacow, Buugtii Cabaas Caqaad, Qisooyinkii Agaasa Kiristi, Kacdoonkii Xuseen Bood, Wacdigii Sh. Axmad Gabyow, Geeraarkii Rooble Boon, Qoortii Xuseen Kulmiye, Salabkii Morgan, Dagaaladii Jen.Ceydiid,dowladii Cabdullahi yusuf, Heshiisiintii Sahnuuni, Go’aan beeleedkii C/laahi Fiidoow, Fanaxdii Cali Geedi, Martidii Nabi Luud, Kalsoonidii Cabdi Kaahiye, Hanti wadaagii Maarkis, Kuubadii Kaastaro, Ra’yigii Reesel, Fikir dhaqaaleedkii Keeynis, Hodonimo ka hadalkii Adam Smith, Dad daanyeer ka yeelkii Daarwiin, Daawadii Ibnu Siinaa, Fadeexadii Nikson, Fasiraadii Imaam Gasaali, Geeridii Aayatulaahi, Hujuumkii Jenkiis Khaan, Akhwaanimadii Sayid Khudbi, Beryihii Bernaandosho, Tarbuush bireedkii Bismaarki, Axaadiistii Bukhaari, Diricii Farxat Dinaa, Furfuridii Gorbajoof, Diintii Luu Tasee, Raganimo u dirirkii Buutin,Khudbadii Sheekh Axmad Diidaab, Xaasaskii Jiif Jenetoon, , Wallaalnimadii Haaruun CS, Jasiiradii Robinsow Kuruus, caleema saarkii Cabdirashiid, Baxridii Majilaano, Mad-habtii Shaafici, Casrigii Haaruun Rashiid, Hurdadii Asxaabul Kahfi, ,Halgankii sayid maxamed, Baxsashadii abuu Nidaal, Afadii Abuu Lahab, Diin jacaylkii Sheekh Daa’uud Culusow, murtidii Kadare, Dagadi Cali Yuusuf, Dambi baarayaashii Kaarloos, , Wankii Nabi Ismaaciil, , Masalihii Sheekh Muuse Cigalle, Khilaawadii Isxiji-waaq, Dardaarankii Gaala Guul, Taajkii Shaah Maxamad Raza, Taariikh Nololeedkii Jeneraal Maxamad Abshir, Xafiiskii Abuukar Cadaani, Deeqsinnimadii Xaashi Wehliye, Alla ka cabsigii Sheekh Shariif Sheekh Muxudiin, Durraamadii Sheekh Axmad Gaballe, Masuuliyadii M.X.I. Cigaal, Sahankii Kolombas,meeyar nimadii Muungaab, Taladii Indiira Gaandi, Goobihii Eliskandar, Codkii Meykal Jaksan, Kubaddii Maradonna, Feertii Nabi Aadan, Wareeggii Yuuri Gaagiriin, Abaal marintii Noobel, Dayax degidii Amistron,, Jeegadii Xaafidal Asad, Nadariyadii Neyuutan, Cuf is jiidadkii Gililiyo, Ratigii Raage Taraawiil, Guurowgii Geedi Garabey, Doodkii Cali Gamuunle, Sarbeebtii Ganey Jiinle,Hooya jaceeylkii Hadraawi, Kulleetigii Nareeri, Mukulaashii Maarkoos, Xaryantii Xatsabshuud, Is dilkii Cabdi Xakiim Caamir, Madiinadii Muusa Suudi, Rajadii Faasko Dagaama,jawaabtii Abwaan Cali dhuux, Xisaabtii Cusmaan Caddow, Ubad jacaylkii Xasan Guuleed, Miiskii Napolione, Baasabooradii Nuur Bidaar, Filimadii Alen Delon, Sirtii Jeneraal Samatar, Timihii Muuse Rabiile, Garaadihii Saciid Mariino, Xorriyo jacaylkii Maqtal Daahir, Dharbaaxadii Godagoda, Haantii Keenidiid, Jeelkii Jiijiifte, Dhexdhaxaadnimadii Liiqliiqato, Qawidii Jeneraal Diigool, Tusbixii Dheere Xaaji Dheere,halgan nololeedkii Sh. Shariif,dhaartii shariif xassan,Raaskamboonigii Axmad Madoobe, Geenyadii Boqor Cusmaan, Leegadii Xaaji Maxamad Xuseen, Bakhaaradii Cusmaan Axmad Rooble, , Falsifikeeshinkii Bataar, Qasaa’idkii Sheekh Cabdi Aw Cumar, Boqortooyadii Nafartiid, Siyaaradii Boqol Soon, Kibirkii Namruud, wasiirnimadii Haliye, Derbigii Juuj iyo Wamaa Juuj, Ururkii Mowliid Macaani, Takooridii Saadaam Xuseen, Saalimowgii Sheekh Nuur Xuseen, Dalabkii Geedey Goomey, Qamiiskii Sheekh Ibraahim Suuley, , Madaxweynanimadii Makaariyoos, ,,,,,,,,,,, !!!!!!!!!!. korontadii ama layrkii ayaa dib usoo noqday, indhihii ayaan kala furay,laakin xasuustaasi waxa ay i hilmaansiisay Maqaalkii aan qor islahaa.iga raali noqo marka aan soo xasuusto ayaan qori doonaa.

Qore:-Prof. Yaxye Sheekh Caamir



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip