Hordhac: Inter Milan vs As Roma: Nerazzurri Miyaa Hoganka La Wareegi Doonta? Mise Giallorossi Ayaa Hogaanka Dhereysan Doonta?

0
Saturday October 31, 2015 - 13:07:43 in Sports News by
  • Visits: 1315
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Hordhac: Inter Milan vs As Roma: Nerazzurri Miyaa Hoganka La Wareegi Doonta? Mise Giallorossi Ayaa Hogaanka Dhereysan Doonta?

    Inter Milan ayaa gurigeeda kusoo dhaweyn doonta kooxda As Roma iyadoo guul ay gaarto ay ka saacidi karto iney hogaanka horyaalka u qabato. Kooxda Roberto Mancini ayaa ku jirta kaalita afaraad ee horyaalka balse waxey dhibco wadaag la tahay Fiorent

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Inter Milan ayaa gurigeeda kusoo dhaweyn doonta kooxda As Roma iyadoo guul ay gaarto ay ka saacidi karto iney hogaanka horyaalka u qabato. Kooxda Roberto Mancini ayaa ku jirta kaalita afaraad ee horyaalka balse waxey dhibco wadaag la tahay Fiorentina iyo Napoli oo kaalmaha laba iyo sadex ku jira balse farqiga goolasha ayey kaga hooseysa.

WARBIXINTA KULANKA:

Kulanka: Inter Milan vs As Roma

Tartanka: Serie A

Garoonka: San Siro

Saacadda: 10:45 Habeenimo (Xiliga Geeska Afrika)

MAXAA CUSUB?

Roberto Mancini wali ma uusan helin daafaca rug cadaaga ah ee Serbia Nemanja Vidic sidoo kalana Felipe Melo ayaa ganaax kaga maqan.

Sidoo kale Roma waxey weyneysaa kabtan Francesco Totti iyo xidigii hore Barcelona Seydou Keita halka Strootman uusan wali helin soo kabsasho taam ah.

Inter
Danielle De Rossi ayaa shaki la galinayaa inuu ciyaaro sidoo kalana waxaa jira qorshe aan la hubin oo Rudi Garcia uu ku doonayo inuu ku nasiyo xidigaan si uu Leverkusen u wajaho kulankaas oo ku xiran rajada Roma ee UCL.

MA OGTAHAY?

Afartii kulan ee ugu dambeysay Inter Milan waxaa laga dhaliyay kaliya laba gool.

Sideedii kulan ee ugu dambeysay oo ay ciyaareen labada kooxood Inter Milan ayaa kaliya badisay hal jeer waxeyna aheyd April sanadkaan markaas oo ay 2-1 ku badisay, sidoo kale Roma 4-jeer ayey badisay halka 3-jeerna ay barbaro galeen.

LINE UPKA MACQUULKA AH:

Inter Milan:

Handanovic; Santon, Ranocchia, Miranda, Juan Jesus; Brozovic, Medel, Kondogbia; Perisic, Icardi, Ljajic

AS Roma:

Szczesny; Maicon, Manolas, Rudiger, Digne; Florenzi, Nainggolan, Pjanic; Gervinho, Dzeko, Falque




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip