Warbixin: Daafaca Real Madrid – Marcelo – Oo Shaki La Galinayo Inuu Ciyaaro Kulanka El-Clasico

0
Thursday November 05, 2015 - 12:43:54 in Sports News by
  • Visits: 917
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Warbixin: Daafaca Real Madrid – Marcelo – Oo Shaki La Galinayo Inuu Ciyaaro Kulanka El-Clasico

    Daafaca kooxda Real Madrid iyo Xulka Brazil Marcelo ayaa lagu soo waramayaa inuu shaki ku jiro safashada kulanka xasaasiga ah ee El-Clasico kadib markii dhaawac dhanka muruqa ah looga saaray kulankii Paris Saint Germain.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Daafaca kooxda Real Madrid iyo Xulka Brazil Marcelo ayaa lagu soo waramayaa inuu shaki ku jiro safashada kulanka xasaasiga ah ee El-Clasico kadib markii dhaawac dhanka muruqa ah looga saaray kulankii Paris Saint Germain.

Xidigaan heerka caalami ayaa awoodi waayay inuu dhameysto qeybta hore ciyaarta inkastoo Madrid ay ku faa’idey dhaawaciisa madama Nacho Fernandez oo isaga badalay uu dhaliyay goolka qura oo kooxdiisa ay guusha kaga heshay kooxda ka dhisan faransiiska.

Marcelo

Sida ay qortay Jariiradda MARCA, xidigaan reer Brazil wuxuu mari doonaa isbuucaan tijaabo iyadoo la ogaan doono dhumucda dhaawac ee gaartay.

Marcelo ayaa ka baxay garoonka isagoo muujinaya sida uu kaga xun yahay, balse waxaa loo badinayaa inuu seegi doono kulanka ay wajahi doonaan Barcelona.

Ugu dambeyntiina Real Madrid ayaa mar hore carbuunatay booskeeda wareega 16-ka ee koobka Champions League.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip