Shirkad Soomaaliyeed oo ka mid noqotay kuwa ugu Tayada Wanaagsan Caalamka (VIDEO)

0
Wednesday October 28, 2015 - 11:22:05 in Wararka by
  • Visits: 725
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Shirkad Soomaaliyeed oo ka mid noqotay kuwa ugu Tayada Wanaagsan Caalamka (VIDEO)

    Shirkad Soomaaliyeed oo ka ganacsatada hilibka iyo cunnooyinka kale oo xarunteedu tahay dalka Imaaraadka Carabta ayaa loo aqoonsaday in ay ka mid tahay shirkadaha ugu tayada-wanaagsan dunida oo dhan, kaddib markii laga soo xushay shirkado badan oo ka

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Shirkad Soomaaliyeed oo ka ganacsatada hilibka iyo cunnooyinka kale oo xarunteedu tahay dalka Imaaraadka Carabta ayaa loo aqoonsaday in ay ka mid tahay shirkadaha ugu tayada-wanaagsan dunida oo dhan, kaddib markii laga soo xushay shirkado badan oo ka qayb-galay bandhiga carwooyinka caalamiga ah oo dhawaan lagu qabtay Jarmalka.
thumbnailthumbnailthumbnailthumbnailthumbnail
Shirkaddan oo lagu magacaabo Daruuqul-Hudda ayaa waxay calaamiga ka kala keentaa noocyada kala duwan ee hilbaha xoolaha iyo cunnooyin kale, waxaana xiriir la leh dad aad u badan oo Soomaali iyo Ajaanib isugu jira.

Madaxa shirkaddan Abuubakar Mubaarak Cabdalla ayaa ka warramaya sababta kalliftay inay shirkadooda ka mid noqoto kuwa ugu tayada-wanaagsan dunida. Wuxuuna yiri. "Waxyaabaha shirkaddeenna horumarka u sababay waa ka qayb-gallka bandhigyada caalamiga ah.”

DAAWO: Warbixin ku Saabsan Shirkadda Daruuqul-Hudda iyo Horumarkeeda;


Abubakar ayaa wuxuu intaas ku daray inay jiraan shirkado boqolaal sano iyo ka badan soo jiray, balse ay iyagu fursad u heleen inay muddo kooban kusoo kooban dhammaan mac-luumaadkii ay u baahnayd shirkaddooda si ay horumarka maanta la gaaray u soo higsato.

Dhanka kale, shirkadaha Soomaalidu leedahay ayaa waayadan dambe si aad ah loogu arkaa bandhigyada caalamiga ah, taasoo macnaheedu yahay in dhaqaalaha Soomaaliya uu soo kobcayo iyo horumarka uu dalku hiigsanayo.

Ibraahim Baafo, Hiiraan Online
baafo@hiiraan.com
Melbourne, Australia
Xigasho:-hiiraan.com


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip