RW hore ee Britain Tony Blair oo Ralli-gelintii ugu Horreysay ka bixiyay Duullaankii Ciraaq

0
Tuesday October 27, 2015 - 17:18:01 in Wararka by
  • Visits: 643
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    RW hore ee Britain Tony Blair oo Ralli-gelintii ugu Horreysay ka bixiyay Duullaankii Ciraaq

    Ra'iisul wasaarihii hore ee Britain, Tony Blair ayaa raalli-gelin ka bixiyay dagaalkii ay ku qaadeen waddanka Ciraaq sanadkii 2003-dii, isagoo sheegay inuu ahaa mid khalad ah, kaddib wareysi Isniintii shalay siiyay telefishinka CNN.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ra'iisul wasaarihii hore ee Britain, Tony Blair ayaa raalli-gelin ka bixiyay dagaalkii ay ku qaadeen waddanka Ciraaq sanadkii 2003-dii, isagoo sheegay inuu ahaa mid khalad ah, kaddib wareysi Isniintii shalay siiyay telefishinka CNN.

Tony Blair ayaa sidoo kale qiray in xilliga la weerarayay dalka Ciraaq ay ahayd markii ugu horreysay oo ay soo if-baxaysay kooxda Islaamiga ISIL oo hadda ka dagaalanta Ciraaq iyo Suuriya.

Sidoo kale, RW hore ee Britain ayaa wareysiga uu siiyay telefishinka CNN ee Mareykanka laga leeyahay ku sheegay inaysan waxba ka jirin warbixinnadii sheegaya in go’aankii uu ku galay dagaalka ay ku timid warbixin uu ka helay Sir John Chilcot.

"Waxaa jira arrimo run ah oo ay ka mid tahay in dagaalkii Ciraaq lagu qaaday uu sabab u ahaa inay sameysato kooxda ISIL oo kasoo go’day Al-Qaacidada Ciraaq; taasoo uu xusay inay ahayd tan xoojisay duullaanka ay dowladda Mareykanku hormuudka ka ahayd,” ayuu yiri Tony Blair.

Mar uu ka hadlayay sababtii xukunka looga tuuray madaxweyihii hore ee Ciraaq, Saddam Hussein ayuu yiri. "Runtii lama oran karo in ridistii Saddam ee 2013-kii ay sabab u tahay xaaladda sannadkan 2015-ka ka taagan dalka Ciraaq.”

"Laakiinse, waxaa mudan in la ogaado in waddamada Carbeed ee ay kacdoonnadu shacab ka dhaceen sannadkii 2011-kii ay qaarkood maanta ku jiraan xaaladda Ciraaq ka jirta mid la mid ah; sida kooxda ISIS,” ayuu hadalkiisa ku daray Tony Blair.

Dhanka kale, Tony Blair ayaa raalli-gelin ka bixiyay khaladaadkii dhanka sir-doonka iyo qorshaha dagaalka ciraaq, isagoo xusay inuusan doonayn inuu hadda si gaar ah uu raalli-gelin uga bixiyo.

Weerarkii ay Mareykanka iyo dalalka xulufada la ah sida Ingiriiska ay sannadkii 2003-dii ku qaadeen Ciraaq ayaa sabab looga dhigay in Saddam Hussein uu haysto hubka halista ah ee wax gumaada, kaasoo aan la helin markuu dhammaaday dagaalkii xukunka looga tuuray xukuumaddii Ciraaq.

"Anigu waxaan oran karaa raalli-gelin ayaan ka bixinayaa aaminaadii warbixinnadii aanu ka helaynay sirdoonku oo ahaa kuwo khalad ah, waayo waxaa naloo sheegay inuu haysto hubka sida ba’an wax u gumaada; laakiinse waxaan hadda ogaaday inaysan taasi waxba ka jirin,” ayuu mar kale yiri RW hore ee dalka Britain.

Tony Blair oo la weydiiyay haddii uu rumeysan yahay in dullaankii dalka Ciraaq uu ahaa mid khalad ah; sidee u aragtaa ridistii Saddam Hussein, ayaa wuxuu ku jawaabay. "Aad baan uga xumahay khaladaadkii dhacay iyo qaabkii dagaalkaas loo qorsheeyay. Waxaana qirsanahay inaan rumeysannay waxyaabo aan jirin.”

Isagoo sii hadlaya Blair ayuu intaas ku daray. "Way igu adag tahay in aan raalli-gelin ka bixiyo in xukunka laga tuuro Saddam Hussein, xitaa maanta aynu joogno 2015-ka waxaa ila wanaagsan inuusan xukunka sii hayn, iska daa inuu weli xukuna Ciraaq sii hayo.”

Wargeyska The Mail ee London kasoo baxa cadadkiisii Isniintii ayaa waxay hadalka Tony Blair ee dagaalkii Ciraaq uga dhigeen cinwaan ‘Waa wakhti taariikhi ah oo uu Tony Blair ugu dambeyn kaga bixiyay raalli-gelin dagaalkii Ciraaq’.

Ugu dambeyn, duullaankii Ciraaq lagu qaaday ayaa sababay dhimashada dad lagu qiyaasay 461,000 oo ruux intii u dhexeysa sannadihii 20011-kii illaa 2013-kii, iyadoo dagaalkaas uu dhex-muquutay wixii xilligaas ka dambeeyay colaado sokeeye oo dhibaato badan sababay.

- See more at: http://hiiraan.com/news/2015/Oct/wararka_maanta27-93560.htm#sthash.14mWjdrr.dpuf



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip