Maxaa loo yiri Shabaab waa la eryey! (Ra'yi)

0
Monday November 02, 2015 - 11:45:33 in Maqaallo by
  • Visits: 1205
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Maxaa loo yiri Shabaab waa la eryey! (Ra'yi)

    Magalaada Muqdisho shalay aroortii waxa laga maqlay qarax xoogan kaas oo lala bar-tilmameedsaday Hodheelka Saxafi, qaraxa ka dib waxaa gudaha Hotelka u galay kooxdii weerarka ka danbaysay waxayna faleen wixii ay faleen, marka laga yimaado dadka rayid

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Magalaada Muqdisho shalay aroortii waxa laga maqlay qarax xoogan kaas oo lala bar-tilmameedsaday Hodheelka Saxafi, qaraxa ka dib waxaa gudaha Hotelka u galay kooxdii weerarka ka danbaysay waxayna faleen wixii ay faleen, marka laga yimaado dadka rayidka ah iyo waardiyaasha hoteelka iyo weliba kooxdii Weerarka soo qaaday waxaa halkaas ku geeriyoodey milkiilihii hoteelka Ganacsade Cabdi Rashiid Shire Ilqayte, Abaan duulihii hore ee Ciidamada Milatariga Jeneral Cabdi kariin Dhega badan iyo Xildibaan ka tirsanaa Baarlmaanka hada shaqeeya mr Abtidoon, waxaa dhaawacmay tiro intaas ka badan oo hadda lagu dawaynayo Cusbataalada Magaalada gaar ahaan Digfeer iyo Madiina. Waxaa sheegtay qaraxa iyo weerarka Xarakada Shabaab oo weeraro kan la mid ah hore uga gaysatey Hoteelo badan oo ku yaala Magaalada, mashaqadu waxay bilaabatay 05:40 ee waaberigii hore, banaanka hoteelka waxaa ku geeriyoodey dad socoto ah oo u jarmaadayey soo dhacsashada nolol maalmeedkooda mana jirto cid xil iska saarta geerida dadkaas aan waxba galabsan haday ahaan lahaayeen shabaab iyo dowlada . waxay xabaddu ka dhex socotay hoteelka ka badan shan saacadood, waxaana taas daliil u ah Wasiirka Amniga ayaa 11.30 Idaacada Goobjoog u sheegay in ciidamada dowladu soo af jareen dhibatadii ka jirtey Hoteelka Saxafi Interntional.

Waa hagaag. Hadii sidaan wax u dhacyaan, Shacabkii Soomaliyeed ee deganaa magaalada ee ku hoos nool dowlada ma qabataa arintaas in maalinna la yiraahdo shabaab waa laga adkaaday oo wa la soo afjaray iyo in waxa loogu yeero hawlgal ka socda hal dhisme lagu soo afjaro maalin barkeed, ninbaaa laga sheegay intaad qalaysey anna waan qaybinayey marka sow lama oran karo xaaladdu waa sidaas oo waxa la adeegtey intii la isku maqnaa oo sed bursi iyo qubxi laga shaqaynayey?

Quburada dhinaca Amaanka ku takhasustay ayaa sheegaya in arintani daliil u tahay sida ay weli xarakada shabaab awood muuqata u leeyihiin oo ay magaalada uga adeegan karaan sidii ay doonaan, waxayna dadku inta badan eedeynayaan tayada iyo mukhaabaraadka ciidamada dowlada oo aan u babac dhigi Karin tan Xarakada shabaab..

Cabdinaasir Xersi Iidle.

Email. Naasirx1@gmail.com.

Tel 00252615503978




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip