Feysal Cali Waraabe oo ka digay bur bur ku yimaado Xisbiga talada haya ee Kulmiye

0
Wednesday October 28, 2015 - 10:28:49 in Wararka by
  • Visits: 697
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Feysal Cali Waraabe oo ka digay bur bur ku yimaado Xisbiga talada haya ee Kulmiye

    Guddoomiyaha Xisbiga mucaaradka ee UCID Eng. Feysal Cali Waraabe ayaa ka digay bur bur ku yimaada Xisbiga Kulmiye ee haya talada Maamulka Somaliland, iyadoo uu sii xoogeysanayo khilaafka u dhaxeeya xisbigaas ee ku aadan loolanka dhinaca hogaanka.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Guddoomiyaha Xisbiga mucaaradka ee UCID Eng. Feysal Cali Waraabe ayaa ka digay bur bur ku yimaada Xisbiga Kulmiye ee haya talada Maamulka Somaliland, iyadoo uu sii xoogeysanayo khilaafka u dhaxeeya xisbigaas ee ku aadan loolanka dhinaca hogaanka.

Eng. Feysal Cali Waraabe ayaa sheegay in aysan Somaliland xamili karin inay meesha ka baxaan Xisbiyada waa weyn, waxaana uu xusay inay dib u dhac ku keeni karto hanaanka dimoqraadi ee ka jira Somaliland.

"Xisbi ayaa horay nooga bur buray oo 10-sano jiray, midkan waxaa ku talinayaa in aysan naga bur burin, Xisbiga Kulmiye hada wuxuu jiraa 12-sano, taladii dalkana wuu hayaa”ayuu yiri Eng. Feysal Cali Waraabe.

Sidoo kale waxaa uu sheegay in loo baahan yahay in dhinacyada isku haya musharaxiinta ay si hufan u tartamaan, isla markaana uu jiro isla xisaabtan, iyadoo la aqbalo go’aanada ka soo baxa Tartanka.

"Waxaa fiican in isla xisaabtan uu jiro, tartan wanaagsan inuu dhaco, in go’aanada ka soo baxa la ogolaano, waxna yaan naga xumaan”ayuu yiri Eng. Feysal Cali Waraabe oo ugu baaqay Warbaahinta inay wanaaga ka shaqeeyaan.

In ka badan 10-Mas’uul oo isugu jira Wasiiro, Wasiir kuxigeeno iyo Mas’uuliyiin kale ayaa iska casilay Xukuumadda Somaliland, kadib markii uu cirka isku shareeray khilaafka u dhaxeeya Xisbiga Kulmiye.

Xisbiga Kulmiye ayaa waxaa ka dhex bilowday khilaaf iyo loolan ku saabsan cida musharaxa Madaxweyne u noqoneyso, waxaana 10 bisha November ka dhici doona Hargeysa shirka Golaha Dhexe, kaasoo Xisbiga ku dooran doono musharaxa u taagan xilka Madaxweynaha sanadka 2017.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip