Hordhac: Crystal Palace vs Manchester United: LVG Oo Wiilashiisa Ka Doonaya IneyCadaadis Saaraan Hogaanka Soona Afjaraan Gool La'aantaHeysata

0
Saturday October 31, 2015 - 13:14:07 in Sports News by
  • Visits: 981
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Hordhac: Crystal Palace vs Manchester United: LVG Oo Wiilashiisa Ka Doonaya IneyCadaadis Saaraan Hogaanka Soona Afjaraan Gool La'aantaHeysata

    Manchester United ayaa dooneysa iney cadaadis saarto kooxaha Man City iyo Arsenal kuwaas oo ah kuwa ugu sareeya horyaalka, sidoo kalana waxey baadi goob ugu jiraan soo afjarida dhibaatada gool la'aan ee ku habsatay kulamadii ugu dambeeyay. Cr

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Manchester United ayaa dooneysa iney cadaadis saarto kooxaha Man City iyo Arsenal kuwaas oo ah kuwa ugu sareeya horyaalka, sidoo kalana waxey baadi goob ugu jiraan soo afjarida dhibaatada gool la'aan ee ku habsatay kulamadii ugu dambeeyay. Crystal Palace sadex guuldaro oo xiriir ah ayaa soo gaaray kulamadii ugu dambeeyay dhamaan tartamada oo dhan, halka Manchester United aysan wax guul ah gaarin labadii kulan ee ugu dambeeyay dhamaan tartamada oo dhan.

WARBIXINTA KULANKA:

Kulanka: Crystal Palace vs Manchester United

Tartanka: Premier League

Garoonka: Selhurst Park

Saacadda: 6:00 Maqribnimo (Xiliga Geeska Afrika)

Garsoore: Mike Jones (England)

MAXAA CUSUB?

Dhibaatada ugu xoogan oo uu qabo Alan Pardew waxey tahay dhaawaca soo gaaray Yohan Cabaye kulankii Manchester City waxaana laga cabsi qabaa inuu seego kulanka manta, sidoo kale macalinkaan reer France ayaa horay ay uga maqnaayeen. Souare, Wickham iyo Chamakh.

Dhanka kale Louis Van Gaal ayaa dib ugu yeeri doona Martial, Mata, Herrera iyo Martial kuwaas oo aan kusoo bilaaban kulankii Middlesbrough.

Darmian ayaa filanaya inuu mar kale kusoo bilowdo daafaca midig madama Antonio Valencia uu xanuun qabo wali.

CrystalPalace_ManUnited
LINE UPKA MACQUULKA AH

Crystal Palace:

Hennessey; Kelly, Hangeland, Dann, Ward; McArthur, Jedinak; Zaha, Puncheon, Sako; Bolasie

Manchester United:

De Gea; Darmian, Jones, Smalling, Rojo; Schneiderlin, Schweinsteiger; Mata, Herrera, Rooney; Martial

MA OGTAHAY?

Crystal Palace wali guul kama gaarin Manchester United kulamada Premier League-ga, 10-kulan ayey Red Devils guul gaartay halka 2-kulan ay barbaro galeen.

Juan Mata ayaa ah libaaxii sanadkii hore kala diray Crystal Palace isagaana labada kulan goolal dhaliyay, (1-0) ayey ku badisay United kulankii Old Trafford, halka kulankii Selhurst Park ay mar kale ku badisay (1-2).




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip