Mid ka mid ah hoggaamiyeyaasha diinta ee Soomaaliya oo Muqdisho lagu xusay + Sawirro

0
Tuesday October 27, 2015 - 18:17:41 in Wararka by
  • Visits: 834
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Mid ka mid ah hoggaamiyeyaasha diinta ee Soomaaliya oo Muqdisho lagu xusay + Sawirro

    Magaalada Muqdisho waxaa lag qatimay kulan diimeed lagu xusayay mid ka mid ah hoggaamiyeyaasha diinta ee dalka Soomaaliya, iyadoona kulan weynahaasi ay ka soo qeyb galeen culumaa'udiin, mashaa'iqda dariiqooyinka kala duwan ee Qaadiriyada iy

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Magaalada Muqdisho waxaa lag qatimay kulan diimeed lagu xusayay mid ka mid ah hoggaamiyeyaasha diinta ee dalka Soomaaliya, iyadoona kulan weynahaasi ay ka soo qeyb galeen culumaa'udiin, mashaa'iqda dariiqooyinka kala duwan ee Qaadiriyada iyo kumanaan dadweyne ah.

Allaha u naxariistee Sheekh Cali Cabdulle oo ka mid ahaa hoggaamiyeyaashii ugu caansanaa fidinta diinta Islaamka, isla markaana ay ka farcameen caalamiin fara badan ayaa lagu xuskiisa lagu soo gabagabeeyay mid ka mid ah mowlaca uu ku leeyahay magaalada Muqdisho.

Xuska iyo Alla bariga loogu duceeyay Allaha u naxariistee Hoggaamiyihii diinta Islaamka Soomaaliya Sheekh Cali Cabdulle ayaa waxaa la isaga kala yimid dalka gudihiisa iyo dibadiisa, iyadoo muddo hal toddobaad ah ay socotay Qur’aan akhris iyo digri ay dhulka la dhaceen qasiidooyinkiisii oo culimadu ku digranayeen.

Sidoo kale Mashaa’iqda, culimada iyo xerta dariiqooyinka kale ee Qaadiriya ayaa iyaguna halkaasi ku soo bandhigay muxabada digriga iyo Alle bariga hoggaamiyahaan Diimeed, waxaana jameeco kasta oo timaada Mowlaca soo dhoweynayay Sheekh Jire Sheekh Cali Cabdule oo haya xilkii aabihiis.

Sheekh Jire Sheekh Cali ayaa sheegay in siyaaradaan ay tahay middii 22-aad ee sanadle ah, wuxuuna qatinkii siyaarada ka duceeyay Alle uga baryay dhammaan Muslimiinta caalamka, gaar ahaan intii ka soo qeyb gashay xuskaasi Alle ka ajar siiyo.

Dhinaca kale xuska loo sameeyay hoggaamiyaha diinta ee dalka Soomaaliya oo dhalasho ka soo jeedo dadka degan Xamar iyo Xamar Daye ayaa waxaa saameyn uu ku yeeshay ganacsigii dadka ehelkiisa ah ay Muqdisho ku keenayeen caanaha iyo cowska, iyagoona si mutadawacnimo ah uga qeyb qaateen inay xoolo iyo xandho wixii ay lahaayeen ay ugu deeqeen in lagu quudiyo makhluuqa ka qeyb gelaya siyaaradaasi.

19 20 21 18 13 14 15 16 17 8 9 10 11 12 3 4 5 6 7 1 2

 

Jabriil Maxamuud Nuur (Jabra)


jabra@somaliweyn.com

xigasho:- somaliweyn.com



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip