Shirka Iskaashiga Hindiya iyo Afrika oo maanta ka furmaya New Delhi

0
Thursday October 29, 2015 - 11:01:26 in Wararka by
  • Visits: 590
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Shirka Iskaashiga Hindiya iyo Afrika oo maanta ka furmaya New Delhi

    Shirka looga hadlayo Iskaashiga Hindiya iyo Afrika ayaa maanta ka furmaya magaalada New Delhi ee Caasimada dalkaas, iyadoo shirkan ay ka qeyb galayaan inta badan Madaxda Afrika. Ra'iisul Wasaaraha Hindiya Narendra Modi ayaa soo dhoweeyay Mada

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Shirka looga hadlayo Iskaashiga Hindiya iyo Afrika ayaa maanta ka furmaya magaalada New Delhi ee Caasimada dalkaas, iyadoo shirkan ay ka qeyb galayaan inta badan Madaxda Afrika. Ra'iisul Wasaaraha Hindiya Narendra Modi ayaa soo dhoweeyay Madaxda Afrika, iyadoo shirka u dhaxeeya Hindiya iyo Afrika uu yahay shirkii saddexaad ee labada dhinac dhex maro.

Shirkan ayaa waxaa Soomaaliya uga qeyb galaya Madaxweynaha Soomaaliya iyo Wafdi uu hogaaminayo, kuwaasoo maalinimadii shalay gaaray magaalada New Delhi.

Arrimaha ugu weyn ee shirka looga hadlayo waxaa ka mid ah sidii iskaashi u dhex mari lahaa Hindiya iyo Afrika, sida maalgashi uu Hindiya ku sameeyo dalalka Afrika iyo waxyaabaha muhiimka ah ee Afrika soo saarto in dalkiisa loo soo dhoofiyo.

Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya C/salaan Hadliye oo ka hadlayay muhiimada uu shirkan u leeyahay Soomaaliya ayuu xusay in si gaar ah uga wada hadli doonaan arrimaha kheyraadka iyo korontada sidii la isaga kaashan lahaa.

Hindiya ayaa ah dalalka saameynta ku leh Afrika, marka laga soo tago dalalka Shiinaha, Turkiga iyo Mareykanka oo maalgashi ku sameysanaya Afrika.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip