
Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qayb-galay xuska Maalinta Calanka + Sawirro
Madaxweynaha Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta ka qayb galay munaasabad heer qaran ah oo si maqaam sare leh loogu xusay Maalinta Calanka Soomaaliyeed, taasi oo astaan u ah gobannimada, midnimada iyo jiritaanka ummadda Soomaaliyeed.
Munaasabadda maalinta Calanka waxaa ka qayb galay Guddoomiyaha Golaha shacabka Soomaaliya, Guddoomiye Ku xigeenka Koowaad ee Golaha Aqalka sare, Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda Federaalka, Guddoomiyaha Maxkamadda sare iyo Taliyeyaasha ciidamada Qalabka sida ee Qaranka Soomaaliyeed.
Xuska oo ka dhacay xarunta Madaxtooyada qaranka ayaa waxaa sidoo kale si weyn uga qayb qaatay cutubyo ka kala socday Ciidamada Dhulka, Cirka iyo Badda ee Xoogga Dalka Soomaaliyeed, kuwaas bandhig cajiib ah kusoo bandhigay xarunta Villa Soomaaliya.
Sidoo kale waxay si xirfad ciidannimo ku dheehan tahay u muujiyeen sida ay uga go’an tahay difaaca calanka, qarannimada, madax-bannaanida dalka iyo jiritaanka ummadda Soomaaliyeed.
Inta ay socotay munaasabadda waxaa sidoo kale hadal kooban ka jeediyay madaxweynaha isagoo muujiyay qiimaha taariikheed ee maalinka 12-ka Oktoobar iyo kaalinta uu Calanka Soomaaliyeed ku leeyahay sharafta iyo karaamada ummadda Soomaaliyeed.
Waxaa kale oo uu tilmaamay in calanku yahay astaan ka tarjumaysa midnimada shacabka, himiladii xorriyadeed iyo naf-hurnimadii halgamayaashii Soomaaliyeed ee u soo dagaallamay gobanimada.
"Munaasabaddan awgeed, waxaan xusuus iyo maamuus gaar ah u dirayaa halgamayaashii naftooda u huray xorriyadda, madax-bannaanida iyo midnimada dalkeenna, aniga oo Alle uga baryayaa in uu naxariistiisa Janno ku maamuuso dhammaan shuhadadii Soomaaliyeed ee u naf-waayey difaaca dalka, diinta, dadka iyo qarannimada,” ayuu yiri Madaxweynuhu.
Dhanka kale, shacabka Soomaaliyeed ayuu ugu baaqay inay ilaashadaan dhaxalka dowladnimo ee ay nooga tageen halgamayaashii gobannimada, ayna ka wada shaqeeyaan adkaynta midnimada, difaaca madax-bannaanida iyo ilaalinta jiritaanka qarankeenna.
Calanka Soomaaliyeed ayaa markii u horreysay la taagay 12-kii Oktoobar 1954-kii, xilli ay ummadda Soomaaliyeed ku jirtay halgankii gobannimada iyo u diyaar-garowga madax-bannaanida, waxa uu astaan u yahay gobannimada, midnimada, wadajirka iyo jiritaanka qaranka Soomaaliyeed, isaga oo xambaarsan taariikhda halgankii dheeraa ee ay awoowayaasheen iyo halgamayaasheenna u soo galeen xorriyadda iyo karaamada ummaddooda.



0 



Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qayb-galay xuska Maalinta Calanka + Sawirro
.