
Xasan Cali Khayre oo digniin culus ka soo saaray dulaanka ka dhanka ah Mucaaradka
Ra’isulwasaarihii hore ee Soomaaliya Xasan Cali Khayre ayaa caawa soo saaray digniin culus oo ka dhan ah Dowlada Somalia xili aad loo hadal hayo weerar ka dhan ah Mucaaradka gaar ahaan guriga Madaxweynihii hore ee Somalia Shariif Sh.Axmed.
Xasan Cali Khayre wuxuu ka digay cawaaqib xumada ka dhalan kara weerar Dowladu ku qaado madaxda mucaaradka isagoona ku eedeeayay ciidamada Dowlada inay Muqdisho ka wadaan daandaansi iyo dhaq dhaqaaqyo ciidan.
Digniinta Xasan Cali Khayre oo sideeda u qoran halkaan ka akhriso:-
Waxaan si adag uga digayaa cawaaqibka xun ee ka dhalan kara daandaansiga iyo dhaqdhaqaaqyada ciidan ee taliska Madaxweynaha muddo-xileedkiisu dhammaaday uu ku beegsanayo guryaha ay Muqdisho ka deggan yihiin madaxdii hore ee qaranka. Tallaabooyinkani waxay abuurayaan jawi colaadeed oo caasimadda dalka u horseedi kara xasillooni-darro, qalalaaso amni iyo hubanti la’aan siyaasadeed.
Waxaa ayaandarro ah in Madaxweyne hore Xasan Sheekh Maxamuud uu u oomman yahay dhiig hor leh, kuna hawllan yahay ficillo uu ku banneysanayo dhiigga madaxdii hore, waxaana ummadda Soomaaliyeed si cad u sheegaynaa in Madaxweynaha waqtigiisu idlaaday uu qaadayo masuuliyadda cawaaqib kasta oo ka dhasha tallaabooyinkan.
Awood ciidan iyo cagajugleyn laguma xallin karo xaaladda murugsan ee dalku ku jiro. Dariiqa keliya ee Soomaaliya looga badbaadin karo hubanti la’aanta siyaasadeed waa in dib loogu laabto miiska wadahadalka, si heshiis siyaasadeed looga gaaro doorashada, loona helo dowlad ku timaada hannaan heshiis lagu yahay oo leh sharciyad ay ku hoggaamiso Soomaaliya.


0 




Xasan Cali Khayre oo digniin culus ka soo saaray dulaanka ka dhanka ah Mucaaradka
.