Wiil uu dhalay Muammar Gaddafi oo sheegay in si xun lagula dhaqmay xabsi ku yaala Magaalada Tripoli

0
Wednesday October 28, 2015 - 10:50:38 in Wararka by
  • Visits: 615
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Wiil uu dhalay Muammar Gaddafi oo sheegay in si xun lagula dhaqmay xabsi ku yaala Magaalada Tripoli

    Saadi Gaddafi oo ah wiilka saddexaad ee uu dhalay Madaxweynihii hore ee dalka Libya, Colonel Muammar Gaddafi, ayaa waxa uu soo duubay muuqaal video ah, oo uu kaga cabanayo ilaalada xabsiga Al-Hadba ee magaalada Tripoli.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Saadi Gaddafi oo ah wiilka saddexaad ee uu dhalay Madaxweynihii hore ee dalka Libya, Colonel Muammar Gaddafi, ayaa waxa uu soo duubay muuqaal video ah, oo uu kaga cabanayo ilaalada xabsiga Al-Hadba ee magaalada Tripoli. Ninkan, ayaa waxaa lagu haystaa in uu horkacaayay ciidanka sida gaarka ah u tababaran ee Libya, xilligii uu socday kacaankii looga soo horjeeday aabihii, isla-markaana uu kaalin ku lahaa dagaaladii sokeeye ee dalkaasi ka qarxay sanadkii 2011-ka.

Saadi Gaddafi, ayaa sheegay in si xun ay ula dhaqmayan ilaalada, isagoo intaa ku daray in jirdil ay u gaystaan xilliyada qaarkood. Waxa sidoo kale uu sheegay qaar ka mid ihi eheladiisa oo xabsigaasi kula xiran, in iyana jirdil lagu haayo.

Waxa uu ku cabanayaa in lagula kacaayo waxyaabo ka baxsan nidaamka ilaalinta xuquuqda aadanaha, isla-markaana loogu yeero in argagaxiso uu yahay.

Billo ka hor, ayaa waxaa barta Youtube la soo geliyay muuqaal uu ka soo muuqday Mr. Saadi, isagoo indhaha laga xiray, cagahana ay ka garaacayan qaar ka mid ah ilaalada xabsiga uu ku xiran yahay.

Hay’adda xuquuqda aadanaha ee Human Rights Watch, ayaa waxay Saraakiisha Libya ugu yeertay in baaritaano lagu sameeyo ilaalada xabsigaasi, ee jirdilka kula kacday Saadi iyo dhawr ka mid ah maxaabiista.

Madaxa Human Rights Watch Ee Bariga Dhexe & Waqooyiga Afrika, haweeneyda lagu magacaabo Sarah Leah Whitson, ayaa waxay codsatay in lala xisaabtamo ilaaladaasi.

Saadi Gaddafi waxa uu horey u soo noqday kabtankii xulka kubadda cagta ee Qaranka Libya, sidoo kalana waxa uu ka soo ciyaaray heerka 1-aad ee horyaalka Talyaaniga ee Seria A, isagoona u soo kala ciyaaray kooxaha Udinese iyo Perugia fc.

Bishii March ee sanadkii 2014-ka, ayaa waxaa Saadi lagu soo wareejiyay Dowladda Libya, markii ay Niger weydiisatay inay ku soo wareejiso. Niger waxay in muddo ahba ay ka war wareeganeysay in ninkaasi ku wareejiso Xukuumadda Tripoli, isagoo baqdin ka muujinaayay in dil lagu xukumi doono. Illaa iyo hadda ma jirto wax xukun Maxkamadeed oo ku dhacay, mudada uu ku xiran yahay Caasimadda Libya.

Libya, ayaa waxay wajaheysaa marxalad cakiran, tan iyo markii Wadamada Reer Galbeedka ay xukunka ka tuureen, Dowladdii uu Madaxweynaha ka ahaa Muammar Gaddafi.

Dadka reer Libya, ayaa isla dhex maraaya in xaalad adag ay la kulmayan, ka dib markii meesha laga saaray Maamulkii Korneyl Gaddafi, oo wax tar ballaaran ay ku qabeen, inkastoo lagu dhaliilo in dhibaato uu ku haayay dadkiisa.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip