Booliiska Kenya oo lagu eedeyay inay qayb ka yihiin xadidda Imtixaanada Dugsiyada Sare ee KCSE

0
Tuesday October 27, 2015 - 16:30:47 in Wararka by
  • Visits: 735
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Booliiska Kenya oo lagu eedeyay inay qayb ka yihiin xadidda Imtixaanada Dugsiyada Sare ee KCSE

    Ciidanka booliiska dalka Kenya, ayaa lagu eedeyay iney qeyb ka yihiin xaditaanka Waraaqihii Imtixaanadka Dugsiyada sare ee Kenya (KCSE) oo ardaydu ay hada u fadhiyaan toddoaabadkii labaad.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ciidanka booliiska dalka Kenya, ayaa lagu eedeyay iney qeyb ka yihiin xaditaanka Waraaqihii Imtixaanadka Dugsiyada sare ee Kenya (KCSE) oo ardaydu ay hada u fadhiyaan toddoaabadkii labaad.
Sabina Chege oo ah Guddoomiyaha guddi-hoosaadka Baarlamaanka Kenya u qaabilsan arrimaha waxbarashada, ayaa dhawaan shaaca ka qaaday in saraakiisha Booliska ay warqadaha furaan, isla markaasna ay Copy ama nuqul ka sameeyaan ka hor inta aysan u qeybinin ardayda Imtixaanka galeyso.

Waxay intaas ku dartay haweeneydaas oo ka tirsan Xisbiga talada Kenya hayo ee Jubilee, in Saraakiisha bilaysku markii ay fureen waraaqaha imtixaanka ay sawirro ka qadaan iyagoo isticmaalayo Taleefoonada casriga ah ee loo yaqaano Smartphones. Kaddibna laga iibiyay ama WhatsApp ahaan loogu diray qaar kamid ah ardayda Imtixaanka ku jirto.

Dhanka kale Afhayeenka Ciidamada Bilayska Kenya Charles Owino oo shalay la hadlay warbaahinta, ayaa waxba kama jiraan ku tilmaamay eedeynta loo soo jeediyay ciidamadooda. Wuxuuna sheegay in haweeneydaas haddii ay hayso cadeyn ay hor dhigto Guddiga Anshaxa iyo La-dagaallanka Musuqmaasuqa Kenya ee magaciisa loo soo gaabiyo (EACC) Ethics and Anti-Corruption Commission.

Si kastaba ha ahaatee, dhawaan ayey aheyd markii warbaahinta Kenya qaarkood ay shaaca ka qaadeen in si sharci daro ah loo iibinaayo Waraaqaha imtixaanka Dugsiga sare ee KCSE oo ay sheegeen in qiimaha ugu hooseeyo ee halkii warqad la gadaayo uu yahay Kun Shilling oo lacagta Kenya ah.

Sidoo kale baraha bulshada, ayaa la soo dhigay Nuqulo ka mid ah Waraaqo lagu sheegay iney yihiin kuwa Imtixaanka ka hor inta aanan loo gudbinin ardayda sannadkan imtixaanka u fadhiso.

Sida caadiga ah xilliyada ay Imtixaanaadka Dugsiyada waxbarashada Kenya ay dhacayaan, ayaa Waraaqaha imtixaanaadka waxaa marka hore laga soo qaado xarunta Golaha qaranka ee Imtixaanaadka Kenya (KNEC), waxaana la geeyaa Saldhigyada Ciidamada Booliska si ay waraaqahaas oga illaaliyaan iney gacanta u galaan dad weynaha iyo waliba ardayda Imtixaanka galeyso, iyagoona sidoo kale kor joogayaal ka ahaado xiliga ay ardaydu imtixaanka ku jiraan.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip