
Wasiir Fiqi oo mar kale mucaaradka u hanjabay
Wasiirka Gaashaandhiga Somalia Axmed Macalin Fiqi ayaa qoraal uu caawa soo dhigay bartiisa Facebook wuxuu mar kale hanjabaad hawada u mariyay mucaaradka isagoo dhanka kalana ku eedeeyey inay iyagu daan daansi wadaan islamarkaana Dowladu waligeed weerar bilaabin.
Wasiir Fiqi qoraalkiisa isagoo sidiisa u qoran halkaan ka akhriso:-
Shirqoolkii la guntayay bilihii la soo dhaafay iyo shirarkiisii dhowaan soo gabagaboobay markii si kale oo lagu fuliyo iyo marmarsiiyo la cuskado la waayay wuxuu qorshe ka dhigtay "waa la i soo weerarayaa” looga gol-leeyahay habar-wacasho iyo marmarsiiyo maleeshiyaad lagu abaabusho.
Kooxaha mucaaradka qaarkood aaminsan in qoriga kursi lagu heli karo waxay saddex jeer oo hore isku dayeen weeraro fashilmay oo shisheeye maalgalinayay bishii September 2025 weerarkii qaawanaa ee saldhigga Wardhiigley iyo bilihii May&Juun ee sanadkaan oo gantaallo iyo madaafiic ay ku garaaceen shacabka ayagoo leh banaanbax ayaan qabanaynaa!
Ma jirto cid sharciga ka sarraysa, mana jirto cid laga aqbalayo maleeshiyaad ay rabto in ay Amniga Caasimadda ku qalqal geliso


0 



Wasiir Fiqi oo mar kale mucaaradka u hanjabay
.