
Dad ku dhintay doon ku degtay xeebaha Jabuuti
Doonta ayaa ka soo ambabaxday Jabuuti, iyadoo ku sii jeedday Yemen, waxaana saarnaa 305 qof markii ay rogmatay habeenimadii Khamiista, meel u dhow magaalada dekedda leh ee Obock.
Alexandre Coissac, oo ah madaxa xafiiska IOM ee Jabuuti, ayaa musiibadan ku tilmaamay "xusuusin cad” oo muujinaysa khatarta ay muhaajiriintu wajahayaan marka ay raadinayaan nolol cusub meel kale.
Hay’addu waxay sheegtay in sannad kasta tobannaan kun oo muhaajiriin ah oo ka soo jeeda Geeska Afrika ay galaan safarkan khatarta badan, iyagoo rajaynaya inay gaaraan dalalka Khaliijka si ay uga helaan ammaan iyo shaqo.
IOM ayaa Axaddii tirada dadka dhintay ka kordhisay 109 qof ilaa 139, kaddib markii la helay meydadka 30 qof oo kale.
"Waa khasaare nafeed oo aad u murugo badan,” ayuu yiri Coissac.


0 



Dad ku dhintay doon ku degtay xeebaha Jabuuti
.